Faysal adem

Faysal adem FADLAN LIKE II SAAR PAGE-KAN
WAAD KU MAHADSANTAY BOOKHASHADAAD

for mor information

pleace contac

Wasiirka waxbarashada oo kormeeray xarumaha wasarada waxbarashada iyo xafiisyada kala duwan waxana ku wehelinayay wasiir...
25/12/2024

Wasiirka waxbarashada oo kormeeray xarumaha wasarada waxbarashada iyo xafiisyada kala duwan waxana ku wehelinayay wasiir dawlaha wasarada waxbarashada iyo barbaarinta somaliland

16/10/2024
25/08/2023

Balanta dhalinta somaliland waa difaca iyo is garabtaaga ciiidanka qaranka somaliland

25/08/2023

Waxaan ugu baaqayaa shacabka somaliland inay mid ahaadan oo isku duubnaadan midna ahaadan oo ilaashadaan sharaftooda iyo haybada qarankooda

Musharaxmadaxwayne abdiraxman cirro

Dawada Werwerka iyo danbigaba maydha!1- Dunida inta aynu ku noolnahay xanuunka ugu badan ee innala kulmaa waa Werwerka. ...
16/06/2023

Dawada Werwerka iyo danbigaba maydha!

1- Dunida inta aynu ku noolnahay xanuunka ugu badan ee innala kulmaa waa Werwerka. Qof kastaa waxa uu la nool yahay werwer, mid imtixaan dugsi ama jaam acadeed ka werwersan, mid guur ka werweraya, mid caafimaad ka werweraya, mid dayn la werwersan, mid ubad la’aan ka cabanaya, mid ubad korintood la werwersan, nolosha oo dhan werwer ayaa innala saaxiib ah.

2- Kolka aynu dhimanno ee dunida ka soconno waxa innoo bilaabma werwer kale oo ah in Ilaahay hortiisa aynu kula kulanno danbiyadii aynu samaynnay oo la innoo qabsado.

Labadaas xanuun ee midna adduunka innagu dhaco, ka kalana aakhiro ayaa Nebigu Scw dawadooda innoo sheegay.
Xadiiska Ubaya bin kacab ayuu Nebigu Scw ku sheegay “Haddii Salliga Nebiga Scw aad badiso in Werwer oo dhan lagaa kor qaadayo, danbigaaga oo dhanna la dhaafayo”.

Warkaygu wuxuu ku kooban yahay aynu Salliga Nebiga Scw badinno, gaar ahaan caawa oo Jimce ah iyo berri oo jimce ah oo Salligeennu uu Nebiga Scw gaadhayo aynu badinno.

‎اَللَّهُمَّ صَلِّ وَسَلِّمْ عَلَى نَبِيِّنَا مُحَمَّدٍ.

Xigasho khaalid foodhaadhi

1sano Ayaa Maanta Ka soo Wareegtay  Caleemo Saarka Suldaan Ayaanle Suldaan Maxamed Oo Lagu Caleemo saaray Degmada Sheikh...
01/12/2022

1sano Ayaa Maanta Ka soo Wareegtay Caleemo Saarka Suldaan Ayaanle Suldaan Maxamed Oo Lagu Caleemo saaray Degmada Sheikh Gobolka Saaxil Sanad Ka Hor .

Maxaa Ka Hirgalay Hadaladii Uu Caleemo Sarkiisa .
Suldaan Ayaanle .

Suxufi Sidiiq Carab

29/11/2022

Haddaan cirku kuu daroorin
Dushaadana roob ku hoorin
Dugsiga aqalkiyo rugtiinna
Hadaan laga shidin dab oogma
Wakhtigu adi kuma daldalin!
Duruuftuna kulama dhalan
Waayaha dunidiyo lurkiisa
Dadkuba waa kula qabaane
Ka reeb noloshaada dayro,
Ha quusane daay"im kaasho.

Maansada 2017
Laabsaalax

Suldaan Ayaanle suldaan maxamed suldaan xandule    suldaan  beel wayn awal bari ahn Afhayeenka  salaadiinta Somaliland  ...
29/11/2022

Suldaan Ayaanle suldaan maxamed suldaan xandule suldaan beel wayn awal bari ahn Afhayeenka salaadiinta Somaliland ayaa ah suldaan kaliya intii la caleemo saaray u kacay ka shaqeyn midnimada wada jira dadka reer Somaliland guud ahaan
Suldaanka in badan ku hawlnaa shaqeyn Nabada gobolka geeska Afrika mida beelaha walaalaha wada dega gobolada togdheer iyo saaxil iyo maroodi jeex iyo midnimada walaalnimada beelaha awal iyo garxaajis suldaanka xukuumada waqtigeedu dhamaadey dagaal kula gashay ka shaqeyn wanaag iyo wada jir dadka reer Somaliland ka shaqeynayo suldaanka maalin dhaweyd qayb galay Aaska garaad saleebaan deegaanka sarmaanyo gobolka sool suldaanka halkaa kulmay boqor cismaan buurmadow iyo madaxdhaqameed kale oo faro badan suldaanka ayaa tan intii la caleemo saaray isagu kabaha u xidhay inuu dad Somaliland ka qabto daneysta ku macaasha dhiiga umada kana shaqeeya kala fogayn wiil iyo abtigii

Suldaan Ayaanle suldaan maxamed suldaan xandule taariikhda ku xusi doonta

Qore maftuux cambe birdhiile

22/11/2022
Suldaanka guud ee awal bari ahna afhayeenka salaadiinta somalilandSuldaan ayaanle suldan maxamed maxamud Ayaa hambalyo u...
22/11/2022

Suldaanka guud ee awal bari ahna afhayeenka salaadiinta somaliland
Suldaan ayaanle suldan maxamed maxamud
Ayaa hambalyo u diray garaadka cusub ee beelwaynta ugaadhyahan siyaad

Waxana uu yidhi :-

Waxaan hanbalyeynayaa garaadka cusub

ugaas Garaad C/Laahi Garaad Saleebaan Garaad Maxamed Garaad Maxamuud Garaad Cali Garaadka Guud Ee Beelwaynta Ugaadhyahan Siyaad .

Haldoorka ,Cuqaasha iyo Qoyska Beesha ayaa isku raacay in uu hogaamiyo Saldanada Beesha Garaad C/Laahi Garaad Saleebaan .

Address

Berbera
NOZIPCODE

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Faysal adem posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to Faysal adem:

Share