Somali Österreich News

Somali Österreich News Bayjkan waxaad ka heli kartaan warbixino hufan oo xaqiiqo ku salaysan

Maamulka magaalada Vienna ayaa doonaya in lacag 200 Million oo cayrta ah ama caydha hadaba si aad u taqaano in ay kaydiy...
16/10/2025

Maamulka magaalada Vienna ayaa doonaya in lacag 200 Million oo cayrta ah ama caydha hadaba si aad u taqaano in ay kaydiyaan ama badbaadiyaan maadaamo oo wadanku daymo badan galay dawladan hada talada haysa ayaa balan qaaday in mudo xileedkeeda ay samayn doonto talaabooyin lagu kaydinayo lacaguna dhimayo qarashaadka kala duwan ee dawladu sida bilaha ah u bixiso qorshan waxa la yidhaahdaa( Sparpaket Maßnahmen)

Lacagaha inta badan laga hadlayay ee ay la haayeen waanu dhimaynaa caydha ayaa ka mid ahayd

Hadaba sida hada maamulka magaalada Vienna sheegay qorshahan lagu yaraynayo ama lagu dhimanayo waxa uu si khaas u saamayn doona dadka haysta sharciga ( sübsidiarerschutzberechtigten) oo ah sharciga aan qaxoontiga rasmiga ah ahayn lkn la siiyo dadka caqabado jira aan dalkoodii ay ka soo qaxoon lagu celin karayn sida magaalada Vienna ku andacoonayso dadkan ayaa marka sharciga la siiyo isla markaba magaalada vienna u soo guura taas oo ah arin in badan maayirka magaalada Vienna lagu dhaliilo ilaa xataa uu mararka qaar doodaha live ah arintan jawaabo uu iskaga difaaco waayo

Warbixinaha qaar ayaaba sheegaya in maamulka Vienna qorshaynayo in dadkan gabi ahaanba lacagta laga jaro lkn taasi caqliyan Ma dhacayso mana samaynayaan dadka reer Vienna oo ku caan ah naxariista iyo in ay dadka u soo qaxay dhaqaale ahaan taageeraan khaasatan caruurtu waa lama taabtan sharciga ay doonan ha haystaane caruurta xaqooda dastuurka sugay nina k**a hadli karo

Dhanka kale gudoomiyaha haayada shaqada AMS ayaa sheegay in Österreich ay u baahantay shaqaale badan oo xirfadlayaal ah kuwaas oo aan gabi banaanka laga keeni karayn dalka dibadiisa ee taas badalkeeda dhalinyarada Österreich u soo qaxday la maagalin doono xirfadana la bari doono si ay baahida qayb ka mid ah u daboolaan

Dhanka kale wax uu si cad u sheegay in aanay AMS dhimi doonin lacagaha dadka bilaa camalka ah la siiyo ( Arbeitslosengeld oder Notstandhilfe) taas macneheedu waxa weeye AMS Sparpaket Maßnahmen Ma samayn doonto lkn dadka wax lagu cadaadin doona in ay shaqo tagaan

Dhanka kale daawada iyo kiniinada dadka TB da qabo lagu daweeyo ayaa Österreich iyo Deutschland qaali ah oo aanu caqligaagu rumaysanayn iyadoo Österreich dhalinyaro aad u badan TB laga daweeyo oo ay ku dhacdo

Sanadaha soo aadan baakidhka sigaarka ah ayaa noqon doona 10€ ururka midawga Europe ayaa cashuur xad dhaaf ah ku soo rog...
22/07/2025

Sanadaha soo aadan baakidhka sigaarka ah ayaa noqon doona 10€ ururka midawga Europe ayaa cashuur xad dhaaf ah ku soo rogay

20/07/2025

Hada waa fasax iskuladu carurtuna waa fasax sidaa darteed ubadku wakhtigan oo kale waalidkoda ayay u baahan yihiin in ay wakhti galiyan kana farxiyaan ( Kinderspiel wirkt positive Einstellung die Entwicklung des Kindes )

20/07/2025

In Aad shaqaysato dakhli aad leedahay ku soo galaa waxa ay kaa caawinaysaa in aad ku noolaatid sharaf iyo caafimad jidh iyo niyada ah ( Eigene Einkommen hilft dir psychisch und physisch Gesundheit zu Stabilisieren)

20/07/2025

Waxa suurto gal ah in dhamadka sanadkan la dhaqan galiyo sharci mamnuucaya in gabdhaha ka yar 14 sano aan xijaab loo xidhi karin ( Kopftuch Mädels unter 14 Jahre) gabadha masulka ka ah ururka is dhex galka ayaa arintan karkarinaysa

Waxa baryahan danbe soo badanaya dhalinta somaliyeed ee gaysanaya dhaca ama boobka isla markaana mindiyaha isticmaalaya ...
20/07/2025

Waxa baryahan danbe soo badanaya dhalinta somaliyeed ee gaysanaya dhaca ama boobka isla markaana mindiyaha isticmaalaya si ay wax u dhacaan sanadkan dhawr kiis oo noocan oo kale ah ayaa dhacay

Sida wargaysku sheegay nin Somali ayaa meherad laga dukaamaysto oo xaafada 1210 Floridsdorf ku yaala galay isla markaana laba daasadood oo Bier ama khamri soo qaatay isaga oo aan wax lacag ah bixin ayuu damcay inuu iska baxo maadamo uu ahaa nin ay shaqaalaha dukaanku dhawr jeer arkeen waa la istaajiyay wada hadal ka dib midi nooca kuchenmessee( mindida kijada) loo yaqaano ayuu la soo baxay oo dadkii meherada ugu hanjbay iyaganu wax ay ku qasbanaadeen in ay laamaha amniga wacaan ugu danbay meel aan sidaa uga fogay goobta uu falka ka gaystay ayay Police ku ku qabteen wada tashi ay xeer ilaaliyaha la sameeyeen xabsiga ayay u taxaabeen maadamo danbiyo badan diwaanka ugu jireen

Fadlan dhalinta somaliyeed ka fogaada danbiyad nooc kasta oo ay yihiin khaasatan midiyaha dhaca hanjabaada iyo kiisaska la midka

21/06/2025

Shirkada gaadiidka dadwaynaha ee magaalada Vienna oo loo yaqaano Wiener Linien ayaa shalay sheegtay qiimaha tigidhka sanad Laha ah ee loo yaqaano Jahreskarte in la kordhin doono dhawaan qiimaha lagu kordhinayo wali lama oga

21/06/2025

Raysal wasaare ku xigeenka ayaa wada qorshe gabi ahaanba baraha bulshada isticmaalkooda lagaga mamnuucayo caruurta da‘adoodu ka yartay 15 sano Telefonka iyo baraha bulshada ayaa ubadka masiibo ku ah sida dad badani qabaan

21/06/2025

Waxa la wada qorshe ah in qofka guri cusub Adresse ku samaysta aan warqada Adresse loo daabicin ilaa inta la xaqiijinayo inuu gurigaas dagan yahay seexdo lagana helo wakhti kasta oo loo baahdo hadii laga waayo ganaax lacageed aya la saraya

21/06/2025

4 tii qof 3 ka mid shacab Österreich ayaa aaminsan in nidaamka is dhexgal dadka soo galeetiga ah uu gabi ahaan fashilmay wax guul ahna laga gaadhin barashada afka jarmal ee dadka martida ah ayaa aad u liidata dadka martiduna Ma raban in ay bartaan waa in ciqaabo adag lagu soo rogo ayay dadka intooda badan ku baaqayaan sidoo waxa ay ka warwarsan yihiin in diinta islam ku faafayso iyadoo si qaldan dadka qaar u adeegsanayaan dhaqanka ixtiraamka haweenka ee bulshada reer galbeedku ku faanto ayaan u muuqan in Dadka martida ahi u hogaansamayaan ayay leeyihiin

Tan iyo intii xukuumadan 3 xisbi ka kooban talada dalka qabatay waxa doodaha ugu adagi ka taagan yihiin qaabka uu u shaqeeyo is dhexgalku halka ay caqabaduhu ka jiraan sababta dad badan afka u baran la‘ayihiin ama u shaqo tagi la‘ayihiin daraasado badan ayaa muujinaya in dadka wadanka u soo qaxay aanay diyaar u ahayn in ay dhaqanka iyo caadad bulshada wadankan bartaan oo ay qayb ka noqdaan sida ay sheegayaan

Sidoo kale waxa ay leeyihiin dadka noo soo qaxay sharciyada Ma ilaalinayaan danbiyo ayay galaan iyo wixii la mid ah

Waxa ay ku doodayaan in dadka isdhexgalka aan u hogaansamin guula ka keenin ciqaabo dhaqaale lagu soo rago

Hadaba hadii halkaa arintu marayso qof walba waxa waajib ku ah inuu dadaalo inta uu awoodo afka barto ka dibna xirfadu uu ku shaqaysto barto kana dheeraado nooc kasta oo danbi ah

19/06/2025

Mudo 2 bilod laga joogo aya shuruudaha guryaha dawlada ee Vienna wax ka badal lagu sameeyay qasab maaha in qofku 2 dii sano ee u danbaysay uu si xidhiidh guri u daganaado iyo qaar kalo badan lkn waa in qofku sabab iyo baahi la yimada

19/06/2025

Finanzielle Freiheit ist doch fundamental Lebens Aspekte xoriyada ugu muhimsani waa in aanad dhaqale ahaan isku filantay shaqaysato waxa aad doontaba ka shaqeeyo fadlan ku dadaal in aad shaqaysato si aad xor u noqoto isuna bixin karto

Adresse

Allerheiligen 2/5
Vienna
1200

Öffnungszeiten

Montag 09:00 - 20:00
Dienstag 09:00 - 20:00
Mittwoch 09:00 - 20:00
Donnerstag 09:00 - 20:00
Freitag 09:00 - 20:00
Samstag 09:00 - 18:00

Telefon

+436608608384

Webseite

Benachrichtigungen

Lassen Sie sich von uns eine E-Mail senden und seien Sie der erste der Neuigkeiten und Aktionen von Somali Österreich News erfährt. Ihre E-Mail-Adresse wird nicht für andere Zwecke verwendet und Sie können sich jederzeit abmelden.

Service Kontaktieren

Nachricht an Somali Österreich News senden:

Teilen

Kategorie