16/07/2023
Mahad-celin
Aniga oo ku hadlaya Magaca GOLE RESEARCH AND CONSULTING FIRM Waxaan mahad ballaaran iyo bogaadin u dirayaa cidkasta oo qeyb ka aheeyd qaban-qaabadi ama ka qeyb-gashay madashi ku sunta-neeyd "QORSHEEYNTA MAGAALO CASRI AH AMA QAABEEYNTA MAGAALOOYINKEENNA MUSTAQBALKA" (the contemporary urban planning: shaping our future cities) ee GOLE RESEARCH AND CONSULTING FIRM soo agaasintay, laguna Qabtay Qasriga D.hoose ee dhusamareb, Galmudug.
Mahad-celin gaar ah
CIIDANKA POLICE-KA
Waxaan si gaar ah ugu mahad-celinayaa saraakiisha iyo dab-leeyda Ciidanka Police-ki saacadaha badan dabeeysha, boorka iyo qabowga u taagnaay sugidda amniga goobta aan shaqada ku qabsannay, run ahaanti ciidanka police-ku waxa ay noo muujiyeen Ixtiraam weyn, masuuliyad iyo hawl-karnimo aan qoraal lagu koobi karin.
Taliyaha iyo T/xigeenka Saldhigga dhusamareb Capt. Nur Cilmi iyo mustaf iyo sidoo kale Taliye Qalbi A. Ali oo hagar la,aan iyo shuruud la,aan nagu garab istaagay shaqada, goobjoog na ka ahaay madasha ayaan si gaar ah mahad iyo bogaadin u dirayaa.
MAAMULKA CAASIMADDA
Markale, Aniga oo ku hadlaya Magaca Mil-kiilayaasha GRC, waxaan mahad ballaaran u celinayaa maamulka Caasimadda oo uu ugu horreeyo Gud:Abdirahman Ali Gedaqorow, G/x: Abdisamad S. Aadan iyo Xog-haye: Abdisalam Caabbi iyo sidoo kale Agaasimyaasha, shaqaalaha D.hoose iyo golaha deegaanka oo gogosha shaqada lagu qabtay noo fidiyay, isla markaana nagu garab istaagay shaqadi iyo waxkasta oo madashi noo bilay.
Sidoo kale, Waxaan u mahad celinayaa madaxdi iyo Shacabki ka soo qeyb-galay madasha, gaar ahaan madaxdi madasha kala kicisay sida wasiir Abdi waayeel, Wasiir Kh. Abdi yusuf, wasiir Tuur-birre, gud: Xaajiyo Xaalima yareey iyo dhammaan madaxdi kale.
Ugu danbeeyn, waxaan mahad aan qoraal iyo Qowl toona lagu koobi karin u dirayaa sxbky Bashir Ali Hashi oo aqoontiisa, aragtidiisa, garashadiisa iyo waqtiga uu noo huray awgiis u suurta-galay barnaamijki doorka ahaay ee GRC qabatay, kuna soo bandhigay cashar dhuuxa galay, dadka reer Galmudug na dhaxal u noqon-doona inshallah.
Waxaan u cudur daaranayaa, isla markaana raalli-gelinayaa madaxda iyo shaqsiyaadka mudan ka ah ee aanan qormada ku xusin.
Mahad-sanidin dhammaan