04/01/2023
Doodna waxaan u leeyahay, dumarkiyo carruurtoo
Dadkii idinka weynaa, hadday idin dulleeyeen
Danbi k**a ay yaabine, cuntay idinka doorteen
Duunyaa la dhaafsaday, dugsigaad geleyseen
Dameerkuna ma yeeleen, halkay talo ku daysteen
Dab intay shideen bay, dalaq idinku siiyeen
Doox intay qodeen bay, ciid idinku daadsheen
Nin idiin damqanayaa, idin k**a dambeeyoo
Haddaydaan digtoonaan, daad baydin qaadiye