24/07/2022
Fabian Doris oo ah gabar 20 jir ah oo u dhalatay dalka Jarmalka ayaa qaadatay diinta Islaamka, xaflad soo dhoweyn ah ayaa loogu sameeyey magaalada Gaziantep,iyadoo ka hadlaysa sababta Islaamideeda waxay tiri sidan .
" Maanta waxaan ahay qof dib u dhashay,Magacaygiina waxaan u bedeley Siira,Mudo shan sano ah ayaan baarayey Diinta islaamka,Quraanka kariimka ah ayaan ka bilaabay,Runtii Quraanku waa Mucjiso,wuxuu ka kooban yahay Aqoon ,taariikh,Caafimaad,Xalka mashkilad kasta iyo Tusaalooyin Nolosha aduunka iyo aakhiro la xiriira .
Sidoo kale Quraanku meelaha qaarkood dadka ayuu maskaxdooda dhisayaa oo inay fekeraan ayuu farayaa ,marna Dadka ayuu hal xiraale u dirayaa,Kumana jiraan wax iska hor imanaya,Waxaa kaloo aan layaabay sida Quraanka oo intaas oo sano kahor soo degay uu hadana sheegayo wax Kastoo saynisku sugay,Quraanku waa Mucjiso .
Waxaan Diraaseeyey Noloshii Nebi muxamed SCW,Layaab kale ayaan kala kulmay Noloshii Nebi maxamed ,Dhaqankiisa oo dhan ayaa ahaa mid xiiso leh ,Waxaa ii soo baxday inuu ahaa Qof Naxariis badan oo isku Darsaday Caqli badni ,run sheeg ,Cadaalad Dedaal,Dulqaad iyo dhimrin,Waxyaabo badan oo uu horey u sheegay ayaa laga qaatay oo maanta dunidan xeerar u ah ,sida Heshiiska Geneva Convention .
Waxaa cajiib ah inuu Nebi Maxamed SCW xiligiisii uu haystay Technology ka horumarsan tan maanta, sababtoo ah Nebigu meel aanuu joogin oo qiyaastii kun Km ujirta ,dagaalka ka Socda ayuu toos u daawanayey isagoo gurigiisa jooga,Markaasuu dadka la jooga usoo tebinayey sida Dagaalku u socdo.
Isagoo oranayey Hebel waa shahiiday oo la dilay,Calanka hada waxaa qaaday hebel ,isna waa la dilay oo waa shahiiday ,Tv k**a uu daawanayn ,internetna ma uu haysan ,Runtii waa wax Cajiib ah .
Allah ayaa garabkiisa ahaa oo la jirey,Qof ka wanaagsan dunidan ma soo marayo ,Sababtoo ah ilaa maanta malayaayiin Qof oo aan weligood arkin ayaa naftooda ka jecel,Waa darajo u gaar ah oo aanuu helin Shakhsi kale .
Waxyaabaha aan ka bartay taariikhdiisa aniga indhaha ayay ii furtay,sababtoo ah maanta waxaan ogaaday Micnaha dhabta ah ee nolosha,Nebi maxamed SCW maanta qof aan ka jeclahay majiro,Waxaan rajaynayaa inaan Janada kula kulmo "