10/04/2026
Muuqaalkan aad ujeedaan waa police ka Burco oo xadhig shirkadda Nuur leedahay jaraya maanta 10/4/2026.
Waxaad h**e u ogaydeen gudidii loo saaray xaaladda laydhka Burco inay si sharciga baalmarsan ugu amreen shirkadda Nuur inay shaqada laydh galinta joojiso. Shirkadda Nuur yadoo danta guud eegaysa ayay muddo sanad ah isku dayaysay in ama dawladdu fasaxdo ama maslaxad kale oo magaaladda Burco laydh jaban oo adeegiisu sareeyo ku hesho.
Ugu horayn Shirkaddo heshiiyey ma jiraan ee Shirkad kooto laydh doonaysa ayaa jirtay. Doonista shirkad gaar loo leeyahay ma aha sharci iyo dawtoona in shirkad kale hamigeeda loo hor istaago. Shirkaddaha Dawladda ayaa u dhex ah oo ay tahay yadoo midna la jirin inay si cadaaladda wado u kala mariso.
Guddida waxay si cad ula safteen shirkadda kale adeega laydhka bixisa, iyagoo sheegay inay shirkadaha waawayn ilaalintooda iyo naasnuujintooda ka goโantahay. Goโaanka noocaasi waa mid dhabarjab ku ah ganacsiyada cusub, meelkadhac ku ah dadwaynaha iyo danyarta ay matalayaan, aadna u wiiqi doona hamiga iyo dedaalka dad badan ugu jiraan inay maalgashi wadankan ku sameeyaan.
Waxay shirkadda Nuur aqbashay in la sameeyo shirkad laydh oo cusub oo dawladduna qayb ka noqoto.
Dawladda maslaxad iyo caqli ay xaaladda laydhka ku maaraynayso ayaa looga fadhiyaa ee maaha inay gaadhi qabaal ah iyo salaan intay qaadato hanti shirkadeed jarjarto.
Ugu danbayn, shirkadda Nuur waxay soo dhawaynaysaa dadaal kasta oo keenaya inay Burco hesho laydh jaban oo joogto ah, waxaanay qaadacaysaa quweynta shirkad kale damaceeda gaarka ah iyo kooto ragaadisa horumarka magaaladda Burco .
Alla mahad leh .