Diirshe business Group

Diirshe business Group wll sodhowaaw like iisaar

24/08/2025

TALOOYIN KU ANFICI DOONA!
(Arrimo aan gadaal ka fahmay!)
====
(1) Dadka ha kula kaftamin (rag iyo dumar-ba) wax cillad muujin kara oo ku saabsan muuqaalkooda, dabeecaddooda, nasabkooda iwm. Laga yaabee inuu qofku kuu dhoollla caddeeyo isagoo qalbiga ka gubanaaya. Waxaa jiri kara eray aad iska tuurto (tusaale weershe, jiis, damiin, gaabeey, shuluq, reer hebel....) adigoo aan xummaan ula jeedin, laakiin qof-ka xanuunjiya, in badanna laabtiisa kusoo noqnoqda.
======
(2) Dadka haddii aadan anfici karin ha dhibin. Haddii aadan ka farxin karin ha murjin. Haddii aadan wanaaga fali karin xumo ha falin. Tusaale waddada haddii aadan qashinka yaalla ka qaadi karin adigu qashin ha ku tuurin. Ogow wanaagga ama xumaha aad samayso ugu dambeyn adiga ayay kugu soo noqon doonaan. Hubi inaad wanaag tacbato si aad wanaag u gurato!
======
(3) Yeysan ku sirin fursadaha aad maanta haysato iyo dad-ka garabkaaga taagan. Adduunku xaalad kuma nagaado!, ma ogid dadka maanta ku garab taagan inaad berri wada joogi doontaan! Fursadaha waqtigooda ka faa'idayso, oo naftaada u diyaari inaad isku filnaato. Waxaa badan kuwo u shallaaya fursadihii ay dayaceen, markay talo fara ka baxdo ka dib. Fursadaha ugu qaalisan looguna dayaci ogyahay waa dhallinyaranimada, caadimaad-ka & waqtiga.
======
(4) Qofna ha u sheegin sirtaada xasaasiga ah, haddii aysan jirin duruuf daran oo kugu kallifaysa! (gaar ahaan aad uga digtoonow saaxibbada aad waqti yar uun istaqaannaan). Sirtaadu waxay sir kuu tahay inta aysan afkaaga ka bixin! Gaar ahaan aad uga taxaddar farrimaha aad dadka kula wadaageyso group-yada, & baraha bulshada.
======
(5) Intey goori goor tahay kala shaandhee saaxiibbadaada. Qaanado u kala sameyso. Mid aad xiriirkiisa joogteyso, mid aad xiiirkiisa yareyso & mid aad ka cararto! Hakuu kala noqdeen mid kaa anfaca guushaada adduun iyo aakhiro, mid aan ku anfaceyn laakiin aan ku dhibeyn, iyo mid facaa kaa reebi doonaa haddii aadan deg-deg uga harin!
=======

Waligaa ha ka xishoon in aad qabato shaqo fiican oo daboosha baahida noloshaada kaana ilaalisa inaad gacmaha hoorsato. N...
28/06/2025

Waligaa ha ka xishoon in aad qabato shaqo fiican oo daboosha baahida noloshaada kaana ilaalisa inaad gacmaha hoorsato. Ninka ragga ah wuxuu ku faanaa, ugu yaraan, in uu quudin karo naftiisa iyo inta hoostiisa joogta.
Shaqadu waa sharaf. Qabo oo ku faan. Haddii ay noqoto dhisme guri, meherad yar oo aad furato, riixid gaari-gacan, shiilid baradho, dawaar (harqaan) ama ganacsi yar leedahay, haddii ay tahay lacag aad si xalaal ah ku kasbatay, u qaado sida bilad sharaf qoorta kuu suran. Ha u ogolaan dadka nacasnimadu ka buuxdo inay kugu ceebeeyaan. Ninka waxaa lagu ixtiraamaa waa dadaalkiisa & dadnimadiisa.

Caajiska & wahsidu waa cadowgaaga ugu weyn. Dad badan ee internet-ka iska dhiga wax kale waa sabool, shaqo la'aan, kuna faana wax aan jirin. Ma laha dakhli joogta ah, ma shaqeeyaan, mana haystaan sharaf, haddana waxay caayaan dadka daacadda ah ee hawlaha adag ka shaqaynayay. Waxay ka xishoodaan inay shaqeeyaan, balse k**a xishoodaan inay baryaan saaxiibadood, ehelkooda iyo xitaa dad aanay aqoon si ay u helaan wax ay ku cunaan ama ku xaragoodaan.
Si fiican u dhagayso: Haddii qofku is dhaho shaqo ma qaban kartid oo uu iskala weyn yahay, balse uu shaxaadi karo dadka, ma laha sharaf, ee wuxuu ku noolyahay khiyaali.
Qaado Mas’uuliyadda noloshaada. Shaqee xitaa haday noqoto in aad ilmo guri ugu tagto oo wax barto, School hal qol xitaa furato, ama qabato boqolaalka shaqo kale ee jira. Ha ku tashan cidna aan Alle ka ahayn. Ka billow barta aad joogto, ku billow waxa aad haysato xitaa haddii aadan lacag haysan, waxaad haysataa xoogaaga, gacmahaaga, maskaxdaada. Tujaar badan waxay ku bilaabeen Go’aan ay gaareen & hal tallaabo ay horay u qaadeen.

Share – la wadaag Asxaabtaada
Farah Cawaash

27/02/2025

--Sirtaada Waa Noloshaada – Ha Siinin Qof Walba!--

Ha ka dhigin noloshaada mid qof walba ogyahay! Dadka ku hareeraysan dhammaantood kuuma wanaagsana, qof walba laguma kalsoonaan karo. Xasadka, khiyaanada, iyo dhagarta waxay inta badan kaaga yimaadaan kuwa kugu dhow, gaar ahaan kuwa og xogtaada gaarka ah.

Xusuuso:

•Qofna ma xadi karo hantidaada ilaa uu ogaado faahfaahinta gurigaaga.
•Qofna ma curyaamin karo mashruucaaga ilaa aad la wadaagto sirtaada.
•Qofna ma dhagarayn karo qoyskaaga ilaa uu noqdo qof si joogto ah u soo gala gurigaaga.
•Qofna ma garan karo meelaha aad ka liidato ilaa uu si dhow kuu barto.

Sirtaadu waa maxbuus aad adiga hayso, balse marka aad hadasho, adiga ayaa noqonaya maxbuuskeeda! Waxaa jira dad muuqaal ahaan kuu muujinaya saaxiibtinimo iyo wanaag, laakiin gudaha ay kaga jirto xaasidnimo iyo dan gaar ah. Xitaa kuwa aad u malaynayso inay kugu dhow yihiin, waxay leeyihiin dad iyaga u dhow—marka ha filanin in sirtaada ay xajiyaan haddii adigu aadan xajin karin.

Ma laguu sheegay? Dadku ma lahan damaanad joogto ah, waana isbeddelaan! Qof aad maanta u malaynayso inuu yahay qofka kugu dhow, wuxuu berri noqon karaa qofka aad ka digtoon tahay, maxaa yeelay mar ayaad u bandhigtay sirahaaga, daciifnimadaada, iyo noloshaada gaarka ah.

Haddaba, Samee Xuduudo

✔️ Ha noqon qof si sahlan u sheega sirtiisa.
✔️ Ha u sheegin arrimaha qoyskaaga qofna, maxaa yeelay qoyskaaga adiga ayey kuu yihiin qoys —dadka kalena waa u dad shisheeye.
✔️ Ha weydiisan qof talo haddii aad hubto in aad guuleysan karto. Talada dadka qaar waxay noqon kartaa dabin.
✔️ Ha u oggolaan farxadda inay kaa dhigto qof aan xad lahayn, hana u oggolaan murugada inay kaa bixiso waxyaalaha muhiimka ah.
✔️ Xakamee carrabkaaga marka aad xanaaqsan tahay, xakamee deeqsinimadaada marka aad faraxsan tahay.

F.G. kugulama talinayo inaad dadka ka go'do ama aad xiriirkooda jarto, waayo dadka oo dhan ma wada xumaa, mana wada khiyaano badna. Laakiin si aad naftaada u dhowrto, waa inaad garataa xuduudaha aad la yeelanayso dadka kugu hareeraysan. Naftaada xafid, sirtaadana yaysan noqon mid qof walba kawarqabo!

Usame Qiyasle

12/05/2024

Kadigtoonaw

01/05/2024

Marka aad kala dooraneyso Aadame, il gaar ah ku fiiri qodobadaan:

1) Sunnada abuurka ayaa ah kala duwanaan, mana jiro labo Aadame ama ka badan oo dhinac kasta iskaga mid ah;

2) Ha ku daalin raadinta qof dhinac kasta ka fiican, maxaa yeeley maba jiro qof wada fiican ama wada xun (cillad leh). Aadame kasta wuxuu leeyahey wanaag iyo xumaan (cillad), balse waxaa kala duwan meelaha ay kaga jiraan qofka iyo heerkooda;

3) Haddaad isku daydo inaad qof wada fiican hesho, waxaa kuu muuqanaya qof kugu cusub oo aadan baran, taasna micnaheedu ma ahan inaad heshey qof wada fiican ee waxaa kuu dhimman barashadiisa;

4) Marka aad kala dooraneyso labo Aadame ama ka badan waxaa fiican in aad ku miisaanto, il gaar ahna ku fiiriso; Ammaanada, Caddaaladda, Daacadnimada, Aqoonta, Waaya-aragnimada, Hiigsiga, Fahamkiisa waajibka loo igmanayo iyo xaaladda taagan, Kartida, Farsamada, dhaqanka, Ilaalinta ballanta, gacan-furnaanta (deeqsinimada), go’aan qaadashada, iyo sida uu u dhaqey gurigiisa.

Nabiga CS oo noo ah kudayashada ugu fiican, waligiis xil uma dooran;

1) Addoon la leeyahey
2) Tuug aan ammaano laheyn
3) Mid go’aan jilicsan iyo mid waalan
4) Mid ku fashilmey gurigiisa
5) Qof cusub oo aan la garaneyn
6) Bakhiil iyo Beenloow
7) Mid fudud iyo caruur aan maskaxda ka korin.

Haddaad qofka ku doorato dan gaar ah, waxaa laga yaabaa inaad dantii gaarka aheydna ka wayso, tii guudna la waayo, taas oo micnaheedu yahey meel kuu badbaadey ma jirto. Sidoo kale haddaad caro iyo naceyb wax ku doorato waxaa suurtagal ah inaad col u gasho ood calaacal ku danbeyso.

Inta aadan Labo Aadame ama ka badan kala dooran, maalin ama saacado naftaada fursad u hel aad la fakarto, kana fogoow asxaabtaada laga yaabo in ay saameeyaan go’aankaaga.

Inta aadan wax dooran istikhaareyso, Allana tala saaro, sedax jeer neefta si xoog ah u qaado kadibna iska saar oo nafis, waxaa laga yaabaa in cudur kugu jirey uu soo raaco neefta, sidaasna aad ku hesho go’aan caafimaad qaba.

Ugu danbeyn marka aad labo Aadame ama ka badan kala dooraneyso, ka digtoonoow inaad hoos doorato. Ogoow qofka iyo hooska waa kala duwan yihiin. Waxaa qoray Kofi Adam

28/04/2024
25/09/2023

Jiilka manta nool dareenka dadkii 60 nolaa mid lamida bey necaawda xoriyada iyo halganka la daremayaan.

02/01/2023

Ha isdhiibin

Address

Gaalkacyo

Telephone

+252618013801

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Diirshe business Group posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to Diirshe business Group:

Share