24/05/2026
Adan Cadde Airport maanta wuxuu noqday meel ay shacabka Soomaaliyeed ku dareemayaan cadaadis iyo gumeysi qarsoon oo ay wadaan dad laga keenay Turkey. Waxaa nasiib darro ah in dalkii Soomaaliyeed, gaar ahaan goobaha ugu muhiimsan sida garoonka diyaaradaha, lagu maamulo hab aan ixtiraam u hayn shacabka Soomaaliyeed.
Turkiga gudaha dalkooda waxay cadaadis iyo xanibaad ku sameeyeen Soomaali badan oo halkaas ganacsiyo ka furtay ama guryo ka iibsaday. Ganacsiyadoodii waa la xiray, dadka qaarna waxaa lagu sameeyay cunsuriyad iyo takoor muuqda. Halkii laga filayay xiriir walaaltinimo iyo iskaashi dhab ah, waxaa muuqata in dan gaar ah iyo ku takri-fal awood ay meesha ka jiraan.
Dhanka kale, gudaha Soomaaliya waxay shacabka ku wajahaan bahdil, amar ku taagleyn iyo adeegyo liita, iyagoo ku shaqeynaya dhul Soomaaliyeed. Waa arrin murugo leh in shacabka Soomaaliyeed lagu dhibo dalkooda dhexdiisa, iyadoo hantidii iyo maamulkii muhiimka ahaa gacmo shisheeye loo dhiibay.
Soomaaliya waa dal xor ah, shacabka Soomaaliyeedna waxay mudan yihiin sharaf, maamul u adeegaya dadkooda, iyo in dalkooda lagu maamulo si cadaalad iyo karaamo leh. Waxaa la joogaa waqtigii shacabka Soomaaliyeed codkooda mideyn lahaayeen si ay uga hortagaan nooc kasta oo gumeysi cusub ah.