Kaarto

Kaarto First modern Somali agency dedicated to bring you the latest tips on time management, motivation, le

Todobo xirfadood oo qofka shaqadoonka ah looga baahanyahay in laga helo.       1. LAFAGURIDAQofka shaqaalaha u baahan wa...
12/01/2018

Todobo xirfadood oo qofka shaqadoonka ah looga baahanyahay in laga helo.


1. LAFAGURIDA

Qofka shaqaalaha u baahan waxaa hubaal ah inuu rabon in mushkilad loo xaliyo ama loo fududeeyo howlo muhiim u ah gabacsigiisa kuwaas oo uusan isagu qabsan karin. Sidaa darteed shaqo bixiyuhu wuxuu doonayaa qof karti u leh inuu yeesho xirfad lafagurineed.

2. XIRIIR WANAAG

Qof kasta oo shaqo doon ah wuxuu niyadda ku hayaa inuu ka shaqayn doono degaan ay iskugu imaanayaan dad farabadan oo kala awood iyo dhaqan ah taasna waxay lagama maarmaan ka dhigaysaa in uu lahaado karti uu kula xiriiri karo dadkaas kala duwan.

3. DAD AQOOD

Qofka shaqo qabanaya waa inuu leeyahay xirfad garasho dadeed sarayso oo uu fahmi karo dadka kala duwan ee la macaabilaya ganacsiga ama hay'ada uu u shaqaynayo.

4. HOGAAMIN

Heer kasta oo ay shaqadaadu joogto xirfadda hogaamintu waa mid lagama maarmaan u ah ganacsiyadda iyo hay'adaha kala duwan haba yaraadeene. Sidaa darteed shaqo doonka waxaa laga rabaa inuu dhiso xirfadiisa shaqo.

5. FURFURNAAN

Qofka shaqa doonka waxaa laga rabaa inuu yahay ruux furfuran oo dhanka wanaagsan marwalba wax ka eega xaalad kastoo jirtana miisaan iyo maamuus ku wajaha.

6. WADASHAQAYN

Qofka shaqadoonka ah waxaa laga rabaa inuu la shaqayn karo kooxo kala gedgedisan iyo xirfadlayaal aqoontooda iyo dhaqankoodu kala duwanyahay. Sidaa darteed waxaa lagama maarmaan ah inuu dhiso awoodiisa la shaqaynta kooxaha.

7. FARSAMO

Farsamooyin badan oo laga rabo ayaa jira balse qofwalba waxaa laga rabaa xirfad qoraal, faham iyo farsamo qalabka casriga ah ee lagu shaqeeyo.

Todobadan qodob haddii aad iska dhistid waxaa hubaal ah inaad shaqo kasta kasoo bixi karto oo aad guul ka gaarayso.



WALAAL SII FAAFI OO GAARSII DADKA KA FAA'IIDEYSANAYA.

Ku dedaal inaad aduunka wax kusoo kordhiso inta aan lagaa kaxayn.Waari mayside war hakaa haro.
13/11/2016

Ku dedaal inaad aduunka wax kusoo kordhiso inta aan lagaa kaxayn.

Waari mayside war hakaa haro.

5 Dabeecadood oo dadka guulaysta leeyihiin:Ogow halka aad ka joogtoAdiga oo su'aalaha ka jawaabaya1. Dadka guulaysta Maa...
10/11/2016

5 Dabeecadood oo dadka guulaysta leeyihiin:

Ogow halka aad ka joogto
Adiga oo su'aalaha ka jawaabaya

1. Dadka guulaysta Maalin kasta waxa ay qabanayaan waa ay qorshaystaan.

Ma qorshaysataa howlahagaaga ka hor inta aadan qaban?
👍Haa
👆Maya

2. Dadka guulaysta marwalba wax ayey akhriyaan.

Maalintii ma akhrisaa ugu yaraan 10 bog oo buugaag kala duwan ah?
👍Haa
👎Maya

3. Dadka guulaysta caafimaadkooda waxay ka dhigaan kaalinta koowaad.

Caafimaadkaagu makuugu jiraa kaalinta koowaad?
👍Haa
👎Maya

4. Dadka guulaysta ma carqaladeeyaan ficilada dadka kale.

Maku carqaladeeyaan ficilada dadka kale ay samaynayaan sida qoyska iyo asxaabta?
👍Haa
👎Maya

5. Dadka guulaysta maalin walba waa u halgan ismana dhigtaan.

Ma is dhigataa waqtiyada qaarkood?
👍Haa
👎Maya

Haddii su'aalaha ugu yaraan 3 aad uga jawaabtay maya wax ka bedel naftaada.

Hoos kusoo qor inta su'aalood aad haa uga jawaabtay siina SHARE garee.

get motivated everyday.

9 hab oo aad waqtigaaga ku horumarin karto kuna siyaadin karto wax qabsigaaga.1. Ha ilaawin waqtiga cibaadada:si waqtigi...
09/11/2016

9 hab oo aad waqtigaaga ku horumarin karto kuna siyaadin karto wax qabsigaaga.

1. Ha ilaawin waqtiga cibaadada:si waqtigi kuugu barakoobo marna ha ilaawin waqtiga Allah ugu talagalay inaad qaadato si aad naftaada u daahiriso.

2. Kala hormarso howlaha:
Marka aad subaxdii soo toosto samayso liis aad ku qorayso shaqooyinka muhiimka ah ee maalintaas aad qabanayso. Si kuwa aan muhiimka ahayn uga fogaatid. Xooga saar shaqada markaas muhiimka ah.

3. Ka fogow dib u dhigashada:
Dib u dhigashada hawshu waa waxa ugu xun ee baabi'iya waxtarnimada qofka. Waxay kuu horseedi karta dhuminta waqti muhiim ah iyo firfircooni aad markaas haystay.

4. Jadwalayso Hawlahaaga:
Shaqooyinka markaas aad qabsnayso qoro oo samayso qaabeeye ama waqti dhowre. Xusuusnow shaqooyinkaagu ha noqdeen kuwo suurto gal ah in la qabto.

5. Iska ilaali jahwareerka:
Jahwareerku wuxuu dhacaa marka aad dusha saarsatid shaqooyin farabadan oo aadan qaban karin. Si aad uga badbaadid jahwareerka shaqooyinkaaga kala basar oo cidii markaas aad is leedahay waa ay kula qaban karaan u kala dir.

6. Samayso waqti go'an:
Marka shaqo kuu taali samayso waqti go'an oo ay macquul tahay inaad gaartid kuna adkayso. Ku khasab naftaada inaad gaarto hawshaada xiligaas go'an.

7. Ka fogow shaqooyinka faraha badan isku marka ah:
Xooga saar hal shay markiiba oo si wanaagsan u qabo adiga oo ka fogaanaya inaad naftaada ku qasabto hawlo aysan qaban karin.

8. Xili h**e bilow:
Dadka Guulaha gaaray waxay halwax ayey ka simanyihiin. Waxay hawlahooda qabsadaan xili h**e si ay waqti ugu helaan baashaalkooda iyo ka fekerida aayahooda.

9. Waqti nasasho qaado:
Mar allaale markaad hesho 10-15 daqiiqo naso. Shaqo badan iyo culasyka badan wuxu naftaada ku siyaadin karaa jahwareerka wuxuuna saamayn karaa awoodaada wax qabadka.

Address

Garowe

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Kaarto posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to Kaarto:

Share