25/02/2026
Ra’iisul wasaaraha Hindiya, Narendra Modi ayaa maanta gaaray Israa’iil, waxaana soo dhaweeyay Netanyahu iyo xaaskiisa Sara. Inta ay booqashadan socota waxaa la filayaa Israa’iil iyo Hindiya inay ballaariyaan iskaashigooda, iyadoo la xasuusto inay Hindiya si weyn u taageertay dagaalkii Qasa, markaana wuxuu Modi raadinaya in sare loo qaado xiriirka labada dhinac.
Socdaalkan, waxa ka quseeya Soomaaliya , waa in Modi raadinayo inay Israa’iil gacan ka siiso sidii loo joojin lahaa is ballaarinta Turkiga iyo Pakistan ee badweynta Hindiya , taa oo ku dhacaysa heshiisyada Turkiga uu kula jiro Soomaaliya, xilli uu Netanyahu maalin ka hor sheegay inuu dhisayo isbahaysi ka howlgalla badweynta Hindiya iyo badda cas, si buu yiri looga hortaggo wax uu ku sheegay; xagjirka
Shiicada iyo Sunniga.
World Media