11/02/2026
Waxaa furmay maanta koorsada cusub ee ArcGIS Pro Full Beginner Course.
Koorsadani waxay u dhisan tahay qof kasta oo bilow ah oo raba inuu barto GIS iyo sida ArcGISPro looga isticmaali iyadoo ay wadato sharaxaad nidaamsan oo la fahmi karo.
Waxaad ku bilaabi doontaa aasaaska (hordhac, Muuqaalka/interface, projects iyo xog gelin), kadib waxaad u gudbi doontaa xirfadaha muhiimka ah ee GIS sida Geodatabases iyo Selection. Markaas waxaad baran doontaa sida Maababka loo habeeyo sida Midabaynta (Symbology), Magac ku qorida (Labels) iyo sida loo sameeyo Layout. Ugu dambayn, waxaad ku tababaran doontaa falanqaynta GISka (GIS Analysis) ee ugu isticmaalka badan (Geoprocessing & Analysis) sida Buffer, Clip, NDVI, Fishnet iyo Zonal Statistics.
Booqo websiteka oo qiima dhimista ka faa'idayso: https://ufuqgis.com/courses/introduction-to-arcgis-pro-af-soomaali/