Eidan Tech

Call Directions Contact the business

Eidan Tech News personalty

12/01/2024

Heshiiska Somaliland iyo Ethiopia Yaa Weheliya.

Horudhac

Qaboobahii sannadkii 2008, ayaa waxaa magaalada Washington ee xarunta dalka maraykanka ka soo kicitimay wefdi iskugu jira saraakiil ciidamada maraykanka ka tirsan, madax wasaaradda arrimaha dibadda ee dalka maraykanka ka socda iyo kooxo u qaabilsan maraykanka dhinaca istaraatijiyadda siyaasadda (Political Strategist).

Waxay ku soo h**eeyeen magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Ethiopia, oo ay kula kulmeen Ra'isal wasaarahii h**e ee dalka Ethiopia Melez Zenawi, maalin ka dibna waxay wefdigaasi ka soo degeen magaalada Hargeysa, iyagoo kulan la yeeshay madaxweynahii h**e Somaliland Mudane Daahir Rayaale Kaahin.

Qorshahu wuxuu ahaa in maraykanku si dhab ah u daraasadeeyo wakhtiga qaddiyadda Somaliland, heerka ay gaadhsiisantahay, iyo inay Somaliland leedahay haykalka dawladnimo oo gaadhsiisan in la siiyo aqoonsi caalami ah oo maraykanku si dadban iyo si toos ahba u bixiyo.

Maraykanku wakhtiga waxay qaateen go'aan ah, inay Somaliland sharciyan iyo istaratjiyad ahaanba ku haboontahay aqoonsi, laakiin ay sugaan bal inta dhinacii kale ee Soomaaliya cagaha ku istaagayo si qaab sharci ah loo kala saaro.

Siduu Ku Yimid Arrinta In Ethiopia Ay Hesho Saldhig Militery oo Ciidankeeda Baddu isticmaalan.

Qalalaasaha baaxadda leh ee ka bilaabmay gacanka cadmeed, dalalka waaweyn ee Maraykanku hogaamiyo, waxay u baahnaayeen dawlad itaal military leh, oo ay ku hallayn karaan ammaanka gacanka cadmeed, dhibaatada hor taallay Maraykanka iyo xulafadiisu waxay ahayd Ma jirin dawlad awood military oo xoog ah leh oo marinka albaabka mandabka kala shaqaysa sidii loogu soo celin lahaa xasilooni.

Sida uu qorayo mac-hadka daraasadka siyaasadda iyo istaratijiyadda ammaanka badda ee loo yaqaano Cato Institute, hawlgalka maraykanku horkacayo ee ilaalinta xeebaha badda cas ayaa sannadkii waxaa ku kaca kharash gaadhaya ilaa 5 bilyan oo dollar sannadkii, ugu yaraan labaatan shariikadood oo gaar loo leeyahay oo ka shaqeeya ammaanka gacan

23/10/2022

Wraysi xiiso badan Baaquli Boy qisoo yinkisi jacel

Itaxaanaadkii Deegaanka ee cilmiga bulshada oo si wanaagsan kusoo idlaaday ayna u fadhiisteen ku dhawaad 10 kun oo arday...
12/10/2022

Itaxaanaadkii Deegaanka ee cilmiga bulshada oo si wanaagsan kusoo idlaaday ayna u fadhiisteen ku dhawaad 10 kun oo arday.

Waxaa la qiimeeyay geeddi-socodkii itaxaanaadka Deegaanka ee maalmihii ugu danbeeyay ka socday jaamacadaha oo ay itixaanka ku galeen 9870 arday oo bartay qaybta cilmiga bulshada (Social Science) kuwaasi oo kukala qaatay jaamacadaha Jigjiga, Qabridahar, Diridhabe iyo Hawasa.

Kusimaha Madaxweynaha DDS ahna Wasiirka Xafiiska Madaxweynaha Dr. Xuseen Xaashi Qaasim oo kulan la yeeshay masuuliyiinta Xafiiska Waxbarashada DDS, Jaamacadda Jigjiga, saraakiisha booliska fadaraalka iyo qeybo ardayda ka mid ah ayaa waxaa lagu qiimeeyay geeddi-socodkii guud ee itaxaanaadka oo la sheegay in si wanaagsan ay kusoo idlaadeen.

Ugu dambayn ardayda dhigata maadooyinka Natural science ayuu bisha Diqimti 8-deeda u bilaabmi doona itixaanaadkooda.

W:Q'Eidan Tech

Wasiirka Maaliyadda Mudane Axmed Shide ayaa kulan wadatashi ah la yeeshay madaxa bangiga adduunka qeybtiisa bariga iyo k...
12/10/2022

Wasiirka Maaliyadda Mudane Axmed Shide ayaa kulan wadatashi ah la yeeshay madaxa bangiga adduunka qeybtiisa bariga iyo koonfurta Afrika Viktoriya Kiwikiw.

Wasiirka Maaliyadda Mudane Axmed Shide iyo danjiraha Itoobiya ee uu fadhigiisu yahay Maraykanka injiner Silashi Baqale ayaa kula kulmay Madaxa bangiga adduunka qeybtisa bariga iyo koonfurta Afrika iyo madaxa bangiga adduunka qaybtiisa Itoobiya Cusmaan Diyoon shirka guud ee Hay'adda Lacagta Adduunka (IMF).

Waxaana la xusay in kulanka diiradda lagu saaray qorshayowga dawladda Itoobiya gaar ahaaan kuwooda ahmiyadda gaarka ah la siiyay iyo sidii xal loogu raadin lahaa galdoloolada ka muuqda mashaariicda uu bangiga adduunku ka wado dalka.

Wasiirka Maaliyadda ayaa uga mahadnaqay Bangiga Adduunka taageerada uu u muujiyay Itoobiya xilli ay caqabada badani lasoo darseen.

Eidan Tech

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ku dhawaaqay caawa inuu qaatay Shahaadada Phd.
11/10/2022

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ku dhawaaqay caawa inuu qaatay Shahaadada Phd.

Jaamacada Debretabor oo war-saxaafadeed ka soo saartay shaqaaqadii dhacday iyo ardaydii imtixaanka ka baxday ayaa sheegt...
11/10/2022

Jaamacada Debretabor oo war-saxaafadeed ka soo saartay shaqaaqadii dhacday iyo ardaydii imtixaanka ka baxday ayaa sheegtay inay ardaydu diddeen inay shuruucda dajisan u hoggaansamaan.

Ardayda qalalaasaha abuurtay ayay ku sifeeyen kuwo doonayay qish.Jaamacadu waxay sheegtay in ardayda baxday ay ahaayen kuwo doonayay in loo qisho,halka intii kale soo hadhay ee sharciga u hoggaansatay ay imtixaankii fadhiisteen.

"Hadii aanu kala qishin ma galayno imtixaanka ayay ardayda baxday ku dooddayeen"; waxaa siddaasi lagu yidhi war-saxaafadedka ka soo baxay Jaamacada.

W-Q: Eidan Tech

11/10/2022

Madaxweynaha Jaamacadda Jigjiga oo ka warbixiyay xaaladda jaamacadda ayaa sheegay in imtixaanku si nabadgelyo ah u socdo, lana xalliyay rabshad shalay galab ka dhacday gudaha jaamacadda.

Wacaal Darey Ah: Ardaydii ku xareysnayd Jaamacada Jigjiga (Jigjiga University) oo qaarkood caawa dhaawac kasoo gaadhay r...
11/10/2022

Wacaal Darey Ah: Ardaydii ku xareysnayd Jaamacada Jigjiga (Jigjiga University) oo qaarkood caawa dhaawac kasoo gaadhay rabshado iyo isku dhacyo kadhacay Gudaha Jaamacada

Kadib markii isku dhac kayimiday
Ardayda ayaa Ciidamada Federaal Booliska oo adeegsanaya Sunta dadka kaga ilmaysiisa iyo Rasaas nool ayaa sababtay inay Arday badani halkaasi ku dhaawacanto

Halkaasoo Ardayda dhaawacantay lagu dabiibayo
Dhakhtarka weyn ee Suldaan Sheekh Xasan

Ardaydan ayaa Asbuucan lagusoo xareeyey jaamacada
si looga qaado Imtixaanka Fasalka 12aadka oo maanta bilaabmay

Eidan Tech

Address

Adama
1000

Telephone

+251910090040

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Eidan Tech posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to Eidan Tech:

Shortcuts

Share