28/06/2025
Ruushka, ayaa awood u yeeshay inuu la wareego keydka macdanka lithium-ka ee Ukraine oo gaaraya 100 acres kuna yaalla deegaanka Shevchenko ee bariga Ukraine , halkaa oo loo aqoonsanyahay mid ka mid ah goobaha ugu weyn Yurub ee laga helo macdantan muhiimka ah ee lithium-ka, oo waqtigan ka mid ah khayraadka ugu muhiimsan ee ay ka dhalanayso tartanka ay quwadaha ugu jiraan, maaddama macdantan loo adeegsado soo saarista baytariyada gaar ahaan kuwa gaadiidka korontada ku shaqeeya, qalabka elektaroonigga ah iyo nidaamyada kaydinta tamarta, sida uu ku warramay wargeyska New York Times.
Fiiro gaar ah;
Ukraine , inay luminayso dhulkeeda khayraadka leh , waxay halis ku tahay inay waydo taageerraya reer galbeedka, gaar ahaan Mareykanka wuxuu doonaya macdanta lithium-ka, si uu taageerro u siiyo Ukraine.