28/01/2024
Sheeko dhab ah oo ka dhacday somaliya gaar ahaan gobalka galgaduud.
Dadka in aad ukala cadaalad fasho uma baahna aqoon iyo cilmi badan waxey u baahantahay in aad leedahay dareen iyo dangasho.
Hada ka hor ayaa waxaa dhacday abaaar daran abaartii waxey leysay lo.da.
Labo cid oo daris ahaa cidna waxaa u soo hartay 4 lo,aad
Cida kale oo ah qabiilada laheeb sooco waxaa u soo hartay 7 dabi abaarta xogaa wey dhamaan rabtaa oo waxaa lagali rabaa barwaaqo
Odayaal ku qabiil ah cida lo,do u soo hareen ayaa waxey u tageen cida laheebsooco waxeyna ka codsadeen in dibi ay qashaan iney oga badashaan lo, sidaas ayeyna ku kala badasheen dibigii iyo l9,dii cidii diba wey qasheen.
Waxaa laga baxay abaartii
Cida laheeb sooco lo,dii waxey udhashay dibi waxaa arkay cidii markii horelaheed lo,da ee dibaga looga badashay.
Waxey u imaadeen odaygii tumaalka ahaa ayaga oo u awood sheeganaaya waxeynaku dhaheen waxaan rabtaa lo,daynii waxaan ku siineynaa dibi
Ninkii Tumaalka miskiinka ahaa wuxuuu tagay Nabadoonka dadka dulminaaya nabadoonka u ah. Wuxuu oga sheekeeyay sheekadii.
nabadoonkii wuxuu u wacay dadkii dulmigasameeyay iyo ninkii ladulmiyay Wuxuuu geeyay sheekh caalim ah markii uu sheekha oga sheekeeyay waxa dhacaya yuu sheekii ku taabkii lasoo baxay inata uusan kitaabkii furin sheekha waxaa kadafay kitaabkii sheekha nabadoonkii dulmiga necbaa sheekhana adeer iyo nabadoon ayuu u ahaay
Nabadoonkii kitaabkii ayuu gid gidiyay xogaa markuu gid gidiyay ayaa waxaa lahadlay sheekhii waxa uu yiri adeer waan ogahay waxaad necebtahay dulmiga iyo ku joor falka dadka ee kitaabka maxaad kafiirineysaa.
Nabadoonkii wuxuu ku jawaabay kutubkaan waxaan ka fiirinayaa ayaad |sheegeysa in abaartana hilib lacuno barwaaqada caano lacabo.
Sheekii wuxuu yiri garta adeerkey ayaa gooyay ninkaas miskiinka oga leexda lo,diisa sidaas ayeyna ku dhamaatay gartii.
Dulucda sheekada hadii qof uu kuu soo cadaalad doonto adiga oo u fiirineen qabiil iyo dano kale toona garta u goy sida uu alle kuugu ogyahay oo cadaalad ah
Nabadoonka kitaabka ma.aqoon Ikn wuxuu necbaa dulmiga iyo u awood sheegashada dadka masaakiinta ah
Shuceyb Hiraab