22/01/2026
BAYAAN KU SAABSAN AASAASKA ISBAHAYSIGA SHACABKA SOOMAALIYEED EE IS-GO’AAMINTA (SPAS)
Dhammaadka Is-Xakamaynta: Bayaanka Go’aanka Shacabka Soomaaliyeed ee Dowlad-goboleedka Soomaalida
Loogu talagalay Warbaahinta iyo Qaybinta Diblomaasiyadeed
Jigjiga, Dowlad-goboleedka Soomaalida
18-ka Janaayo 2026
Ururka Xoraynta Qaranka Ogaadeen (ONLF), Shirweynaha Qadiyadda Soomaaliyeed (CSC), iyo Isbahaysiga Dimuqraadiyadeed ee Gobollada Soomaalida (S.R.D.A) waxay si wadajir ah u shaacinayaan aasaaska ISBAHAYSIGA SHACABKA SOOMAALIYEED EE IS-GO’AAMINTA (SPAS) — madal mideysan oo siyaasadeed, diblomaasiyadeed iyo mid bulsho oo loo sameeyay in lagu mideeyo awoodda siyaasadeed ee Soomaalida lana horumariyo xuquuqda wadajirka ah, karaamada, iyo mustaqbalka siyaasadeed ee shacabka Soomaaliyeed.
Annagoo xaqiijinayna in ku biirinta qasab ah ee dhulalka Soomaaliyeed lagu daray dawladda Itoobiya ay ku timid habab taariikhi ah xilligii gumaysiga Afrika iyo wixii ka dambeeyay, kuwaas oo aan ka tarjumayn oggolaansho xor iyo mid xog-ogaal ah oo ay bixiyeen shacabka Soomaaliyeed, isla markaana ay dowladihii Itoobiya ee kala dambeeyay — kuwii boqortooyada, militariga iyo kuwa casriga ahba — ay maamuleen nidaamyo lagu garto ka-reebitaan siyaasadeed, xukun dhexe oo adag, ku takrifal tirakoob, takoorid qaab-dhismeed ah, iyo xadgudubyo joogto ah oo ka dhan ah xuquuqda aasaasiga ah. Ma illoobi doonno dambiyada loo geystay shacabkeenna, balse sidoo kale ma noqon doonno maxaabiis ku xayiran murugadii h**e ee lagu tacaddiyay dadkeenna.
Ka dib markii taliska OPDO uu xukunka la wareegay 2018, anagoo ah shacabka Soomaaliyeed ee adkaysiga badan ee ku nool Dowlad-goboleedka Soomaalida ee Itoobiya, waxaan qaadannay go’aan miyir leh oo geesinimo ah oo ku wajahan nabadda. Waxaan dhignay hubkii, waxaanan doorannay inaan xuquuqdeenna lama huraanka ah ku raadsanno waddooyin nidaamsan oo aan rabshad ahayn, annagoo muujinnay kalsooni aan caadi ahayn oo aan u fidinnay xukuumadda Addis Ababa, inkastoo taariikh dheer oo khiyaano iyo kalsooni-darro ah. Anagoo ku dhisan mabda’a ixtiraam wadaag ah, kuna baraarugsan taariikhdeenna wadajirka ah ee iska-caabbinta gumaysiga iyo xukunka dulmiga ah, waxaan tijaabinnay dhammaan dariiq kasta oo suurtagal ah oo dib-u-heshiisiin iyo caddaalad lagu heli karo.
Cutubkii is-xakamayntaas hadda wuxuu si rasmi ah u gaaray dhammaadkiisii.
Samirkeenna si gardarro ah ayaa loo isticmaalay. Halkii wada-hadal laga dooran lahaa, talisku wuxuu xoojiyay cabburinta, ka faa’iidaysiga hay’adaha, iyo siyaasado arxan-darro ah oo khatar jiritaan ku ah dadkeenna. Waxa maanta na horyaalla ma aha kaliya maamul xumo, balse waa olole si ula kac ah loo qorsheeyay oo lagu doonayo in lagu tirtiro jiritaankeenna — mid aanan mar dambe ku aqbali doonin aamusnaan.
Dambiyadani ma aha kuwo dhacdooyin gooni-gooni ah ah ama kuwo aan h**e u dhicin. Waxay metelaan cutubkii ugu dambeeyay ee silsilad dheer oo ah dulmin dowladeed.