Mohamed Cige

Call Directions Contact the business

Mohamed Cige Entrepreneur | Keynote Speaker The Most Effective Leadership Development Trainer in the Home!

$2,900 oo khasaare ah 2 bilood gudahood, iyo 8 bilood oo aan maalinkasta shaqeynayay 18 saacadood oo xidhiidh ah. Bilawg...
24/09/2026

$2,900 oo khasaare ah 2 bilood gudahood, iyo 8 bilood oo aan maalinkasta shaqeynayay 18 saacadood oo xidhiidh ah. Bilawgaa ugu adag. Qofkii adag baase kasii adag. 👇👇

Enjoy the videos and music you love, upload original content, and share it all with friends, family, and the world on YouTube.

23/09/2026

“Dareenkii walbahaarka iyo shaki gelinta waxanu u sheegaynaa inuu dil toogasho oo degdega ku xukuman yahay…”

Shir jaraa'id baan u qabanayaaye hasoo xaadiraan dareemayaashu. Waqtiga hala ilaaliyo dareemayaal maanta waa laysla xisaabtamayaaye.
Dareenkii quudhsiga ku raaxaysan jirey ee dadka aan jeclayn jeclaan jirey sow ma joogo?
Dareenkii shakiga badnaa ee wax kasta ka shakin jirey ma joogaa?
Dareenkii wahsigu sow ma joogo?
Dareenkii go'aamada khalkhalin jirey sow ma joogo?
Waad is wada garanaysaane dhamaantiin sow ma joogtaan?
Shirku waa inoo bilowday kow dhaha.
Dareemayaal khaatiyaan baan idin ka taaganahay waxan dhibsaday sharci-ka-boodnimada aad kula dhaqantaan caqliga, horta maxaa dhego adayga idiinku wacan?

Xukuumada dareemayaasha maanta wixii ka dambeeya waxba lama weydiinayo. Wadanku waa dowlad keli-talis ah madaxweynuhuna waa caqliga .
Waxan ka digtoonanayaa ceebtii ay ii badeen dareemayaashu, madax adaygii aad iga shaki geliseen baa la dhaqan gelinayaa.

Waxa laga guurayaa wixii xasuus iyo gocasho ah, waxana lagu dhaqmayaa kelmada maya.
Maya maya maya!.

Dareenkii quudhsiga jeclaa waxan ugu bushaaraynaynaa inuu xabsi daa'in ku xukuman yahay. Maanta wixii ka dambeeya dadka dhaqamadooda ayaa lagu dabaqayaa. Qofkii caytama waa laga aamusayaa. qofkii taga waa laga tegayaa. Qofkii kibir ku dhaqma waa la yaraysanayaa. Qofkii laba wajiile ah runtaa loo sheegayaa waana laga dhaqaqayaa.
Mana jiri doonto cid loo cudur daari karo, iyadoon cudur daaran.

Dareenkii xasuusta iyo gocashada waxanu u sheegayna inuu howl gab noqday, shaqadana uu ka fasaxan yahay wixii intaa ka danbeeya, lagamana dhaxli doono jagada.

Dareenkii walbahaarka iyo shaki gelinta waxanu u sheegaynaa inuu dil toogasho oo degdega ku xukuman yahay, sababtuna waa inuu go'aamo guul keeni karayay hor istaagay.

Saxiibkii dareemayaasha ee qalbina wuxu ku xukuman yahay in aanu amar bixin karin, haddii uu awaamiirta caqliga u hogaansami waayana waa laga tashanayaa.

Caqliga oo keliya ayaa ka talinaya madaxtooyadan xataa shaqaale hosaad looma baahnaa.

Ha waaro caqligu.
“Ismalura”.

Qormadan bal faallo ku qiimee sxb.

19/09/2026

Waxkastaa way isbadaleen. Haku xisaabtamin sidii h**e 👉 Hargeisa Networking Night

15/09/2026

Diinta waaqaca lama waafajiyo e waaqaca ayaa diinta la waafajiyaa. Haku dhex hafan mawaadiicda isdiidan ee baraha bulshada dhex wareegaysa. Nuxurka iyo murtidu halkaasay fadhidaa. Waaqicu hadduu diinta khilaafo isagaa fudud. Alle waa xakiim h**e u ogaa oo hadana og waxa dunida ka dhacaya.

09/09/2026

Haddii aanad su’aashan jawaab sugan u haynin war badan baa kuu yaala!

09/09/2026

Clarity doesn’t come before action.

Haddaad leedahay ku dhaca inaad ku riyooto wax dadku ka maadsadaan ama ay u arkaan wax adag laguma dhayalsan karo. Inta ...
07/09/2026

Haddaad leedahay ku dhaca inaad ku riyooto wax dadku ka maadsadaan ama ay u arkaan wax adag laguma dhayalsan karo. Inta awooda inay si dhaba u riyooto ayaa mustaqbalka iska leh.

Weedhan in kooban uunbaa ila fahmi doonta inta kalese yeelkood!

06/09/2026

Eye-Q Optics 2. Where great clients meet. 🫡

Bismillaah. Alxamdulillah. Xalay waxaan si rasmi ah u furnay laantii 2aad ee shirkaddeena Eye-Q Optics . Macaamiisheena ...
04/09/2026

Bismillaah. Alxamdulillah. Xalay waxaan si rasmi ah u furnay laantii 2aad ee shirkaddeena Eye-Q Optics .

Macaamiisheena waxan ugu bushaaraynaynaa in aanu idiinsoo kordhinay adeegyo cusub iyo muraayado u badan brand oo casri ah. Si aad u hesho dhamaan service ka iyo products keena booqo xarunteena 2aad.

📍Ibrahim Dhere Center, Goolada-sare ee Jigjiga-yar.

04/09/2026

Bismillaah. Alxamdulillah. Markale iyo Eye-Q Optics 2.

Address

Hargeisa

Opening Hours

Monday 06:30 - 21:00
Tuesday 06:30 - 21:00
Wednesday 06:30 - 21:00
Thursday 06:00 - 21:00
Friday 16:00 - 21:00
Saturday 06:00 - 21:00
Sunday 06:30 - 21:00

Telephone

+252634501053

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Mohamed Cige posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to Mohamed Cige:

Shortcuts

Share