Hassan Sheikh Mohamed

17/05/2024
05/11/2023

Allow Dalka Iyo dadkaba Noowanaaji.

15/01/2023

Sideen isku badalaa 2023?

1. Xiriirka aad Allaah la leedahay hagaaji, Waalidkana baari u noqo, Waad liibaanaysaa, Ducadoodana kasbo, Qaraabadana xiriiri, Ma hoogin abid qof qaraabada xiriiriya.

2. Yeelo Saaxiib fiican, saaxiibka waakan lagu daydo.(mobilke waa Saaxiib, ka xulo inta fiican).

3. Ceebahaaga baro, si aad u isu daawayso xalna ugu hesho.

4. Dhaqamada aad rabto inaad iska goyso ee xun, ha marin qaababkii aad ku soo fashilantay, adeegso siyaabo kale, la wadaag qof aad ku kalsoontahay oo wanaagsan inuu xal fudud ka heshaa la ga yaabaa.

5. Isbar dhaqanka inaad xilli h**e seexato, Subixiina aad aroor kacdo. haka daalin xitaa haday kugu adkaato, ku noqnoqo waad la keenaysaa. Shaqo aad qabato aroortii samayso (Jimcis, Akhris, Qoraal, Dabaal IWM).

6. Ka guur Pages ka (FB, Youtube, Instagram IWM) aad isleedahay waa xunyihiin waqti badana kaa qaata, Fariimaha gaagaaban ee wanaaga fara ha dhaafin daawo. Badanaa dadka waaweyn ayaa isu dira, dhallinyarada ma jecla, balse waa Fariimo wanaaga kugu boorinaya (Quraan, Xadiis Kooban, Fariimaha Dhirigelinta, Taariikhda, Gabayada, IWM).

7. Xanta iyo hadalka badan iska yaree, qof walba intaa waa uu sameeyaa, lakin isku day inaad iska xakamayso. (wax walba oo aad naftaada dambi ay ka dareento waa xunyahay).

8. Wax walba oo aad maqasho ama aad aragto ha faafin, isbar inaad naftaada xakamayso, qaybna haka noqon faafinta dicaayadaha iyo fadeexaynta dadka kale.

9. ku tiirsanow dakhligaaga iyo waxa aad haysato ama shaqaysato, ka fagow Deyn qaadashada iyo Shaxaadka. Deynta iyo Shaxaadka qiimahaaga ayay hoos u dhigaan.

10. Ahow mid waxbarashada sii wada, noloshana waa Dugsi iyo casharo. bogga aad ka galayso dooro.

Ogsoonow, kaligaa kuma tihid gaabiska iyo ceebaha qof yeelan karo, balse waa lakala dadaal badanyahay, dadaalaana waa gaaraa.

04/01/2023
31/12/2022

Sanadka 2023 Maxaa Kuu Qorsheeysan ?

23/12/2022

Intelligence Pawer Full

Fadlan Raac Linkigaas Si aad U Hesho warara Sugan
09/12/2022

Fadlan Raac Linkigaas Si aad U Hesho warara Sugan

Taliyaha Hay’adda Nabad Sugida iyo Sirdoonka Qaranka (NISA) Mahad Maxamed Salaad ayaa tacsi u diray qoyska, qaraabada, s...
09/12/2022

Taliyaha Hay’adda Nabad Sugida iyo Sirdoonka Qaranka (NISA) Mahad Maxamed Salaad ayaa tacsi u diray qoyska, qaraabada, saraakiisha, xubnaha Hay’adda iyo dhammaan ummadda Soomaaliyeed ee uu ka shahiiiday Marxuum Cabdiraxmaan Cabdullaahi (Bakaal Kooke) oo ahaa Taliyihii NISA ee gobalka Gedo, kaas oo ku geeriyooday Qarax ka dhacay duleedka degmada Luuq.

“Bakaal wuxuu shahiiday isagoo xaqa ku taagan, naftiisana u hibeeyay sidii dalka iyo dadka looga dulqaadi lahaa cadowga Khawaarijta ah.” ayuu yiri Taliyaha NISA.

Taliye Mahad Salaad ayaa amray qaybaha baarista ee hay’adda in baaritaan dhab ah lagu sameeyo kiiska geerida Taliye Bakaal. Wuxuu sidoo kale sheegay in howlgallada dalka looga ciribtirayo Khawaarijta laguna bartilmaameedsanayo horjoogayaasha Khawaarijta uusan joogsan doonin xanuun kasta oo soo gaara geesiyaasha u taagan difaaca dalka iyo dadka.

01/12/2022

Baadida Ninbaa kula daydaya Daalna Kaabadan e oo'aan Dooni inaad Heshaa Daayin Abidkaa e.

29/10/2022
28/08/2022

DALKU IYO DADKUBA ISKU DUUBNI BAA DHAQADA ,

TOL YEELKIIS BAA DHAQDA.
ALLOW DALKA NOO WANAAJI

Address

Dhuusamarreeb
000

Telephone

+252615017801

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Hassan Sheikh Mohamed posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to Hassan Sheikh Mohamed:

Share