Atlants Research & Consultancy

  • Home
  • Atlants Research & Consultancy

Atlants Research & Consultancy "Transforming Ideas into Action"

Waxan hambalyo u direynaa Agaasimaha fulinta xarunta Atlants Research & Consultancy, Mr Mumin Rage Ahmed oo qoray cilmi ...
28/06/2026

Waxan hambalyo u direynaa Agaasimaha fulinta xarunta Atlants Research & Consultancy, Mr Mumin Rage Ahmed oo qoray cilmi baaris ku saabsan " "๐„๐Ÿ๐Ÿ๐ž๐œ๐ญ ๐จ๐Ÿ ๐‚๐ฅ๐ข๐ฆ๐š๐ญ๐ž ๐‚๐ก๐š๐ง๐ ๐ž ๐จ๐ง ๐‹๐ข๐ฏ๐ž๐ฌ๐ญ๐จ๐œ๐ค ๐๐ซ๐จ๐๐ฎ๐œ๐ญ๐ข๐จ๐ง ๐ข๐ง ๐’๐จ๐ฆ๐š๐ฅ๐ข๐š," oo loogu daabacay ๐…๐”๐ƒ๐Œ๐€ ๐‰๐จ๐ฎ๐ซ๐ง๐š๐ฅ ๐จ๐Ÿ ๐’๐œ๐ข๐ž๐ง๐œ๐ž.

Congratulations on your Publication

04/06/2026
๐‘ซ๐’‰๐’‚๐’๐’Š๐’๐’š๐’‚๐’“๐’‚๐’๐’Š๐’Ž๐’‚๐’…๐’‚ ๐’Š๐’š๐’ ๐‘พ๐’‚๐’’๐’•๐’Š๐’ˆ๐’‚Dhalinyaranimadu waa marxalad nolosha ka mid ah oo qofku leeyahay awood, firfircooni, iyo ra...
27/03/2026

๐‘ซ๐’‰๐’‚๐’๐’Š๐’๐’š๐’‚๐’“๐’‚๐’๐’Š๐’Ž๐’‚๐’…๐’‚ ๐’Š๐’š๐’ ๐‘พ๐’‚๐’’๐’•๐’Š๐’ˆ๐’‚

Dhalinyaranimadu waa marxalad nolosha ka mid ah oo qofku leeyahay awood, firfircooni, iyo rajo badan.
Waa waqtiga ugu habboon ee lagu baran karo aqoon cusub, lagu dhisi karo xirfado, lagu gaari karo himilooyin nololeed.

Waqtigu waa kheyraad aan dib loo soo celin karin sidaa darteed, dhalinyaradu haddii ay waqtigooda si wanaagsan u maareeyaan waxay gaari karaan guulo waaweyn oo mustaqbalka ah.

Fursadaha Dhalinyarada

Dhalinyaradu waxay leeyihiin fursado badan,
sida:
โ— Waxbarashada
โ— Jaamacado
โ— Tababaro, iyo
โ— Koorsooyin online ah.

Shaqo iyo Ganacsi: sida abuurista ganacsi yar (entrepreneurship) ama iney shaqo raadiyaan

Teknoolojiyada:
Internet-ka oo isaguna fududeeyay helitaanka aqoonta iyo fursadaha shaqooyinka.

Is-dhexgal Bulsho:
Ka qeyb qaadashada horumarinta bulshada fursadahaan waxay noqon karaan jid lagu gaaro horumar haddii si sax ah looga faaโ€™iidaysto.

Dadaalka (Hard Work)

Fursad kasta waxay u baahan tahay dadaal si loo gaaro natiijo, qofka waa inuu yeeshaa himilo cad (goals)
Dadaalka waa inuu noqdaa mid joogto ah (consistency)
Waa inuu xoojiyaa samirka iyo adkeysiga

Caqabadaha Dhalinyarada.

Dhalinyaradu waxay la kulmaan caqabado kala duwan sida
โ—Shaqo laโ€™aan
โ—Fursado xadidan
โ—Cadaadis bulsho iyo mid dhaqaale
โ—Isticmaalka waqtiga oo aan habooneyn (time mismanagement)
โ—Saameynta xun ee saaxiibada ama warbaahinta.

Caqabadahan waxay dib u dhigi karaan horumarka haddii aan si sax ah loo maareyn.

Sida looga gudbi karo caqabadaha

1- In la yeesho yoolal cad
2- In la barto xirfado cusub
3- In la sameeyo qorshe nololeed (planning)
4- In la raadiyo lataliye (mentor)
5- In laga fogaado waxyaabaha waqtiga luminaya

Ugu dambeyn Dhalinyaranimadu waa fursad dahabi ah oo aan soo laaban, qofka dhalinyarada ah haddii uu waqtigiisa si fiican u isticmaalo, dadaalna sameeyo, wuxuu ka gudbi karaa caqabadaha wuxuuna gaari karaa guul weyn.
Mustaqbalka qofka maanta dhalinyarada ah wuxuu ku xiran yahay sida uu maanta u maareeyo waqtigiisa iyo fursadaha uu haysto.

Jumco wanaagsan.

W/Q: Mumin Rage Ahmed.

๐™Ž๐™–๐™–๐™ข๐™š๐™ฎ๐™ฃ๐™ฉ๐™– ๐™™๐™๐™–๐™ฆ๐™–๐™–๐™ก๐™š ๐™š๐™š ๐™™๐™–๐™œ๐™–๐™–๐™ก๐™ ๐™– ๐˜ฝ๐™–๐™ง๐™ž๐™œ๐™– ๐˜ฟ๐™๐™š๐™ญ๐™šSabti 28-2026 markii uu bilowday dagaal duqeyn ah oo Mareykanka iyo Israel oo...
05/03/2026

๐™Ž๐™–๐™–๐™ข๐™š๐™ฎ๐™ฃ๐™ฉ๐™– ๐™™๐™๐™–๐™ฆ๐™–๐™–๐™ก๐™š ๐™š๐™š ๐™™๐™–๐™œ๐™–๐™–๐™ก๐™ ๐™– ๐˜ฝ๐™–๐™ง๐™ž๐™œ๐™– ๐˜ฟ๐™๐™š๐™ญ๐™š

Sabti 28-2026 markii uu bilowday dagaal duqeyn ah oo Mareykanka iyo Israel oo wadajira aay ku qaadeen dalka Iran waxa jira qasaaro baaxad leh oo naf, hanti iyo dhaqaale farabadan galaaftay.

Dagaalka u dhexeeya Mareykanka iyo Iiraan ma aha oo kaliya inuu galaaftay nolosha dhowr qof ee sidoo kale waxa ku gubanaya lacago farabadan oo aan la qiyaasi karin.

Sida laga soo xigtay xog aay soo ururisay Anadolu 24-kii saacadood ee ugu h**eeyay weerarada lagu qaaday Iiraan Mareykanku wuxuu ku kharash gareeyay qiyaastii $779 milyan.

Ha isbuuc oo dagaalku socdo khubaradu waxay qiyaasayaan in wadarta kharashka uu yahay $210 Billion hadii dagaalku sii socda waxa la qiyaasayaa qarash dhan 22 trillion xigasho (Financial Express)

Dagaalada ka socda Bariga Dhexe wuxuu saameyn weyn ku yeesheen dhaqaalaha caalamka, gaar ahaan kuwa soo dagsado shidaalka (Importers) sida France, Italy, Spain, China, Japan, India, Kenya, Ethopia iyo Soomaaliya.

Wadamadii ugu shidaal soo saarka badnaa Bariga Dhexe sida Iran, Iraq iyo Saudi Arabia waxa si toos ah u saameeyay dagaalka.
Sidoo kale dowladda Iran ayaa ku dhawaaqday in aay xirtay Strait of Hormuz oo ah marin biyood aad muhiim ugu ah dalal badan iyo ganacsiga caalamka.
Qiimaha shidaalka aduunka ayaa 15% kor u kacay cabsi ah in maraakiibta shidaalka aysan mari karin marin biyoodka Strait of Hormuz.

Tani waxay sababtay sicir barar iyo inuu hoos u dhac ku yimid ganacsiga caalamka.

Qiimaha shidaalka ayaa kordhay sababtoo ah soo saarista shidaalka (Oil Production) ayaa yaraaday. Sidoo kale waxa kordhay qiimaha cuntada, gaadiidka, maraakiibta iyo badeecadaha.

Wadamada soo dhoofsada shidaalka sida
Europian Union, China, Japan, India, Kenya, Ethopia iyo Soomaaliya ayuu qiimaha shidaalka si deg deg ah sare ugu kacay.

Hadii dagaalka Bariga Dhexe sii socdo marinka Hormuz uu hakadkiisa kujiro wadamada soo dhoofsada shidaalka waxa la filayaa in qiimaha shidaalka caalamka uu gaaro koror ah 30%.

Magaalada Muqdisho ayaa durba laga dareemay sare u kac qiimaha shidaalka ah.

dagaalka Bariga dhexe kahor qiimaha shidaalka magaalada Muqdisho wuxuu ahaa $0.65 lkn maanta oo ah 5-3-2026 qiimaha shidaalka Magaalada waa $1.2 sida uu ii xaqiijiyay darawal mooto Bajaajle ah.

Tan ayaa ka dhigan in qiimihii h**e lagu kordhiyay lacag gaareysaa $0.55.

Ugu dambeyn ma muuqato wax wada hadal ama xabad joojin ah oo laga dhex sameyay dagaalka u dhaxeeya Isreal iyo Mareykanka oo isku dhinac ah iyo Iran

W/Q: Mumin Rage Ahmed.
Agaasimaha Xarunta Atlants Research & Consultancy

Address

Makka Al-Mukkarama Road Adani Tower

Telephone

+252617700508

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Atlants Research & Consultancy posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to Atlants Research & Consultancy:

Shortcuts

  • Want your business to be the top-listed Business?

Share