محد ين أ دم حاج page Mohdin Adam Haji

محد ين أ دم حاج page Mohdin Adam Haji ((لا تحزن إ الله معنا))(( وإ ن تعدو نعمة الله لا تحصوها)) Brother and sister welcome to my page avery person Like fellow Meمحلد أ دم حاج page

11/08/2026

Digniin ku socota Darawallada Gobolka Bay
“Darawal kasta oo lagu arko isagoo aan maskax ahaan ama feejignaan ahaan u qalmin wadista gaadiidka, tallaabo ayaa laga qaadi doonaa, waana la soo qabanayaa.”
— Kabtan Cali Aadan, Taliyaha Qeybta Nabadgelyada Waddooyinka Gobolka Bay.
Taliyaha ayaa sheegay in la xoojinayo tallaabooyinka lagu sugayo nabadgelyada waddooyinka, iyadoo darawallada looga digayo inay gaadiid wadaan iyagoo aan si buuxda ugu diyaarsanayn wadista.
Ujeeddadu waa badbaadinta nafta iyo hantida shacabka iyo yareynta shilalka waddooyinka.

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sareeye Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud, oo uu wehliyo Taliyaha Taliska TUR...
05/08/2026

Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sareeye Guuto Ibraahim Maxamed Maxamuud, oo uu wehliyo Taliyaha Taliska TURKSOM, Sareeye Gaas Sebahattin Kalkan, ayaa Shahaado Sharaf guddoonsiiyey Taliyaha Qeybta 60-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Gaashaanle Dhexe Isxaaq Aadan (Isxaaq Berdaale).

Shahaado-sharaftan ayaa lagu maamuusay Taliyaha Qeybta 60-aad, kadib markii uu muujiyey hoggaan wanaagsan, howlkarnaan, iyo wada-shaqeyn miro-dhal ah oo uu la leeyahay talisyada kala duwan ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo saaxiibbada taageera dhismaha iyo tayeynta ciidamada.

Abaal-marintan ayaa ka tarjumeysa doorka muuqda ee Taliyaha Qeybta 60-aad uu ka qaatay xoojinta amniga, horumarinta howlaha ciidamada, iyo dardargelinta wada-shaqeynta ka dhexeysa Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo Taliska TURKSOM.

“Maalka iyo carruurtu waa quruxda (ama sharraxaadda) nolosha adduunka. Laakiin camallada suubban ee sii jira (camalka wa...
22/07/2026

“Maalka iyo carruurtu waa quruxda (ama sharraxaadda) nolosha adduunka. Laakiin camallada suubban ee sii jira (camalka wanaagsan ee qofku sameeyo) ayaa Rabbigaaga agtiisa ka khayr badan abaal-marin ahaan, kana khayr badan rajada la filan karo.”

Subax wanaagsan.❤️

Anago ah shacab wenaha reer konfor Galbeed  , waxaan si weyn u bogaadinayaa Ex Wasiir  Wasaaradda Warfaafiinta ee Koonfu...
09/07/2026

Anago ah shacab wenaha reer konfor Galbeed , waxaan si weyn u bogaadinayaa Ex Wasiir Wasaaradda Warfaafiinta ee Koonfur Galbeed, Ilyaas Ali Nur oo lagu yaqaan karti, daacadnimo, & waxqabad muuqda

Mudadii uu siyaasada kuso biiray wuxuu muujiyay hoggaan wanaagsan iyo dadaal joogto ah oo lagu horumarinayo Caawin bulsho Sidoo kale, wuxuu ka mid ahaa laf-dhabartii Musharax madaxwene isagoo door muuqda ka qaatay adkeynta & horumarinimo

Sidaas darteed, waxaan si xushmad & qadarin leh uga codsanayaa Madaxweynaha Dowladda Koonfur Galbeed, Sheikh Adan Mohamed Nur, inuu tixgeliyo kartida, hufnaanta, & waxqabadka Wasiir Ali Nur marka la soo dhisayo golaha wasiirrada cusub ee la filayo in la magacaabo Waxaan rajeynayaa in loo magacaabo wasaarad ku habboon aqoontiisa, waaya-aragnimadiisa, & adeegga uu muddada dheer u soo qabtay shacabka & dowladnimada

Xaqiiqdi Waxan ku kal-sonahay in Madaxweyne Sheekh Aadan Maxamed Nuur uu mudnaan siin doono masuulka waxqabadka & hufnaanta leh, si loo sii xoojiyo horumarka & tayada adeegyada bulshada ee Dowladda Koonfur Galbeed

Alle ha waafajiyo Madaxweynaha & dhammaan hoggaanka Dowladda Koonfur Galbeed waxa khayrka u ah shacabka & dowladnimada AamiinSheikh Adan Mohamed Nur Madobe

Captain Cali Adan Ayaa Hambalyo U diray Dhaamaan Shacabka Soomaaliyeed  🇸🇴Maalinta 26 Juun waa maalin taariikhi ah oo as...
26/06/2026

Captain Cali Adan Ayaa Hambalyo U diray Dhaamaan Shacabka Soomaaliyeed 🇸🇴
Maalinta 26 Juun waa maalin taariikhi ah oo astaan u ah xorriyadda, midnimada, iyo sharafka ummadda Soomaaliyeed. Ilaahay ha inoo ilaaliyo nabadda, wadajirka, iyo horumarka dalkeenna. Hambalyo dhammaan shacabka Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan.
26 Juun oo Barakaysan!

22/06/2026

Hoggaamiyaha Dowladda Koonfur Galbeed Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) iyo wafdi uu hoggaaminayo oo safar shaqo ugu maqnaa magaalada Muqdisho ayaa maanta dib ugu soo laabtay magaalada Baydhabo oo ah xarunta ku-meel-gaarka ah ee Dowladda Koonfur Galbeed.

22/06/2026

Shaqo qaran ayaa socoto

09/06/2026

Taliye G/Sare Mohamed sheikh Ali isaq oo soo gaarey Magaalasa Baydhabo.
Waxaana so dhoweyey captain Cali Adan

Deg-Deg Gudoomiye Baarlamanka 3aad ee Dowladda Koonfur Galbeed Waxaa Ku guuleystey Dr Mahad Sheekh Xasan .
04/06/2026

Deg-Deg Gudoomiye Baarlamanka 3aad ee Dowladda Koonfur Galbeed Waxaa Ku guuleystey Dr Mahad Sheekh Xasan .

Hambalyo dib u dhaca ahiyo bogaadin ayaan u dirayaa Mudane Xildhibaan Aden Hassan Usaama oo kamid noqdey Baarlamaanka Do...
26/05/2026

Hambalyo dib u dhaca ahiyo bogaadin ayaan u dirayaa Mudane Xildhibaan Aden Hassan Usaama oo kamid noqdey Baarlamaanka Dowladda Koonfur Galbeed. Waa guul taariikhi ah iyo masuuliyad culus oo muujineysa kalsoonida iyo taageerada shacabka. Waxaan kuu rajeynayaa in Eebbe kugu asturo xilka laguu doortay, kana dhigo mid aad ugu adeegto bulshada, horumarka iyo nabadda deegaanada Koonfur Galbeed

Address

Baidoa

Telephone

+252615015003

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when محد ين أ دم حاج page Mohdin Adam Haji posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to محد ين أ دم حاج page Mohdin Adam Haji:

Shortcuts

Share