Wariye Cadde Kabayare

Call Directions Contact the business

Wariye Cadde Kabayare warar iyo barnaamijyo xiiso leh ku soo dhawow
bartaaan khaaska u ah
dhalinta iyo inta garaadka leh

marka aad aragto sawirka qalabkaan maxaa kugu soo dhaca ?
07/09/2026

marka aad aragto sawirka qalabkaan maxaa kugu soo dhaca ?

07/09/2026

🇦🇪 PUNTLAND IYO IMAARAADKA: XIRIIR AAN LA MAHADIN DOONIN?

Xiriirka Puntland iyo Imaaraadka waa inuu ku dhisnaadaa dan shacabka, isla-xisaabtan iyo natiijo muuqata.

Haddii Puntland ay bixiso wax ka badan inta ay ka hesho, iyadoo aan shacabka loo caddeyn faa’iidada heshiisyada, xiriirkaas mustaqbalka ma dhalin doono mahadnaq iyo kalsooni.

👉 Saaxiibtinimada siyaasadeed waxaa lagu qiimeeyaa waxa ay shacabka u soo kordhiso, ee laguma qiimeeyo sawirro iyo heshiisyo keliya.

✍️ Cadde Kabyare | Aragti & Falanqayn

06/09/2026

Nidaamka Federaalka: Ma Horumar Baa Mise Waa Musuqmaasuq La Daadajeeyay?"

​"Awood-daadajin mise dhiig-miirasho cusub?

Sanooyin ka dib, Federaalka Soomaaliya ma keenay maamul wanaag, mise wuxuu maamul-goboleed kasta u beddelay Madaxtooyo yar oo leh kaligii-taliye u gaar ah?

Fikraddaada hoos ku qor!"
Cadde Kabayare ✍️

  hal qof ayaa ku dhintay  howlgal ay ka sameeyay Garacad ciidamada Birmadka Booliska Puntland, kuwaas oo dabagal ku hay...
01/09/2026

hal qof ayaa ku dhintay howlgal ay ka sameeyay Garacad ciidamada Birmadka Booliska Puntland, kuwaas oo dabagal ku haya xubno lagu tuhunsan yahay inay qeyb ka ahaayeen kooxihii dhawaan ka degay markabka MV LUTUF, oo muddo lagu haystay xeebaha gobolka Nugaal.

Sida ay ilo xog-ogaal ah xaqiijiyeen, ciidamada ayaa inta uu socday howlgalka gacanta ku dhigay xubno loo haysto eedeymo la xiriira markabka.
Wariye Cadde Kabayare

01/09/2026

Hassan Sheikh Mohamud oo ah masuulka ugu sareya dalka🇸🇴 wakhtigaan la joogo waxa uu arkaa wax aysan arki karin wadama carabta qaarkood
iyo siyaasiyiin soomali ah oo dhaqaale kula saaxibay wadamadaas

24/04/2026

wararka maanta oo jumcaha 2qodob ee ugu xiisa badnaa
waxana idinla socod siinaya aniga oo ah Wariye Cadde Kabayare

War Cusub maxaa ka dhalan kara Afduubka loo gaystay mid ka mid ah shaqalaha MSF Gaalkacyo iyo Adeegyada Caafimaad ee Méd...
22/04/2026

War Cusub maxaa ka dhalan kara Afduubka loo gaystay mid ka mid ah shaqalaha MSF Gaalkacyo iyo Adeegyada Caafimaad ee Médecins Sans Frontières

Hordhac:
Magaalada Gaalkacyo waxay ka mid tahay magaalooyinka muhiimka ah ee Soomaaliya, waxaana ku nool dad badan oo u baahan adeegyo caafimaad oo joogto ah. Hay’adaha samafalka sida MSF ayaa door weyn ka ciyaara bixinta adeegyadaas, gaar ahaan xaaladaha degdegga ah.

Dulucda:
Wararka cusub ee ka imanaya Gaalkacyo waxay muujinayaan in adeegyada caafimaad ee ay bixiso MSF ay si weyn u taageerayaan bulshada. Dad badan ayaa ka faa’iideysta daaweyn bilaash ah, gaar ahaan kuwa aan awoodin in ay iska bixiyaan kharashaadka caafimaadka.

MSF waxay ka shaqeysaa:

* Daaweynta dhaawacyada iyo xaaladaha degdegga ah
* Daryeelka hooyada iyo dhallaanka
* Ka hortagga cudurrada faafa
* Wacyigelinta caafimaadka bulshada

Adeegyadan ayaa si gaar ah muhiim ugu ah dadka ku nool meelaha ay ka jiraan duruufo adag sida colaad ama saboolnimo.

hadii ay hay'adu hesho xogta khatarta soo food saartay shaqaalaheeda waxa ay qaadan doontaa go'aan ah in ay joojisyo adeegyada ayna ka guurto magalada iyada oo fulinaysa kana taxadaraysa fariimaha amni ee ay heshay

Rer galkacyo oo aan ognahy baahida daryeel ay qabaan maanta
Kuma haboona in ay indhaha ka dawaadan dhacdooyin kaan foosha xun

W/Q: Cadde Kabayare

Address

Bosaso
Dubai
0000

Telephone

+252613329451

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Wariye Cadde Kabayare posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to Wariye Cadde Kabayare:

Shortcuts

Share

Nearby businesses