SBN TV

SBN TV Welcome to sbn Somali Boaracasting Network media.

14/03/2024

Aqalka Wakiilada Mareykanka ayaa xalay si aqlabiyad ugu codeeyay in la meel mariyo sharci horseedi kara in dalka oo dhan laga mamnuuco barta caanka ah ee TikTok, hadii shirkad iska leh maamulkeeda aysan ku wareejin shirkad Mareykanka laga leeyahay.
Xeerkan ayaa Tiktok loogu qabtay muddo lix bilood ah inay kaga hoos baxdo shirkadda la sheegay inay geed fadhiga u tahay ee laga leeyahay Shiinaha, islamarkaana ay isu dhiibto shirkad maxalli oo Mareykan ah si dowladda hantiwadaagga ee Shiinaha galaaliyo xogta muwaadiniinta mareykanka ee isticmaala Tktok.
352 mudane oo aqalka wakiilada ayaa haa ugu codeeyay sharcigan oo ka dhigan halistii ugu weyneyd ee Tiktok soo wajhda tan iyo maamulkii Donald Trump.
Tiktok ayaa waxaa isticmaal qiyaastii 170 milyan oo kamid muwaadiniinta Mareykanka oo dhalinyaro u badan kuwas oo qaarkood ganacsiyi ku dhex heysta. Madaxa Tiktok Shou Zi Chew ayaa sheegay in ilaa 300 oo kun shaqo shaqaale mareykanka jooga ay halis gali doonto shaqadooda haddii laga mamnuuco gudaha dalkan.
Xigasho warbaahinta SBN Television https://www.facebook.com/profile.php?id=61556949615768

Welcome to sbn Somali Boaracasting Network media.

CIIDAMADA MAAMULKA SSC-KHAATUMO OO MAANTA LAGU BILAABAY HANNAANKA DIIWAAN-GELINTA CASRIGA AHCiidamada kala duwan ee Maam...
14/03/2024

CIIDAMADA MAAMULKA SSC-KHAATUMO OO MAANTA LAGU BILAABAY HANNAANKA DIIWAAN-GELINTA CASRIGA AH
Ciidamada kala duwan ee Maamulka SSC-khaatumo ayaa Maanta oo ku beegan 14 March 2024 lagu bilaabay diiwaan-gelin rasmi ah.

Guddiga Diiwaan-gelinta Taliska guud ee Ciidamada SSC-khaatumo ayaa Saaka bilaabay Diiwaan-gelinta dhammaan Ciidamada kala duwan ee Maamulka SSC.

Guddiga qaabilsan Diiwaan-gelinta Ciidamada SSC ayaa laga soo xigtay in ay sidoo kale diiwaan-gelinayaan guud ahaan Hubka iyo Gadiidka Dagaalka ee Ciidamada.

Hannaanka Diiwaan-gelinta Ciidamada SSC-khaatumo ayaa lagu sheegay mid Casri ah oo askari walba xogtiisa oo dhammaystiran loo keydinayo Hab Digital ah islamarkaana Mushaarkiisa toos loogu dirayo.

14/03/2024

Madaxweynihii h**e ee Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, ayaa jeediyey shalay gelinkii dambe jeediyay khudbad uu kaga hadlay xaaladda siyaasadeed ee dalka isagoo si gaara farta ugu fiiqay wax ka baddelka dastuurka ee ay dooddiisa hortaallo labada aqal baarlamaan ee Soomaaliya.

‘‘Waxaan ku talinayaa in arrintan dastuurku ay dadku isku keento ee aysan loo baahnayn inay dadka kala dirto, mana aha laga shaqeeyo wax la isku khilaafi karo, ama khilaafd keeni ama dhibaato keeni kara ama dib noo dhigi kara, haddii beesha caalamku ay na sii dayso in qof walba tuuladiisa iyo xoolihiisii iska raacanayo oo qaranimada sidaas ku baaa’ayso.” ayuu yiri Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

13/03/2024

Midowga Yurub oo Israa'iil ku eedeeyey in ay reer Qasa gaajo u dileyso .

Josep Borrell madaxa siyaasadda Arrimaha Dibadda ee midowga Yurub,ayaa ku eedeeyey Israa’iil in ay gaajo u dileyso dadka reer Qasa ee xabadda ka bedbaaday, isagoo cunaqabateynta lagu hayo maalaayiinta qof ee Qasa ku tabaaleysan ku tilmamay gaajo hubeysan.
Masuulkan ayaa tillaabada la isku hortaagey in gargaar bini’aadamnimo la gaarsiiyo dadka macluulaya ee reer Qaza ku tilmaamay masiibo "dad- ay gacantooda ku sameeyeen".
Hadalka diblomaasiga ugu sarreeya Yurub ayaa ku soo beegmaya xilli Banjamin Netanyahu uu weli u middiyo lisanayo weerar uu ku qaado deegaanka Rafax oo ah mid ka mid ah meeelaha faro-kutiriska ah ee aysn ciidanka Israa’iil weli raafka marin.
Dhinaca kale markab laga leeyahay Spain oo sida cunto gargaar oo aad looga baahan yahay Marinka Qasa ayaa ka soo shiraacday Qubrus, isagoo ku sii jeeda Qasa, lamase oga in uu gaari doono yoolkiisa.

Address

252
Garowe

Telephone

+252907577508

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when SBN TV posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to SBN TV:

Share