Maxamed batalaim

Maxamed batalaim I'm a man who makes simple decisions but is not a fool who takes everything for granted..........like waa Dhankada -

Permanently closed.
waxaad isku dayi kartaa inaad magac dhamaystiran u samayso《you can Try to make a complete name for it 》♤♧☆☆☆☆♡
20/03/2022

waxaad isku dayi kartaa inaad magac dhamaystiran u samayso《you can Try to make a complete name for it 》
♤♧☆☆☆☆♡

17/03/2022

Cawa waa 15 shacbaan cafi wllka ama wllzha adiga illahay ayaa danbiyadada dhafayaa ilaa labo mooyane 《midka shirkiga layimaada iyo midka qalbigisii xisdi iyo xasidnimo kujirtobmooyan

Wll muxuu ka mudan yahay
05/03/2022

Wll muxuu ka mudan yahay

27/02/2022

hello guys i want you to give me 10k for the rest of the month of Ramadan shere and like us more

Nafta waad dhidhi saayeDhibta waad ka jirtaayeDhakhtar baad u tartaayeIlmadaad ka dhurtaayeFarxad maad ku yar dhiirin?Dh...
12/01/2022

Nafta waad dhidhi saaye
Dhibta waad ka jirtaaye
Dhakhtar baad u tartaaye
Ilmadaad ka dhurtaaye
Farxad maad ku yar dhiirin?

Dhaqankaaga aloosan
Dhaxal baan ka helaaye
Dhaxan baan ka jirtaaye
Taladaan ku dhugtaaye
Cashar maad igu dheefin?

Dhuda maanka ku taala
Dhiigaad u dirtaaye
Socodkaan dad ku dhaafo
Adigaa dhun dhunkiisa
Ku dha dhaabo talaala.

Dhaqankaagu idgoonka
Caraf buu dhaliyaaye
Wadnuhuu dharbiyaaye
In yar maad u dhawaani?
Udug baad dhaysisi saaye.

Nolashaada bal dhawrtay
Kartidaadana dheefay
Xubigii dhutinaayay
Durba dhuuxa adkaaye
Mahad baan ku dhan baali.

Dhir magoolo is taajay
Dhibiciina ku hooray
Hilaacuna dhex rooray
Onkadkiina dhawaaqay
U humaayo u dhaawatay.

Sida buurta dhulkeena
Dhagaxaan isa saaran
Dhana dhool ku da'aayo
Dhakhso kuugu hiloobay.

Dhoola ha'ga cadaanka
Yar ca'suusana ku dhuuntay
Ciridkaagana yar dhoobo
Daymaday dhargiyaane
Noqo dhaayaha jooga
Dhinacayiyo hortayda.

Sida ceelasho dhaanka
Biyihiisa dhacleeya
Raha dhaada guraaya
Ku niyaa yaro dhoofay.

Dhab jacalkuna yaalo
Laga dhaawac jiraayo
Loona dhaymo sameeyo
Nasab weeyiye dheeho.

Gidi gooda bal dhaaftay
Dhankastoo laga eego
Dhamidoodba haweene
Ka qardhaas dhigo huuno.

Marka aad i dhahayso
Eraygaaga dhex taalan
Sida sheekha dhigayaa
Cashar uu ku dul dhaartay
Anigoo dhibsanahaynin
Dhuuntaanan mariyaaye
Qalbi ii yara dhaadhi
Iina dhaaro inaanad
Waligaa i dhibaynin.
Cidlo iiguna dhaafin.

Sida dheeha cirjiidhka
Qorax soo dhalanaysa
Dhul iftinka ku saaqday
Ay dhex joogta daruurna
Jeegaan dhalanayso
Dharabkiina dul yaalo
Dhir magoolk la dhacaysa
Igu dheerid macaanto.

Taladayda dhamaadka
Haw dhawaanin nabiibka
Cadawgeena ku dhiiran
Nacayb keena dhisaaya
Xidhiidhkeenu dhibaayo
Xasad weeyi dhamaane
Dhagta haw jalaq siinin
Isna dhaafi warkooda.

"Waxaba daranyo haw luminDadnimada karaan keegaHa doorsoomin sharaftaadaAdoo duub u xidhan guushaDajin kara hadafiyo yoo...
26/12/2021

"Waxaba daranyo haw lumin
Dadnimada karaan keega
Ha doorsoomin sharaftaada
Adoo duub u xidhan guusha
Dajin kara hadafiyo yoolka
Ha dabayla raacin karti daada

Dahab noqo dhalaalaaya
Miridh yuu ku doorsoomin
Dalaqo shayga mara maalin
Haku doorin magacaaga
Haku dilinna guudkaaga

Noqo diraca lasoo jiito
Dadku uu cumaamadeeyo
Xal u daji khilaafkaaaga
Doc banaanta nolashaada
Dabar xidha uyeel maanta"

Halis duugan oo taala
Dayro waayo kugu doogan
Daled nabada laga waaya
Ukor oo daruur caad leh
Ama dhamacda daaduunta
Diirkana ku gubo yoomam
Bari dayrka sooyaalka
Baal dahab ka galaysaaye
U dadaal waxii dagan ba
Bulsho dayac tirkeed yaala
Cid adoona kaga doonin
Maal lagugu doorsiiyo
Noqo daacad aan daalin.

Dakhar hoosta ka dilaacay
Marbu doogan doonaaye
Dhadh xanuunka daynanin
Hada dawo kusii guud fur
Waxa uga dubaaq fiican
Ado hoos u daya goobta.

Waxan uga dan leeyahayna
Sawracaa la diidaaye
Sifa'daada ha moogaanin
Sawir yaanad dood moodin
Sarta hoose waa duuge
Dadnimada ha shaashaynin

Dadka waxa dhex yaalana
Waa duriyad xeel dheere
Damaqa yaanad gaadhsiine
Duridaada hafogayanin
Duurxulka ku heensaysan
Dubaabihiyo hadalkaaga
Dadkaa qaar fahmayaane
Deel qaafka haw dihanin.

Hibo dooran ado yeeshay
Samadana dawaaafaaya
Marbay dacal fuurtaaye
Deeqdaada hadalkeegu
Dadku kugu godoodaane
Wax kastood adu doonto
Dabnahaagu yay odhane
Wax ku diid dareenkaaga
Utudh maanku dagal jooga.

Maxastiyo kii ku doortay.
Adu taada diid maanta
Xaga danbe ku soo daabac

Danta adiga kuu taala
Danta guud habaaskeega
Danta guud halawgeega
Danta guud habqankeega
Danta guud dayra deeda
Danta guud dib u dhaceega
Danta guud dardhad keeda
Danta guud laga dareeray
Udib jir adu daalkeega
Dadnimada sidaas heedhe
Hadbaylo raacin kartidaada.

Maansada dareen layada
Dudo khayar u oodaysa
Waxay doontay baa taasa
Waxay diidaybaa taas
Doorkeedu kaa weeyi.

Jacaylada qalooca ahQaxar baa horseed aheIntii aan ku qanci jirayQaab aad u dhaqmi jirtay,Qaflad baan ku jiraysayeWakhti...
29/11/2021

Jacaylada qalooca ah
Qaxar baa horseed ahe
Intii aan ku qanci jiray
Qaab aad u dhaqmi jirtay,
Qaflad baan ku jiraysaye
Wakhti qiimo loo tagay
Ayaa iga qasaaraye
Yaa i' celiya qormadi,
Fariimhaan qor qori jiray.

Qisadaan yagleelkiyo
Qaabaynteda oo qudha
Ilmadaan qub qubi jiray.

Hadal lama qaliilee
Hadaad tidhi qariib noqo
Kaligaana qudh ahow
Taa kaama qarinine,.

Qaryad baaban helay.
Qorux iyo janaan helay.

Qalbi itaba baan helay.
Qasri lagu nastaan helay.

Qaxar iga dhayaan helay.
I qiimaysa baan helay.

Qorshe ii dhigtaan helay.
I qaabaysa baan helay.

Qosol igu jantaan helay.
Guullo ii qirtaan helay.

Dhiirin i qortaan helay.
Qasnad ruuxiyaan helay.
Qof ku dhaama baan helay.

Eray kaama qarine
Dhaqankaagu qaafiyo
Qalad buu ahaa yoo
Anigoo ku qancin raba
Ayaan so qod qodi jiray
Meelo qamuunyo ay taal.

Qalbi iga gudhaan ergo
Ku qasaali jiray oo
Waxaan ta ku qoonsaday
Tallo iga qariban-tee.
Qaxarkaaga ila dhaaf.

Meel aad i qali jirtay
Qof kaalaba yeesha'ye
Mid kale bal soo qabso
Kana qodo qaraarkii
Qaw'lan kaad i yeshoo
Sidaydii intaad qufto.
Marku kuu qandhoobana
Ku yar qosal sidaadii.

Hada qiiradii iyo
Iska daayay qubashada
Ilmo iga qul qulantoo
Farxad qoorta ii sudhan
Ku qushuucay oo idhi
Qaac baan dhex imid show.

Ilayn nolashu waa qurux
Markaad qiimaheed hesho.
Qayb adiga kaa dhiman.

Indhihii i quban jiray
Qosal baa ku xigay-oo
Dhakhtar qa'liyaan helay
Dawo ayaana lay qoray.

Qabcadii aad i goysayna
Ubax aad u qoyaybaa
Lagu beeray qolqolkoo
Xamdi baan qushuucaye
Quus qaado nabadeey.

.{MCA}

Agnaanimo ruux ahooAqoon aan isku jiraynAkhlaaq aan isku kabaynHadu af dhabaan dhabiyoEdaab xumo ay u tahayAduun shay uu...
28/11/2021

Agnaanimo ruux ahoo
Aqoon aan isku jirayn
Akhlaaq aan isku kabayn
Hadu af dhabaan dhabiyo
Edaab xumo ay u tahay
Aduun shay uu is taray
Ka aamudu waa awood
Ka aarsiga lagaga gudbo.

Waa lay addimey Axaddii sidaan Kuu eegayee Araggeeda taan Ku il-doogsadaay Ma illawsan tahay Axdigaad martiyo Meeshaad I...
28/11/2021

Waa lay addimey
Axaddii sidaan
Kuu eegayee
Araggeeda taan
Ku il-doogsadaay
Ma illawsan tahay
Axdigaad martiyo
Meeshaad I tidhi
Waan imanayaa.

Immisaad farriin
Ergo soo dirtood
Oontiyo biyaha
Hurdo aawaday
Uga soommanayd

Eed layga keeniyo
Midna amar Illaahay
Kuma aad maqnaanine
Adigayska baaqdee

Haddaad I tidhaahdo iman maayo
Ma aadeen halkaad ogsooneyd

Anigaa isla hadloo
Mar waxaan idhaahdaa
Ku illaawi maysoo
Way imanne sii joog
Mar waxaan idhaahdaa
Axdigaydin dhigateen
Kola oofin maysee
Samir Eebbe qaadoo
Ka fogow agteedaan
Uurkayga geliyaa.

Arimada jacayl baa
I hogaaminaysoo
Misna kuma adkaystoo
K**a hoydo aydoo
Naftu olol ma deysee.
Indhaaga habeenkii
Ku ilaalinaayoo
Dhammideed addunyada
Afarteeda waaxood
Hadba gees u eegee

Aammusnow habeenkii
Ug baadka iyo dooggaa
Tiiraanyo ooyoo
Idilkood xiddigahaa
Afar qaaday socodkoo
Ubax baan guroo
Soo ururiyoo
Amranow golii
Ooddii madhnayd
Ku ag daadiyoon
Ku ilaa xidhoon
Weheshada idhee

Eedaanka diiggoo
Oogsadey salaadiyo
Waagoo iftiimaan
Keligey inaan ahay
Asaraar ka saaroon
Addimada cuskadayoon
Dib u soo arooree

Qof ammaano lumiyoo
Iibsadey xilkeedii
Samo uguma aaye
Aan kala war haynaan
Ku afgooyey heestee
Maxay adiga kula tahay?

Address

Burco

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Maxamed batalaim posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to Maxamed batalaim:

Share