Eng Abyad

Eng Abyad ICT & Education Entrepreneur | Founder | Management & ICT Consultant | Helping youth & professionals build skills, careers, and businesses

Ma ogtahay, geedka marka uu korayo, wuxuu u koraa labba jiho oo kala duwan isla markaasba. Wuxuu u koraa jidahada kore i...
06/09/2026

Ma ogtahay, geedka marka uu korayo, wuxuu u koraa labba jiho oo kala duwan isla markaasba. Wuxuu u koraa jidahada kore iyo tan hoose isku mar.Geedku haduusan u korin hoos oo ah asaaska geedka ama jirid adag lahayn, waxay u badantahay inuu si sahlan u dhaco.

Waana sidaas casharka nolosha ee ku jira, waxkasta oo aad bilaabayso waligaa haka tagin aad asaas adag u samayso - foundation u samayso. Wax kasta oo aan lahayn asaas adag ugu danbayn waxaa kasoo laabata caqabado.

Maxay kula tahay adiga?

Waa maalintii aan difaacanay buuggeena, Computer Science.  Maalintaas waxaan aaminsanaa boqolkiiba boqol, in aan dalka k...
05/09/2026

Waa maalintii aan difaacanay buuggeena, Computer Science. Maalintaas waxaan aaminsanaa boqolkiiba boqol, in aan dalka ku noqdo wixii aan soo bartayna oogu adeego, waxaan aad u aaminsanaa in dadka khibrada iyo aqoonta soo kororsaday dalka looga baahanyahay.

Maxaad isleedahay, dhalinyarada dalka banaankiisa wax kusoo barto, ma isleedahay fursadaas wali waa jirta in dalka looga baahanyahay, mise waxaad isleedahay horay aduunka ha usii galaan. Aniga dhankaygana waan idinla wadaagi doonaa inshaAllah.

Miis, laptop, iyo hal fikrad.Intaas ayaa bilowga u ah wax kasta oo weyn. Dadku waxay arkaan natiijada, ma arkaan saacada...
03/09/2026

Miis, laptop, iyo hal fikrad.
Intaas ayaa bilowga u ah wax kasta oo weyn. Dadku waxay arkaan natiijada, ma arkaan saacadaha badan ee aad kaliga shaqaynaysay ee ka horreeyay.

Maxay kula tahay, in aad u baahantahay si aad wax u bilowdo.

01/09/2026

Maxay idinla tahay, sababta ganacsatadeenu ay markasta u maalgashtaan Hotelada iyo meheradaha oo ah suuq buuxa, halkii ay maalgadhan lahaayeen warashahada yaryar ama Beetaha oo ah Suuqa ugu jaaniska weyn Soomaaliya ?

Waxaan ka qeyb galay munaasibad ay Jaamacadda Sahal University, faraceeda Garoowe, tababar ugu qabatay ardayda sanadkan ...
30/08/2026

Waxaan ka qeyb galay munaasibad ay Jaamacadda Sahal University, faraceeda Garoowe, tababar ugu qabatay ardayda sanadkan ka baxday dugsiyada sare ee Garoowe, si ay faham buuxa uga helaan takhasusyada ay u baahan yihiin inay bartaan.

Munaasabadda ayaa waxaa goob-joog ahaa maamulka jaamacadda, waalidiin, aqoonyahanno iyo hawlwadeennada Jaamacadda Sahal, qaybteeda Garoowe.

30/08/2026

Maxaad ka aaminsatahay waxa loo yaqaan Get Rich Quick, walise mala kulantay. 5ta nooc ee ugu caansan ee Soomaalida dhibka oogu badan loogu gaysto wax ma ka taqaan? Nala wadaag qeybta faalada.

Wali Shaax haruub ma ku cabtay?
30/08/2026

Wali Shaax haruub ma ku cabtay?

24/08/2026

Ujeedka maxkamada sare, wuxuu ka dhignaan karaa in JSP ay rabto in qof kale ciyaarsiiso, ama awoodo ka baxsan intaas meesha soo galleen. Sababtoo ah wixii kaleba waa socodsiisay ma jirto wax point ah oo ku jira in natiijada la tirtiro wixii kharash la galay kadib.

AI-gu waa Fursadda JiilkeennaXalay waxaan ka qayb galay munaasabad lagu xusayay ardayda ka qalin-jabisay tababarka Garaa...
13/08/2026

AI-gu waa Fursadda Jiilkeenna

Xalay waxaan ka qayb galay munaasabad lagu xusayay ardayda ka qalin-jabisay tababarka Garaadka Macmalka (Artificial Intelligence – AI), oo ay Y-PEER ku qabatay xarunta PDRC ee Garoowe. Waxay ahayd goob buuxda oo ay ka muuqatay dhalinyaro rajo iyo hammi leh, iyada oo kasoo qeybgaleen martisharaf kala duwan.

AI-gu waa isbeddelka ugu weyn ee qarnigeenna

Sidii uu .com u ahaa waxa ugu weynaa ee dunida ku soo kordhay 1990-meeyadii, sidii ay Baraha bulshada (social media) u ahaayeen fursadda ugu weyn ee tobankii sano ee la soo dhaafay — ayuu AI-gu maanta u yahay tiirka isbeddelka. Cid kastaa way dooran kartaa: inay la socoto ama inay ka hadho. Aniga iyo adiga, waa inaan la socono.

Noocyada AI-ga ee aan adeegsado

▪️ ChatGPT / Claude / Gemini — qorista, falanqaynta iyo fikirka
▪️ Perplexity — cilmi-baaris iyo raadin xog leh ilo la xaqiijin karo
▪️ Canva AI / Adobe — naqshadaynta sawirrada iyo warbixinnada
▪️ Copilot — koodhka iyo shaqada tiknoolajiyada
▪️ Otter / Whisper— u beddelidda codka qoraal

Qaabka loo adeegsado si sax ah

1️⃣ Su'aashaada si cad u qeex — jawaabta wanaagsan waxay ka timaaddaa su'aal wanaagsan.
2️⃣ Sii macluumaad ku filan — u sheeg cidda aad tahay, waxa aad rabto iyo qaabka aad u rabto.
3️⃣ Ka dhig kaaliye, ha ka dhigin badal — AI-gu ma beddelayo maskaxdaada; wuxuu kordhinayaa awooddaada.
4️⃣ Had iyo jeer xaqiiji xogta — AI-gu wuu khaldami karaa. Isbarbardhig ilo la aamini karo.
5️⃣ Ilaali xogta qarsoodiga ah— ha gelin macluumaad shakhsi ah ama mid xasaasi ah.
6️⃣ Barashada waa mid joogto ah — tiknoolajiyadu maalin walba way isbeddeshaa; adiguna la soco oo markasta is dhis joogteena

Hambalyo diiran ardayda qalin-jabisay 👏 — waxaad qaadeen tallaabadii ugu horreysay. Tallaabada labaad waa inaad wax ku qabsataan waxa aad barateen: shaqadiinna, ganacsigiinna, bulshadiinna.

Mustaqbalka ma sugayo cidna. Bilow maanta.

Eng. Abyad

Bulshada Caasimada Garowe.  halaga faaidaysto Sahal University. Regular iyo Online waxbarasho ah
12/08/2026

Bulshada Caasimada Garowe. halaga faaidaysto Sahal University. Regular iyo Online waxbarasho ah

Address

Bosaso

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Eng Abyad posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to Eng Abyad:

Shortcuts

Share