Juba Real Estate,Online Market & Logistics

Juba Real Estate,Online Market & Logistics Contact information, map and directions, contact form, opening hours, services, ratings, photos, videos and announcements from Juba Real Estate,Online Market & Logistics, Business service, HANTIWADAG, Garowe.

17/08/2026

๐Ÿข 3 HEER OO GANACSATADA AH โ€” AQOON, KHIBRAD IYO LA-TALIN
Ganacsade kasta wuxuu leeyahay heer aqoon iyo khibrad oo u gaar ah. Laakiin hal arrin ayaa la wada leeyahay: ganacsi guuleysta wuxuu u baahan yahay aqoon, qorshe, iyo talo sax ah.

๐Ÿ”น 1๏ธโƒฃ Ganacsade Khibrad Leh โ€” 20%

Waa qof si wanaagsan u fahamsan suuqa, maamulka, qorsheynta, suuqgeynta iyo sida loo qiimeeyo fursadaha iyo caqabadaha ganacsiga.

๐Ÿ”น 2๏ธโƒฃ Ganacsade Heer Dhexe ah โ€” 50%
Waa qof leh aqoon aasaasi ah iyo khibrad soo koraysa, balse weli u baahan talo, hagid iyo la-talin si uu ganacsigiisa uga dhigo mid nidaamsan oo kobca.

๐Ÿ”น 3๏ธโƒฃ Qof Ganacsi Bilaabaya โ€” 30%

Waa qof doonaya inuu ganacsi bilaabo ama horumariyo, balse aan weli haysan aqoon iyo khibrad ku filan. Waxa muhiim u ah inuu helo la-talin, qorshe cad iyo hagid xirfadeed ka hor inta uusan qaadan goโ€™aanno waaweyn.

๐ŸŽฏ MAXAA MUHIIM AH?
Ha ku tiirsanaan fikirkaaga oo keliya.
La-talin wanaagsan + qorshe sax ah + fulin joogto ah = ganacsi kobca.

๐ŸŒ JUBA REAL ESTATE, ONLINE MARKET & LOGISTICS CONSULTANCY
Shirkaddeennu waxay bixisaa adeegyo badan oo ganacsi, suuqgeyn, hanti ma-guurto ah, logistics iyo consultancy ah, iyadoo ujeeddadeennu tahay inaan ka caawinno ganacsiyada inay koraan, nidaamsamaan, suuqooda ballaariyaan, una shaqeeyaan si xirfad leh โ€” Everywhere.

๐Ÿ”น Real Estate Services โ€” Iibin, kirayn iyo adeegyada la xiriira hanti ma-guurto ah
๐Ÿ”น Online Market Services โ€” Iibka iyo suuqgeynta online-ka
๐Ÿ”น Logistics Services โ€” Gaarsiin iyo adeegyo xamuul oo hufan
๐Ÿ”น Business Consultancy โ€” La-talin iyo hagid ganacsi oo xirfad leh
๐Ÿ”น Business Growth & Development โ€” Kobcinta, horumarinta iyo nidaaminta ganacsiyada
๐Ÿ”น Digital & Marketing Services โ€” Suuqgeyn iyo kor u qaadista muuqaalka ganacsiga
๐Ÿ”น Iyo adeegyo kale oo badan oo ganacsi โ€” Everywhere

โš ๏ธ Fiiro gaar ah:

Juba Real Estate, Online Market & Logistics Consultancy ma bixiso maalgelin lacageed, mana aha bangi ama hayโ€™ad maaliyadeed. Waxaan diiradda saarnaa adeegyo, la-talin, horumarinta iyo kobcinta ganacsiyada.
๐Ÿš€ Haa shirkaddeennu waxay si gaar ah diiradda u saartay kobcinta ganacsiyada โ€” Business Growth & Development โ€” Everywhere.
Aqoontu waa furaha.
Qorshuhu waa jihada.
La-tashiguna waa hagaha.

04/08/2026
03/08/2026

The public interest is being sacrificed for individuals. If leadership positions were truly entrusted to serve the people's welfare, many things would improve. Unfortunately, in many places, public office is pursued for salaries, personal wealth, and prestige rather than to ensure that the most qualified and deserving person is appointed.

You may see a woman who returned from abroad after leaving behind her husband, children, and parents, and who is not known for the religious or moral standards expected of someone in public service.

Despite this, she comes to Somalia seeking a high-ranking position and is eventually appointed to one.

Likewise, you may see a man who neglected his responsibilities toward his family, failed his children, and did not care for his wife or parents. Even after all that, he seeks a senior government positionโ€”and is given one.

The focus is often not on a person's suitability or competence.

Instead, personal interests take priority: "Give them the position so they can benefit us tomorrow or stand by our side." In this way, favoritism and injustice are allowed to prevail.

But what will the outcome be? In the end, there will come a day of regretโ€”a day when everyone will deeply regret their actions, but by then, regret will no longer be of any benefit.

People should earn positions through their character, integrity, and qualificationsโ€”not through personal interests, favoritism, or connections.

03/08/2026

Maslaxadda umadda qof baa loo dhibayaa. Haddii xilalka loo qaban
lahaa adeegga maslaxadda shacabka, wax badan ayaa hagaagi lahaa. Nasiib darro, meelo badan waxaa loo aadaa mushahar, hanti urursi iyo magac raadis, halkii laga eegi lahaa qofka ku habboon xilka iyo inuu u qalmo.

Waxaad arkaysaa gabar qurbaha ka timid oo ka tagtay ninkeedii, carruurteedii iyo waalidkeedii, diinta iyo akhlaaqdii laga filayayna aan lagu aqoon. Iyadoo xaaladdaas ku jirta ayay haddana u timaaddaa Soomaaliya si ay xil u raadiso, ugu dambayna waxaa la siiyaa kursi sare.

Sidoo kale waxaad arkaysaa nin dayacay masuuliyaddii reerkiisa, carruurtiisii lumisay, xaaskiisii iyo waalidkiisiina aan daryeelin. Intaas oo dhan ka dib ayuu haddana raadinayaa kursi sare, waana la siiyaa.

Looma fiiriyo qofka ku habboon ama kartidiisa. Waxa keliya ee la eegaa waa dan gaar ah: "Kursiga ha loo dhiibo, berri wax ha noo qabto, ama garab ha noo noqdo." Sidaas ayaana dulmiga loogu hiiliyaa.

Laakiin maxaa ka dambayn doona? Ugu dambayn waxaa iman doonta maalin qoomamo, maalin qof walba uu farta dhexda ka qaniini doono, balse markaas qoomamadu waxba tari mayso.

Dadku sifooyinkooda ayay ku mutaystaan xilalka, ee ma aha dano gaar ah ama isxigxigsi.

02/08/2026

4 Su'aalood oo Ganacsi kasta Guul u Horseeda
๐Ÿ’ฐ 1. Sidee loo maamulaa lacagta?

Samee miisaaniyad cad.

Kala saar dakhliga iyo kharashaadka.

Keydi qayb ka mid ah faa'iidada si ganacsigu u koro.

๐Ÿš€ 2. Sidee loo bilaabaa ganacsi?

Dooro fikrad xal u ah baahida dadka.

Samee qorshe ganacsi.

Bilow si yar, kadibna si tartiib ah u ballaari.

๐Ÿ“ˆ 3. Sidee loo yareeyaa kharashka, loona kordhiyaa wax-soo-saarka?

Ka fogow kharashaadka aan muhiimka ahayn.

Adeegso waqti iyo agab si hufan.

Horumari tayada shaqada iyo xirfadda shaqaalaha.

๐Ÿ›ก๏ธ 4. Sidee looga hortagaa dhibaatooyinka ka hor inta aysan dhicin?
Aqoonso khataraha suurtagalka ah.

Samee qorshe ka hortag iyo xalal diyaar ah.

Si joogto ah ula soco xaaladda ganacsiga oo qaado go'aanno sax ah marka loo baahdo.

Ganacsiga guuleysta wuxuu ku dhisan yahay qorsheyn, maamul wanaagsan, iyo go'aanno sax ah.

๐Ÿ“ž Faahfaahin dheeraad ah nala soo xiriir:

WhatsApp: 0907791438
Email: [email protected]

Fadlan nagu reeb faallo, nala wadaag, ama nala soo xiriir haddii aad u baahan tahay la-talin ganacsi.

02/08/2026

๐Ÿš€ 4 Qodob oo Ganacsade Kastaa Ku Gaari Karo Guul Waarta
Ganacsiga guuleysta kuma dhisna iib keliya, wuxuu ku dhisan yahay fahamka iyo qancinta macaamiisha.

โœ… 1. Si fiican u dhageyso macmiilka.

Faham baahidiisa ka hor intaadan xal bixin.

โœ… 2. Qor dhibaatada jirta.

Markaad si sax ah u aqoonsato dhibaatada, waxaad heli kartaa xalka ugu habboon.

โœ… 3. Xallii dhibaatada.

Macmiilku ma raadinayo adeeg ama badeecad oo keliya, wuxuu raadinayaa xal dhab ah.

โœ… 4. Samee Follow-up (Dabagal).

Dabagalku wuxuu dhisaa kalsooni, wuxuu kordhiyaa sumcadda ganacsiga, wuxuuna keenaa macaamiil soo noqda.

Guusha ganacsigu waxay ka bilaabataa fahamka macmiilka, xallinta caqabadihiisa, iyo dhisidda xiriir waara.

Juba Real Estate Online Market & Logistics

La-talinta Ganacsiga
๐Ÿ“ง Email: [email protected]
๐Ÿ“ฑ WhatsApp: 0907791438

28/07/2026

"My mother is my life, my happiness, my best friend, and my everything."

26/07/2026

๐ŸŒณ GREEN MUQDISHO ๐ŸŒณ

Hal Geed, Guri Kasta

OGEYSIIS

Waxaan ku dhawaaqeynaa hindise cusub oo loogu talagalay bilicda, nadaafadda, iyo cagaarinta magaalada Muqdisho.

Himiladeennu waa: โœ… In guri kasta lagu beero ugu yaraan hal geed.

โœ… In goobaha bannaan lagu beero geedo si loo kordhiyo bilicda magaalada. โœ… In la ilaaliyo nadaafadda waddooyinka iyo laamiyada.

โœ… In bulshada, ganacsatada, iyo hay'adaha ay si wadajir ah uga qeyb qaataan horumarinta deegaanka.

Waxaan si xushmad leh u soo dhoweynaynaa cid kasta oo diyaar u ah inay nala shaqeyso, nala wadaagto talooyin, ama taageerto mashruucan.

Aan maanta wada bilowno isbeddelka. Hal geed oo maanta la beero wuxuu noqon karaa hadhka jiilalka berri.

GREEN MUQDISHO
"Hal Geed, Guri Kasta." ๐ŸŒฟ

Address

HANTIWADAG
Garowe

Opening Hours

Monday 09:00 - 17:00
Tuesday 09:00 - 17:00
Wednesday 09:00 - 17:00
Thursday 09:00 - 17:00
Friday 09:00 - 17:00
Saturday 08:00 - 17:00
Sunday 08:00 - 17:00

Telephone

+252907791438

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Juba Real Estate,Online Market & Logistics posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to Juba Real Estate,Online Market & Logistics:

Shortcuts

Share