11/01/2026
Abaanduulaha cusub ee Ururka 114-aad ee Ciidamada boliiska gaarka ah KG ee fadhigiisu yahay deegaanka Makuudo, Laba Xidigle Isxaaq Iidow Cabdiraxmaan, ayaa maanta si diirran loogu soo dhaweeyey xerada Xerada Ciidamada, kaddib magacaabis uu sameeyey Taliyaha Ciidamada Booliiska Gaarka ah ee Koonfur Galbeed, Gaashaanle Sare Isxaaq Cali Isxaaq (Meedey).
Soo-dhaweyntan ayaa waxaa hoggaaminayey Taliyaha Ururka 114-aad, Kabtan Mukhtaar Muxudiin, waxaana ka soo qayb galay ciidamo ka tirsan ururka.
Taliyaha Ururka, Kabtan Mukhtaar Muxudiin, ayaa Abaanduulaha cusub si rasmi ah u soo dhaweeyey, isagoona adkeeyey muhiimadda wada-shaqeynta, anshaxa iyo fulinta waajibaadka qaran.
Dhankiisa, Abaanduulaha cusub, Laba Xidigle Isxaaq Iidow Cabdiraxmaan, ayaa uga mahadceliyey Taliyaha Ururka iyo ciidamada soo-dhaweynta ballaaran, isagoo tilmaamay in kalsoonida la siiyey ay tahay masuuliyad culus.
Taliska Ciidanka Booliiska Gaarka ah DKGS .