Lehel yucub prosperity party

Lehel yucub prosperity party Contact information, map and directions, contact form, opening hours, services, ratings, photos, videos and announcements from Lehel yucub prosperity party, Management Service, Addis Ababa.

24/10/2024

Soo barwaaqo uun maaha

29/09/2024

Wax soosaarka Beerahu waa mid ka mid ah hawlaha muhiimka ah ee lagu hubinayo Barwaaqada Qoyska.

Natiijooyin dhiirigalin leh ayaa laga gaadhay dadaallada la bilaabay si loo xaqiijiyo sugnaanta cuntada iyo Xaqiijinta Barwaaqada Qoyska.

Wax soosaarka Beeraha Degmada Awbare ee Gobolka Faafan.

*Ku Xidhnaw Boggaga Rasmiga ee xisbiga barwaaqo LAANTA DEGMADA LEHELYUCUB

29/09/2024

Wax soosaarka Beerahu waa mid ka mid ah hawlaha muhiimka ah ee lagu hubinayo Barwaaqada Qoyska.

Natiijooyin dhiirigalin leh ayaa laga gaadhay dadaallada la bilaabay si loo xaqiijiyo sugnaanta cuntada iyo Xaqiijinta Barwaaqada Qoyska.

Wax soosaarka Beeraha Degmada Awbare ee Gobolka Faafan.

*Ku Xidhnaw Boggaga Rasmiga ee Xafiiska Xisbigeena barwaaqo LAANTA DEGMADA LEH-YUCUB

29/09/2024

Wax soosaarka Beerahu waa mid ka mid ah hawlaha muhiimka ah ee lagu hubinayo Barwaaqada Qoyska.

Natiijooyin dhiirigalin leh ayaa laga gaadhay dadaallada la bilaabay si loo xaqiijiyo sugnaanta cuntada iyo Xaqiijinta Barwaaqada Qoyska.

Wax soosaarka Beeraha Degmada Awbare ee Gobolka Faafan.

*Ku Xidhnaw Boggaga Rasmiga ee Xafiiska Xisbige Barwaaqo Laanta degmada Lehel-yucub

"Si loo abuuro Itoobiya Barwaaqo ah iyadoo lagu gaadhayo himilooyinka Qaran ee wada shaqaynta iyo isku xidhnaanta, waa i...
24/09/2024

"Si loo abuuro Itoobiya Barwaaqo ah iyadoo lagu gaadhayo himilooyinka Qaran ee wada shaqaynta iyo isku xidhnaanta, waa in hoggaamintu noqoto hoggaamin addeege oo si hufan u shaqeeya" Madaxweynaha Xisbiga Barwaaqo ahna Ray'sal Wasaaraha Dalka Dr. Abiy Ahmed Ali.

Madaxweynaha Xisbiga Barwaaqo ahna Ray'sal Wasaaraha dalka Dr. Abiy Axmed ayaa kula dardaarmay hoggaaminta inay si hufan u shaqeeyaan noqdaana hoggaamin adeegayaal ah si loo abuuro Itoobiya Barwaaqo ah iyadoo lagu gaadhayo himilooyinka Qaran wadashaqeyn iyo isku xidhnaan.

Waxaa la soo gebagebeeyey madasha tababbarka tayaynta ee madaxda sare ee Xisbiga Barwaaqo oo 12-kii maalmood ee la soo dhaafay ka socday magaalada Adaama.

Waxaana dardaaran la wadaagay hoggaaminta tababarka u soo gabagaboobay Madaxweynaha Xisbiga Barwaaqo ahna Ray'sal Wasaaraha Dalka Dr. Abiy Axmed.

Waxa uu Xisbigu tababar siiyay in ka badan 2000 oo hoggaamin oo ka kala socda hoggaaminta sare ee Deegaanada, maamulada magaalooyinka iyo hay’adaha federalka, tababarkan ayaa ahaa mid ay hoggaamintu ku qaadanayeen afkaarta siyaasadeed, bulsho iyo dhaqaale oo Xaqiijin doona Barwaaqada berrito ee dalkeena Itoobiya Jiilka soo socdana ka dhigi doona mid Barwaaqo ah oo guuleysta.

Madaxweynaha Xisbiga Barwaaqo ahna Ray'sal Wasaaraha dalka Dr. Abiy Axmed ayaa madasha gabgabada tababarka ka sheegay in xubnaha Hoggaamintu ay si sax ah uga faa’iideysteen sidii loo xalin lahaa dhibaatooyinka Bulshada heer kasta iyo in la xaqiijiyo heerka sare ee uu gaadhay dalkeena Itoobiya iyadoo loo marayo khibrada tababarka laga helay.

Isagoo hadalkiisa sii watana waxa uu sheegay in maadaama uu tababarku yahay mid dalka wax ka bedela oo hanti abuura in hoggaaminta sare ee dhamaan Deegaanada, maamul magaalooyinka iyo hay’adaha federaalka ah ee dalka ay si waafi ah u fahmeen hadafka Xisbiga, isla markaana ay ku dadaali doonaan sidii ay natiijo wanaagsan u keeni lahaayeen.

Waxa uu tilmaamay in hoggaamintu ay u baahan tahay naf-hurid, himilo iyo hal-adaygnimo si loo gaadho yoolka la hiigsanayo, tabobarrada ay qaateen hoggaaminta sarena ay keentay in ay si sax ah u fahmaan mabaadi’da iyo tayada hoggaamineed ee muhiimka ah, sidaa darteed ay lee yihiin karti ay ku gaadhi karaan isbedel degdeg ah oo horumar leh.

Tababarka ayaa diiradda lagu saaray fikradaha, aragtiyaha iyo sheekooyinka midnimada iyo wadajirka kuwaas oo gacan ka geysanaya xaqiijinta riyooyinka iyo himilooyinka.

Awoodda lagu shaqeynayo ee aqbalaadda iyo iskaashiga dadweynaha, ka shaqeynta sida loo baahan yahay si loo joogteeyo wareejinta aqoonta ku saleysan, hababka ka gudubka dhibaatooyinka amniga si nabad buuxda loo helo, iyo Waxaa lagu soo bandhigay maqaallo ka hadlaya anshaxa hoggaaminta iyo mowduucyo la xidhiidha intii uu tababarku socday, iyadoo dood ballaadhana laga yeeshay.

Xisbiga barwaaqo laanta dedmada Lehel-yucub

Madaxweynaha Xisbiga Barwaaqo ahna Ray'sal Wasaaraha Dalka Dr. Abiy Ahmed Ali ayaa loo doortay oo ku Guulaystay hoggaami...
20/09/2024

Madaxweynaha Xisbiga Barwaaqo ahna Ray'sal Wasaaraha Dalka Dr. Abiy Ahmed Ali ayaa loo doortay oo ku Guulaystay hoggaamiyaha Bilada Dalxiiska ee Urur Goboleedka IGAD.

Urur Goboleedka IGAD ayaa shaaciyay in Ra'ysal wasaare Dr. Abiy Axmed loo doortay hoggaamiyaha Mudan kuna Guulaystay hoggaamiyaha horyaalka Bilada Dalxiiska Urur Goboleedka IGAD mudo 3 sano ah.

Waxayna ku amaaneen Ra'ysal Wasaaraha, Aragtidiisa hoggaamineed oo ah mid doorwayn ka ciyaaraysa in Gobolka uu yeesho kaabayaal Dalxiis oo waara.

Kuwaas oo door wayn ka Qaadanaya koboca dhaqaale ee Wadamada Urur Goboleedka IGAD iyo dadaalkiisa ku'aadan ilaalinta deegaan dabiiciga.

*Ku Xidhnaw Boggaga Rasmiga ee Xafiiska Xisbigeena barwaaqo degmada Lehel-yucub

20/09/2024

Degmada Lehel-yucub

Waa odaysha ismacil gumcadle ee ku sugan xarunta deg lahel-yucub oo si adag ooga hadlay falki foosha xumaa lagu dilay 6 da wiil ayakoo canbareyayna cidii falkaas gaysatay ,sidoo kale ay si ka go,naansho le u cadeeyeen in soo qabashada gacan-kudhiiglayaasha ay diyaar uyihiin , xaalad kasta ooy lamarto, lana shaqeeynayaan laamaha amniga iyo cid kasta oo nabada jecel odayaaasha waxgaradka dagmada oo
Kuna baqay in gacan ku dhiglayasha sharciga la horkeno

Xisbiga barwaaqo laanta degmada lehelyucub,

Madaxda Sare ee Xisbiga Barwaaqo ayuu si rasmi ah ugu Bilaabmay Tababar Lagu Xoojinayo Xirfadooda Hoggaamineed.Hoggaamin...
14/09/2024

Madaxda Sare ee Xisbiga Barwaaqo ayuu si rasmi ah ugu Bilaabmay Tababar Lagu Xoojinayo Xirfadooda Hoggaamineed.

Hoggaaminta sare ee Xisbiga Barwaaqo ayuu u bilaabmay tababar ku saabsan arrimaha Qaranka iyo arrimaha taagan oo lagu xoojinayo xirfada hoggaaminta.

Tababarkan ayaa waxa ka soo qayb galay islamarkaana Furay Madaxweynaha Xisbiga Barwaaqo Dr. Abiy Ahmed Ali.

Xisbiga barwaaqo laanta degmada Lehel-yucub

Lehel-yucub Barnaamijka dhiig uruurinta ee dhaxal reeb Bilaha xagagaWxn maanta dhiig aruurin balaadhan laga sameeyayMaga...
07/09/2024

Lehel-yucub

Barnaamijka dhiig uruurinta ee dhaxal
reeb Bilaha xagaga

Wxn maanta dhiig aruurin balaadhan laga sameeyay
Magaalada lehelow & xarunta caafimaadka degmada
Isla markaana wxaa qayb wayn ka qaatay bulshada & shaqalaha xarunta caafimaadka

Waxaan bogaadineynaa bulshada ku dhaqan degmada ,ee markasta diyaarka u ah ,sadaqaysiga dhiigooda,ee lagu shubayo ,hooyooyinka ,umulaha ah ,ee dhiig la,aanta ah,
Sidoo kale waxaa bogaadin mudan haweenka (dumarka)oo kaalin muhiim ah kaqaatay shubista dhiiga
Khaas ahaan waxaa duco iyo amaan mudan ,oo kashaqeeyaya mdx xafiiska ,caafimaadka deg/ lehel-yucub & Shaqalaha xarunta

Xisbiga barwaaqo laanta degmada lehelyucub

LIIGA DHALINYARADAKormeerkii hogaaminta liiga Galinkii danbe waxaa shirweyne liiga kaqabtay madaxa xarunta dhexe ee liig...
05/09/2024

LIIGA DHALINYARADA

Kormeerkii hogaaminta liiga Galinkii danbe waxaa shirweyne liiga kaqabtay madaxa xarunta dhexe ee liiga dhalinyarada xisbiga barwaaqo ee gobolka doollo , islmarkaana waxaa xarunta dagmada nooga qabsoomay shirkii liiga dhalinyarada
Ajandayaasha o aha
*Dib uhabaynta
Iyo dhisitaanka hogaaminta liiga dh/
* isku xidhka liiga dh/yarada iuo hogaamintooda
* kashaqaynsiinta liiga iyo shaqooyinka xafiiska
* isku tashiga iyo samaynta tabarucaad danyarta
* dhagaysiga ,iyo xalinta galdalooloyinkii 2016
* fahanka iyo akhrisk xeer hoosaadka liiga dh/

Ugu danbayn waxaa dood dheer iyo jawaab qancin kadib waxaa la isla qaatay in shaqooyinka ladardar galiyo,
*

Xisbiga barwaaqo Laanta degmada Lehel-yucub

Asc deg/Lehel-yucub LIIGA HAWEENKAXarunta dagmada Waxaaa maanta kormeer iyo taakulayn ku yimaaday ,Masuuliinta liigaga k...
05/09/2024

Asc deg/Lehel-yucub

LIIGA HAWEENKA

Xarunta dagmada Waxaaa maanta kormeer iyo taakulayn ku yimaaday ,
Masuuliinta liigaga kala duwan
Ee liiga haweenka
Iyo Liiga dhalinyarada
Kormeerkaas oo kusaabsanaa dabagalka ,shaqooyinka liigaga iyo adeega bulshada loo hayo iyo xaqiijinta tayadiisa sidoo kale gacan kuhaynta ,garbaha xisbiga barwaaqo ,waxaa intaas dheeraa taageeilrida ardayda danyarta ah ,oo halkaas loogu qaybiyay qaybo kamida agabka waxbarshada sid buugaagta islamrkaana lagudhiira galiyay ,dadaalka waxbarsho ,si loogaadho horumar lataabnkaro ,iyo sidoo kale bulashada ay utahay ,baraarugitaan iscaawinta iyo kudayasho wanaagsan

Waxaan maanta shirwayne looqabtay liiga haweeenka
Waxaa booqasho iyo raashin tabarucad ah loogu tagay qoys danyar iyo agoon ah
Waxay hogaaminta liiga gobolka iyo dagmada ,iyo sidoo kale maamulka dagmada ,si wadajir ah ubooqdeen gurigii loodhisay qoyska danyarta ,
Ah ,

Xisbiga barwaaqo Laanta degmada lehelyucub

Degmada Lehel-yucub (DHAXAL REEB OO DHIR BEER)Nehaase 17  Waxaa saaka kabilowday degmada Lehel-yucub Barnaamijka Dhir be...
23/08/2024

Degmada Lehel-yucub
(DHAXAL REEB OO DHIR BEER)

Nehaase 17 Waxaa saaka kabilowday degmada Lehel-yucub
Barnaamijka Dhir beeristà
Waxaa kasooo qaybgalay
Kabininetka dagmada
Liigaga dhalinyarada&haweenka
Shaqaaalaha dawlada
Xubnaha xisbiga barwaaqo qaybohooda kala-duwan ,

Goobaha laga beeray
Xafiiska maamulka
Xarunta caafimaaadka
Xafiiska maaliyada
Iyo dugsiga sare

Xisbiga barwaaqo laanta dagmada Lehel-yucub

Address

Addis Ababa

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Lehel yucub prosperity party posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Share