21/08/2025
Waxbarasho ee Scholarship UK 🇬🇧
W/Q: Abokor-shaybe
Xog ururin kooban oo aan idiin sameeyay.
waa mid ka mid ah deeqaha waxbarasho ee ugu caansan caalamka, uguna sumcadda badan marka laga hadlayo fursadaha waxbarasho heer Master ah. Deeqdan waxaa bixisa dowladda Boqortooyada Ingiriiska (United Kingdom), waxaana sanad walba ka faa’iideysta in ka badan 1,500 arday oo ka kala yimaadda ku dhowaad 150 dal, oo ay ka mid yihiin Somaliland, Soomaaliya , Itoobiya , Kenya iyo Jabuuti.
Tartanka waxaa ka qayb-galaya ku dhowaad 5,000 codsadeyaal wareega labaad ee waraysiga (interview), halka ugu dambaynna ay ku guuleystaan 1,500 oo ka mid ah.
Guuleystayaasha waxaa loo diyaariyaa waxbarasho buuxda oo heer Master ah, muddo hal sano gudaheed ah, iyaga oo dhigta jaamacadaha ugu sumcadda badan UK.
Fiiro Gaar ah:
Codsiga bilowga ah lagama rabo inaad haysato baasaboorka.
Ujeeddada Chevening waa in ay tababarto hoggaamiyeyaal mustaqbal leh, ee ma aha oo keliya arday raadinaya shahaado.
Haddii aad horey u baratay Master’s, mar kale ayaad codsan kartaa, laakiin waa in aad caddeysaa sababta aad dib ugu baraneyso.
Qoraallada codsigaaga waa inay ahaadaan kuwo aad adigu qortay (copy aad kala timi internet-ka waxuu sababi karaa in lagaa diido).
Marka aad codsiga gudbiso, waxaa lagaa rabaa inaad la xidhiidho 3-dii jaamacadood ee aad dooratay si aad u hesho unconditional admission.
IELTS bilowga lagama rabo, balse waa lagama maarmaan si aad u hesho aqbalaadda jaamacadda.
Shuruudaha Codsadaha:
Waa inaad ka timaaddo waddan loo oggol yahay, sida Somaliland, Soomaaliya , Itoobiya , Kenya, ama Jabuuti.
Waa in aad haysataa Bachelor Degree + Transcript.
Waa inaad leedahay ugu yaraan 2 sano oo khibrad shaqo ah (qiyaastii 2,800 saacadood).
Waa inaad diyaar u ahaataa inaad ka jawaabto 4-ta su’aalood ee muhiimka ah:
1. Aragti iyo kartidaada hoggaamineed (Leadership & Influencing Skills).
2. Sida aad u dhisto xidhiidho iyo shabakado faa’iido leh (Networking Skills).
3. Saddexda jaamacadood ee aad dooratay iyo sababta aad u dooratay (Study Choice).
4. Qorshahaaga marka aad waxbarashada dhamaysato iyo sida aad uga faa’iidayn doonto dalkaaga iyo naftaada (Career Plan).
Faa’iidooyinka Deeqdan:
Waxaa lagaa daboosha dhammaan kharashaadka waxbarashada, hoyga, cunnada, safarka, caymiska caafimaadka iyo kharashaadka kale ee aasaasiga ah.
Waxaa lagu siinayaa guno bille ah.
Waxaa laguu damaanad qaadayaa helitaanka visa.
Waxaad ku biiri doontaa Chevening Alumni Network oo ka kooban in ka badan 50,000 qalin-jabiye oo caalami ah.
🗓 Mudada Codsiga:
Codsiga Chevening ee sanadkan wuxuu ku xidhmayaa 7 October, 2025.
Halkan ka dalbo codsigaaga : chevening.org/apply