Hibo Bilan hargaysa

Call Directions Contact the business

Hibo Bilan hargaysa follow me back my friends

02/02/2023
Waxaan huguguf leeyaba dhakhsaan ku hor imaadaaye  Sida halo kareebaan saqdhexe soo horanayaaye   Sida ubadku hooyada u ...
02/02/2023

Waxaan huguguf leeyaba dhakhsaan ku hor imaadaaye
Sida halo kareebaan saqdhexe soo horanayaaye
Sida ubadku hooyada u tabo kuu hafeeftamaye
Haddii aanan ku lahayn yartaay kuma haleeleene
Habeenkii yimaadaba lix jeer kuma horjoogeene
Hal abuurka kuumaan tirsheen heeska caashaqa e
Bal hor joogsi daayoo anaan haynin aragaaga
Hareertayda ood joogtid baan ku hami qaataaye
Markaasaan humaagiyo cidlada ku hambalyeystaaye
Hilinkaynu maridoono iyo hooy ku taamaaye
Hagaageena iyo khayr ayaan ku hindisoodaaye
Markaan keligeey haasaawayeen aan isla-hadlaayo
Ayagoon wax hubinoo ogeyn waxa i heeteeyey
Dadku waxay u haystaan inaan dhigay hugaygiiye
Hadaaqa ay wax sheeg-sheegayaan uma haboonayne
Haabkooda may gelin cishqiga hawsha dabataale
Inta uu hadhuuudh-laha ku daray ama hed soo gooyey
Hal-hal tirada waan lagu heleyn tan iyo haabiile
Anigana haduu igu shakalay hadimadiisiiye
Waa waxan hadhuub ugu sitaa hoorka caashaqa e
Waa waxan dhul heegadu martiyo Hodan u geeyaaye
Waa waxan haboow uga jiraa horukac mooyaane
Waa waxan hir-doogliyo caleen ugu horseedaaye

Hadaaa waxa iweydiiso ku dhaho maxa iweydiisan laheed hadaaa Ii bahantahay follow isoo dheh lβœοΈπŸ™πŸ«¦πŸ«¦πŸ«¦πŸ«¦πŸ«¦πŸ«¦πŸ’‹πŸ’‹
29/12/2022

Hadaaa waxa iweydiiso ku dhaho maxa iweydiisan laheed hadaaa Ii bahantahay follow isoo dheh lβœοΈπŸ™πŸ«¦πŸ«¦πŸ«¦πŸ«¦πŸ«¦πŸ«¦πŸ’‹πŸ’‹

Address

Road Number 1
Hargeisa

Telephone

+252634016295

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Hibo Bilan hargaysa posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to Hibo Bilan hargaysa:

Shortcuts

Share