Akhriska Ku Dareen Farxad

Akhriska Ku Dareen Farxad Akhrisku waa border kaa ilaalinaaya fakarka badan
Hadaad wax akhristo Waxaad ka rajo fiicnaanay ka aan waxba akhriyin
Wax akhrisku waa inoo muhiim

01/05/2020

Tasbiixda badsada

25/04/2020

Gaaladu waa indha layihiin

22/08/2019

Jacayl waayeel galaY

29/05/2019

Allahayoow sidii roon soo sii qalbiigayaga

23/04/2019

SAWIRKII GUUSHA
✓ Qaybtii koowaad

Waa goor galaba roob badan ayaa da’ay aad ayay biyuhu u qulqulaayaan dad ku waxa ay leeyihiin waa daad laakiin ma aha daadkii buuraha ka soo rogmi jiray ee togaga buuxin jiray waayeelka iyo dumarku ma socon karaan sababtoo ah waayeelku biyaha godadka yar-yar ku jira k**a boodi karaan dumarkuna sidii ay u laafyoon jireen uma laafyoonayaan oo waxaba ay biyuhu u joogaan tafta maryaha ay sitaan dushana roob ayaa kaga dhibcaaya iminka waa qoraxdii waxay ku sii dhawaatay godkeedi waa roob qaaday iyo caadadiiye dadkii dabada guryahay uga soo baxe ragu falanqay roobka day maanta ninba magac ku sheeg lagu masaal roobab mahiigaan ahaa oo waaya h**e di’ijiray maqaaxiyihii lawada fur ragu waa sheekee kuraasida loogu fadhiisay sheekada meheradii way buuxsantay sawaxankuna waa sii badanayaa laakiin buuqaa baxaayaa ma aha dagaal ee waa farxad iyo goor galab gaaba farxadeed dhulku waa sii casaanayaa cirku waxa uu samaystay qaanso roobaad dhulka wali biyaa ku sii jira inkastoo biyihii la moodaayay daad togag ka soo burqanaaya ay soo kala yaraanayaan oo ay u qulqulaayaan xaga hoose ee magaalada hada iyadoo ay sidaa tahaY biyuhu K**a wada dhamaan wadooyinka magaalada gawaadhidu Xoog ayay u marayaan wadada maqaaxidii lagu kaftamaaayay waxa ay isku badashay buuq iyo qaylo dagaal waada istaagnay maxaa dhacay lays waydii cabaar ka bacdi waxaan arkay gabadh uu nin gaadhi wataa xoog ula murmaayo waan ku soo dhawaaday meeshii oday ka mid ahaa dadka meesha taagan ayaa kala dhex galay labadii qof ee murmaayay inantu waxay wiilka ku eedaynay inuu gaadhiga uu wataa biyo dhoobo leh uu ku soo saydhay isagoo wadada xoog u maraaya ninja gaadhiga wataa waxa uu leeyahay ka wadaday leedahay waa gabadh laafyoonay oo aad u xaragoonay kuna tamashalaynaysay caradaa carfaysiyo dhulkaa wad udga ah ee ay mulaxyaysay xareedi iyadu mamba maqasho ma hadalka wiilka oo warkeeda ayaa u cad waxyna u qaadan ladahay gurigii ay qurxda kaga soo baxday Inay ku laabanayso iyadoo dharkii laga wasakheeyay xoog ayay u murmaysaa wiiilkana K**a jiidhina waa la sii watay odaygii waa u dul qaadan waayay sida uu ninku inanta ula hadlaayo xanaaq budh Wayn oo uu sidatyna gaadhigii ku dhufay Wiilkiina waxa uu is yidhi ninka iska celi dakiina waa ku wada qayliyeen gaadhigiisi ayuu dirqi kula baxsaday inantiina gaadhi kale ayaa loogu qaaday xaafadeedi waa raga soomaliyeed iyo caadadood inay dumarka wanaajiyaan
Jawigii is badal habeena way sii noqonaysaa xaafadaan u caraabayaana meeshaan joogo way ka fogtahay waxaan u imi Aabe oo meheradiisi jooga waxaan arkay mobilkii aabe iyo Mobil kale oo meeshii yaala waxaan jeclaa inaan cayaaro game markaa mobilka ku jiray sidii caadada ahayd aabe i sii nusasaacahaygi iguna jiri caaawa waad habsaantee h**e u carar Ana waxan lay leeyahay iyo waxa laysiiyayba ii a muuqdaan waxaan arkaa oo ii muuqda waa mobilka uun i fahan aabe oo i yidhi qaaado caawa mobilka barina Xili h**e ii soo celi caawana ha ku habsaamin si aanaad uga daahin schoolka haye Baan ku Idhi aabe waxaaana xasuusiyay inaan schoolka tago bacdal duhurka waan isasa sii macaslaamaynay aabe habeenkii guriga waan ka daahay sidaan marba meel ula sii fadhiisanaayay mobilka ugu danbayn tagay xaafadii habeenkii oo dhan iska ciyaaray gamekii iyadoo ay xili dabe maarayso ayaan gamay mobilkii oo aan gacanta ku haysto habeenkaas farxad ayaan ku seexday ilaahay ayaa wax walba og oo ay kacantiisa ku jiraane habeenkaa farxadii aan ku farxay mobilka waxa ka waynay farxada uu ii soo wado hase ahaate aanaan wali anigu ogayn waa arooro cidina ima kicin si Fiican ayaan u hurda bogtay waan kacay isla markiiba waxaan soo xasuustay mobilkii hase ahaate maba yaalo cid qaadatayna ma garanaayo

La soco qaybta labaad

Qore; Ahmed Aninuur

11/11/2017

Maxaynu wax u akhrinaa? Maxaynu akhrinaa? Sidaynu u akhrinaa?
Maxaynu waxa u akhrinaa?
Akhrisku waa noocyo badan yahay, dadkuna siyaalo kala geddisan bay akhriska u doorbidaan, in badan bay dhacdaa dadka qaar inay wax akhriyaan iyagoon wax ujeeddo ahba ka lahayn. Dhowrkan arrimoodbaase ugu badan ujeeddooyinka akhriska laga leeyahay:-

· Madadaalo: Dad badan baa wax u akhrista inay ku maararoobaan, waqtiga ay firaaqada leeyihiinna jecel inay buugta ku qaataan, akhriska madadaalaysani inta badan raandhiis ma yeesho, aqoon badanna lagama korodhsado, waxaaba suurtowda, qofku marka uu buugga dhammeeyo in aanu xasuusan magaca qoraha, iyo cinwaanka buugga.

· Xograadin: Qaybta ugu badan ee dadku waxay wax u akhriyaan baadigoobka xog ay u baahan yihiin, dhowr siyoodbaana qofku inuu xog helo ugu baahnaan karaa, mar aqoon ahaan buu ugu baahanyahay, mar shaqadiisa ayaa ku xidhan, marar kalena faduul baabu u raadiyaa xogta.

· Balaadhinta garaadka iyo fahmada: akhriska ujeedkiisu sidan yahay waa kan ugu hawl badan akhris oo dhan, wuxu u baahan yahay, dadaal dheeraad ah sidii aad u soo dhambalid lahayd, aqoonta aad akhriyeyso, naqdin ugu samayn lahayd, u soo koobi lahayd, una gudbin lahayd. Sidaa darteed qofka waan inaad doorataa waxa aad akhriyeyso.

Maxaynu akhrinaa?

Waxa jira dad maalin iyo habeenba wax akhriya, kuna indha madoobaaday, wararka ciyaaraha, ama siyaasadda, waqtiga badan ee la geliyeyna waxtar maskaxeed oo kaga soo noqda daayee, isku buuq iyo walbahaar ka qaada. Ujeeddadu maaha yaan la akhriyin, waxayse tahay, ma u qalmaan waqtiga aynu gelinno?

Aqoontu maanta way is kaabtaa, oo qof walba waxa la gudboon inuu meelo badan wax ka eego, mawduucyo dhowr ahna milicsado, isagoo mudnaan siinaya arrimahan soo socda:-

· Aqoonta Diinka: Si aqoontaadu u dheellitiranto, waa muhiim inaad akhrido diinta, fahamto kuna dhaqanto, Qur’aanka, Xadiiska, iyo culuumta shareecada oo dhan, waxay kaaga baahanyihiin, inaad joogtayso akhrintooda, si aad uga badbaado inaad wax aan diin ahayn, diin u mooddo, ama diinta wax ka mid ah inaad ismoodsiiso, in aanu ka mid ahay, waxaad kaloo ka bedqabi doontaa, ku dayashada indhaha la’.

· Akhri takhasuskaaga: Waa cilmi dhegood haddii inta laguu dhigay uun aad ku eekaato, waa muuhim aqoontaada inaad ballaadhiso, waxyabaha laga qoray baadigoobto, aragtiyaha kala geddisan isu minguuriso, mar walbana cusboonaysiin la dabajoogto.

· Milicsiga Sooyaalka: Akhriska sooyaalku waa u mihiim qofkii raba aqoontiisu inay meel marto, adigoo siday u kala mudanyihiin siinaya, akhri sooyaalka dalkaaga iyo bulshadaada iyo dunida kaleba.

· Aragtida kale: dunida loollan fikir baa ka jira,qolo walibana waxay rabtaa in aragtideedu meel marto, tan kalena hilfaha ay u laabaan, xilbaa kaa saaran ummadda aad aqoonyahanka u tahay, inaad fikradaha duullaanka ku ah, gaashaan uga noqoto, meelaha la soo qariyey, daaha ka faydo, caddaymaha ay aragtidooda ku ayidayaanna burburiso, taasina kuu soo geli mayso, haddaanad akhriyin oo baadhin aragtiyaha kugu liddiga ah.

Inahaasi waa kuwa aan u arkay muhiim, way jiraan dhinacyo badan oo kale oo aanan tilmaamini. Mawduucyadaa kala duwan si aad kansho ugu hesho waa in uu jiraa manhaj akhris oo aad raacdaa.

Sidaynu wax u akhrinaa?

Mar haddaynu isla garannay in waxa la akhriyayaa, kala jaad yihiin, mid waliban u baahanyahay inaad waqti ku filan siiso, waxa lagama maarmaan ah in qofku yeesho, qorshe balaadhan oo akhris, oo weliba isaga u gaara, duruufihiisa dhaqaale, waqti iyo nololeed ee uu haystana ku habboon.

Qodobbadani waa kuwa ugu muhiimsan ee kugu hagi kara akhris caqiibo leh.

Qorshe akhris: Hakuu diyaarsanaadaan mar walba waxa aad akhriyeysaa, qorshahaaga, waxaad ka dhigi kartaa, todobaadle, bille, ama sanadle.

Waqti go’an: Akhriskaagu ha lahaado waqti sugan oo aanad howl kale qaban, haba yaraado waqtigaasiye, waa inuu joogto noqdaa.

Diiwaangeli aqoonta: Mar kastoo akhriskaagu kordhaba aqoon cusub baad helaysaa, irrid horlihina way kuu furmaysaa, aad bay kuu anfacaysaa inaad si nidaamsan u diiwaangeliso waxii faa’iido ah ee kaa soo hor baxa.

Maktabad samayso: qof kastoo akhriska u heellani, buugaagta waa inuu kaydsadaa, dhaqaalihiisana in macquul ah uga qoondeeyaa buug iibsiga, iyadoo maanka lagu hayo, duruufaha jira, bahda akhrisku buugta ha kala ergisteen, aad bay u sii wanaagsanayd, qofkii buug qaali ah iibsadaa, marka uu si wacan u akhristo, haddii uu dib u iibiyo isagoo qiimihii laga siiyey kala badh ka dhigay.

Aqoonta gudbi: Aqoonta aad akhriday haddii waxba looga aayi waayo, dadkuna ka qatanaadaan, haan gun la’ baad tahay, markasta ku dadaal inaad wixii kaaga bidhaama dadka la wadaagto. Qoraal baad ku gudbin kartaa, hadal baad ku gudbin kartaa, dood baad ku gudbin kartaa.

Akhris wadaag: horaa loo yidhi: far keli ahi fool ma dhaqdo. Akhriste kasta waxa la gudboon inuu yeesho jaalle akhris, laba qof ama wax ka badan, oo hadba wixii ay akhriyaan falanqeeya, ka dooda,dhuuxa, aragtiyana ka soo dhiraandhiriya.

Gebogabadii akhristuhu waa laba mid uun, mid waxa uu akhriyayo, isu dhiiba, sida midhaha daraygana duuduub ugu liqa; Iyo mid waxa uu akhriyayo rogroga dhinacyo badanna ka eega, naqdiya, gorfeeya, faham guudna ka qaaata qoraagana dood joogto ah kula jira. Akhrisku u dhabaradayg iyo feejignaan badan buu kaaga baahayahay, adkaysigu wehelkaaga ha noqdo.

E-mail: [email protected]

Adress

Stockholm
17744

Aviseringar

Var den första att veta och låt oss skicka ett mail när Akhriska Ku Dareen Farxad postar nyheter och kampanjer. Din e-postadress kommer inte att användas för något annat ändamål, och du kan när som helst avbryta prenumerationen.

Kontakta Affären

Skicka ett meddelande till Akhriska Ku Dareen Farxad:

Dela