31/12/2021
Waxaan Diiday Bar-tilmaameedka Ka Dhanka ah Tigreega (Filsan Abdullahi).
Warbixin dheer oo ay Washington Post, ka qortay wasiiradii h**e ee haweenka iyo dhalaanka itoobiya Filsan Abdullahi, ayay ku bilowday.
,,Filsan waxay ahayd 28 jir aan horay usoo yeelan khibrad siyaasadeed, waxay kamid ahayd dhalinyaro badan oo ay soo jiiteen hadaladii nabada iyo dhismaha itoobiya barwaaqa ah ee PM Abiy Ahmed, waxayna filsan kasoo jeedaa qoomiyada soomaalida oo aan ka muuqan fagaaraha siyaasadeed ee itoobiya.
*Dagaalka kahor waxaan xasuustaa in PM Abiy Ahmed, oo shirka golaha fulinta nooga sheegay in dagaal dhici doono TPLF'NA uu soo afjari doono islamarkaana eeda dagaalka dusha laga saari doono TPLF oo kaliya, waxaan u arkay arintaasi in raisul wasaaruhu uuna fursad siinin nabada, waxaana ka muuqatay isla wayni ah inuu soo afjari karo TPLF, taasoo markii danbe isu badashay odhaahda ah waxaan dagaal kula jiraa kansar (Cancer).
*Kadib qabashadii deegaanka tigreega waxaan gaadhay Mekele, waxaana soo diyaariyay warbixin ku saabsan xadgudubyo sal balaadhan oo loo gaystay dadka tigreega gaarahaan kufsiga haweenka, markaan Addis Ababa kusoo laabtay waxaa ila soo hadlay masuul sare oo kamida xafiiska raisul Wasaaraha wuxuuna ii sheegay inaan warbixinta badalo oo aan ka dhigo in TPLF kaliya xad gudub gaysatay, arintaasi waxay igu noqotay qaadan waa, waxaana sidaa lagu qariyay warbixintii aan xafiis ahaan usoo diyaarinay, kadib ayaan goostay inaan Twitter ku sheego jiritaanka kufsiga dumarka ee deegaanka tigreega.
*Waxaa uu xafiiska raisul Wasaaruhu igu amray inaan shaqada ka joojiyo dadka qoomiyad ahaan tigreega ah, kadibna markaan diiday waxaa fuliyay kuxigeenkaygii, anigana waxaa la ii aqoonsaday mid cadawga tigreega difaacda, waxaana igooyay saaxiibaday, shaqaalihii iyo xitaa dadkii aan isla soo kornay oo u arkay inaan ahay qareen tigreega u jooga.
*Waxaan hubaa in laysku khalday tigreega iyo TPLF oo colaada maanta jirtaa ay tahay mid salka ku haysa nacayb qoomiyadeed iyo aargoosi, taasina waxay muujinaysaa sida aysan dadkeenu (itoobiyaanka) diyaar ugu ahayn inay xaqiiqada wajahaan.
Ugu danbayn Filsan ayaa sheegtay in kahor iscasilaadeedii uu PM Abiy Ahmed, ka dalbaday inay 6 bilood sii joogto xafiiska inta uu dagaalka oo afjarayo, balse midaasi iima aysan muuqan, haatana iima muuqato, waayo hadii la sixi lahaa khaladaadkii iyo kufsigii ka dhacay tigreega maanta kufsi kale k**a dheceen deegaanada Axmaarada iyo Canfarta ayay tidhi Filsan Abdullahi oo haatan 30 jirsatay (according to Washington Post).
Marwa filsan Abdulahi hadaladeedi qaar kamid Ah