29/04/2026
Jamal Muhumed Osman, Xamse waa qof si xalaal ah ku dhashay, si hufan u koray, cid la yaqaanno ka dhashay, ogna qiimaha anshaxa iyo masuuliyadda, mana aha nin lagu tilmaami karo wax aannu ahayn.
Ka warran haddii aan yidhaahdo Jamal Wuxuu ku dhashay hal habeen oo sarajoog ah ( One night Stand) Markaa la garan maayo cid uu yahay ba, dabcan waa gef oo reer abtigaa iyo adeeradaa ba way xanaaqayaan.
Qof kasta waa inuu garanayaa doorkiisa iyo waxa ka saaran nolosha.
Waxaa se la yaab leh in inkastoo digniino iyo talooyin badan dadku kaa siiyaan gefafkaaga , haddana aad dooratay waddo aad u aragto mid sax ah, adigoo iska indhatiraya talo kasta.
Bulshadu mar walba way hadashaa, laakiin qofka caqliga leh waa kan kala saara waxa faa’iido leh iyo waxa kale.
Haddii aad doorato nolol ku saleysan go’aanno degdeg ah, waa inaad sidoo kale aqbashaa natiijada ka dhalan karta. Noloshu ma bixiso cudur-daar; qof walba waxa uu goostaa wixii uu beerto.
Sidaas darteed, waxaa habboon in arrimaha gaarka ah aan loo rogin dood guud oo lagu raadinayo dareen ama taageero. Waxaa jira dad si dhab ah u la kulma cadaalad darro, kuwaas oo mudan in loo hiiliyo, halkii laga qabsan lahaa sheeko aan la mid ahayn xaaladahooda. Adiguna waligaa si hufan uma aadan shaqayn, uma aadan hadal, umana socon ee jooji aflagaadada.
Waan ogahay, Waxaa jira wariyeyaal dhab ah oo loo ballanqaaday mashruucyo, ammaan iyo shaqooyin , balse dabadeed la iska indho tiray . Wariyeyaashaas waxay mudan yihiin naxariis, caddaalad iyo in loo doodo, adiguse kuma jirto wariyeyaashaas.
Adigu waxaad tahay qolyaha la bixiyo adeegooga maalintaas oo kaliya , kaddib na sheega, duubo ama yidhaahda wixii ku soo dhaca , oo k**a mid tihid saxafiyiinta togan . Sidaas darteed Ha ku xadgudbin dadka adigoo isku dayaya inaad naftaada ku qasabto sheekooyinkaaga mala’awaalka ah.
Nin iinloow daa gujada.