Fiyoore Official

Fiyoore Official Contact information, map and directions, contact form, opening hours, services, ratings, photos, videos and announcements from Fiyoore Official, Business service, 1999, Hargeisa.

14/12/2022

Tonight, I fully support the Moroccan national team

(USA) in 2002 Last (Cup.) It is still going (Final) to be played on December 18th (Sunday)

W/Q     Mahamed Sidiiq DhammaeHambalyo Xildhibaan Saadiq Cumar Xasan (Joon) iyo Marwadiisa Haybado Ismaacil Cumar Geelle...
08/12/2022

W/Q Mahamed Sidiiq Dhammae
Hambalyo Xildhibaan Saadiq Cumar Xasan (Joon) iyo Marwadiisa Haybado Ismaacil Cumar Geelle, waxaan idiin rajaynayaa badhaadhe iyo Barwaaqo, Somaliland ahanna waxa nagu metelaaya Meherka maanta Muuse Biixi Cabdi,Shacabka yaan beem loo Sheegin Safarkani waa mid dhaqan ma aha mid Shaqo !

Murrashax Cabdiraxmaan (Cirro) ayaa  safar ugu baxay Waddanka Kenya.Musharraxa ayaa Magaaladda Nairobi kaga qayb galaya ...
08/12/2022

Murrashax Cabdiraxmaan (Cirro) ayaa safar ugu baxay Waddanka Kenya.

Musharraxa ayaa Magaaladda Nairobi kaga qayb galaya shir Caalami ah oo ay isugu imanayaan Waddamadda Somaliland ka taageera demuquraadiyadda iyo doorashooyinka.

Madaxweyne Biixi oo jooga JabuutiHalka la fadhiisiyay iyo jawiga uu ku jiro sideed u aragtaa.
07/12/2022

Madaxweyne Biixi oo jooga Jabuuti
Halka la fadhiisiyay iyo jawiga uu ku jiro
sideed u aragtaa.

14/10/2022

Alĺlhe qabriga haw nuuriyo ( Mujahid Qarash )

Beesha Caalamka ayaa Qaadacday Mudo Kordhinta Golaha Guurtidu u Sameeyeen  madaxweyne Muuse Biixi oo labo Sano ah iyo Iy...
05/10/2022

Beesha Caalamka ayaa Qaadacday Mudo Kordhinta Golaha Guurtidu u Sameeyeen madaxweyne Muuse Biixi oo labo Sano ah iyo Iyaga oo Shan Sano Korodhsaday.

Caalamka oo Somaliland Ka Taagera Dhaqalaha Arimaha Doorashooyinka iyo Kaabayaasha Dhaqalaha ayaa Xukuumadda ugu Baaqay inay Doorashada ku Qabato Mudadii Koomishanka Doorashooyinku soo Gubiyeen oo ahayd Sagaal Bilood.

W/Q: Mujaahid Cali Guray SOMALILAND HOGAAMIYE AYAY U BAAHAN TAHAYE UMA BAAHNA TALIYE (COMMANDER ) Cabdiraxmaan Cirro nin...
30/09/2022

W/Q: Mujaahid Cali Guray

SOMALILAND HOGAAMIYE AYAY U BAAHAN TAHAYE UMA BAAHNA TALIYE (COMMANDER )
Cabdiraxmaan Cirro nin jilicsan baa la moodaa. Lama yaabo oo aniga ayaa moodi jiray intii aanan shakhsi ahaan aad isu baranin. Marka h**e waa musharax waxanu ku soo gaadhay siyaasad qabow oo ka duwan tii Muuse Biixi ku guulaystay ee kusiga uu ku soo gaadhay oo qasab iyo jujuub iyo gacan maroojis ahayd. Murtida soomaalida ayaan ka baadhay siyaasadda Cabdiraxmaan ku socdo. Gabyaagii caanka ahaa ee Xuseen Xasan ayaan ka helay gabay uu lahaa. Wuxu yidhi

SUD LIBAAX LEH KAYN BAHAL SALDHIGAY SAYMO LA ARKAAYO
SANQADH-TIRASHADAA LAGU MARAA LAGAMA SOO SAARO
SURYO OODAN MEESHII SULDHO AH SUUL HADAAD GELISO
SI YAR BAA SIDAHA LOO MARSHAA LAANTA LAMA SAYDHO
NINKII MAALINTAA KAA SITA EEN LAGA SED QAADAYNIN
SAWD GIBINA BAA LOO CESHAA LAGUMA SOOYAAMO

Markaa Cabdiraxmaan wuxu siyaasiyiinta kale dheer yahay maca aniga oo Caligurey ah 20 sanadood oo waayoaragnimo diblomaasiyadeed ah. Taas ayaa u suurogelaysay in dad farobadan oo kala dabeecado iyo aragtiyo ah uu isuhayn karo sharka Muuse Biixina iskaga yareeyo. Xadhiga marka uu debcinayo iyo marka uu giijinayo isaga ayaa garanaya. La tashiga intii talo ku biirin karta waa hogaamiye dhegaysta oo aan qofna taladiisa quudhsan. Hadana marka uu go’aan k**a dambays ah qaato wuu ku dhaqaajiyaa isaga oo Allihiisa kaashanaya cid kasta oo kaga hortimaadda saaxiibo xisbi iyo tolba dheg uma dhigo. Waayo marka uu ficil u rogo isaga ayaa loo soo wada noqdaa in uu sax ku ahaa.

Hadii Ilaahay ku guuleeyo 90% waxan filayaa in uu noqon doono Madaxwayne ka duwan Muuse Biixi oo ka hogaamin fiican. Muuse waa Taliye Somalilandna waxay u baahan tahay hogaamiye

Hadaba hogaamiye waxa ugu fiican ka ku dayda sidii Ilaahay faray Rasuulkiisa SCW in uu u hogaamiyo ummadiisa in uu la taahado asxaabtiisa hadii uu go’aan qaatana Ilaahay wakiisho uu talo saarto)

CALIGUREY
HALGANWATCH

30/09/2022

Jimace wangasan dhammaan zaxibadayd aan halkan ka wadda socon

"Muusoow 13 November hadii aad qaban waydo doorasho madaxtooyo kursigu wuu inoo simanyahay, " Musharax Cirro
25/07/2022

"Muusoow 13 November hadii aad qaban waydo doorasho madaxtooyo kursigu wuu inoo simanyahay, " Musharax Cirro

Alle ha u naxariisto Sheekh Aadan Siiro, oo ka mid ahaa Cullimada ugu caansan Soomaalida ayaa goordhawayd ku geeriyooday...
14/07/2022

Alle ha u naxariisto Sheekh Aadan Siiro, oo ka mid ahaa Cullimada ugu caansan Soomaalida ayaa goordhawayd ku geeriyooday waddanka Hindiya.

Mustafe Adam, ayaa xaqiijiyay geerida Sheekha.

Gudaha ciidamada maxaa ka socda?Shan bilood ka hor shan askari oo ka tirsan ciidanka booliska oo dhigta Jaamacadda Alpha...
21/06/2022

Gudaha ciidamada maxaa ka socda?

Shan bilood ka hor shan askari oo ka tirsan ciidanka booliska oo dhigta Jaamacadda Alpha ee Hargaysa ku taalla sheeko ayaa ku dhacday. Kulliyadda sharciga ayey dhigtaan askartu. Maalin maalmaha ka mid ah ayey Cabdiraxmaan Cirro waddada Biibsiga kula kulmay. Salaan kaddib waxa ay wayddiisteen in uu ka bixiyo simistar lacagtii. Waxbarashada iyagaa iskood u galay oo dawladdu uma dirin, mushaharka ay qaataanna ma wada daboolayn nolosha qoysaskooda iyo waxbarashada oo waxbarashada xiniinyo iyo dadaal nin shaqsigiisa ah bay ku wadeen. Cirro askartii ama ardaydii wuxuu ZAAD ugu diray lacag kun doollar ah ($1000). Arrinta waxa ay u sheegeen askari kale oo si saaxiibtinimo ugu sheegeen in ay Cirro soo shaxaadeen.

Maalmihii muddaharaadka ayaa askartii kale ee sheekadu gaadhay, qiyaastii kuwo ka hinaasay dadaalka ay raggaasi si iskood ah u wadaan, u gaadhsiiyeen Taliye Dabagale.

Akoonnadoodii ZAAD-ka haddii la soo baadhay musharrax Cirro in ay lacagtaa ka heleen askartaasi baa caddaatay. Markaa kaddib arrintii weji kale ayaa loo yeelay waxaanay noqotay xajar siyaasi ah. Arrintii waxa laga dhigay in askartani mucaaridka lacag kaga soo qaateen kala qaybinta ciidanka. Dabagale xogtii iyo waraaqihii ZAAD-kii ee la soo daabacay waxa loo geeyey madaxweynaha.

Madaxweynaha sida dhabta ah ee wax u jiraan wax loogu ma sheegin sidan dambe ayaa loogu macneeyey. Muuse Biixi madaxa ayaa cadho darteed xanuunay. In la ruqseeyo oo ciidanka laga saaro ayuu madaxweynuhu amray, laakiin raggii arrinta ka soo shaqeeyey baa taladaa ka hor yimi, iyaga oo ku macaaneey in askartani saxaafadda la hadli karaan oo arrintu sii fogaan karto ciidanka intiisa kalena saamayn karto. Ugu dambayntii waxa la isla qaatay in la xanuujiyo shanta askari oo beddel-ciqaabeed gobollada kale loogu beddelo; qoysaskooda iyo waxbarashadaba in laga fogeeyo.

Afar cisho ka hor ayey soo baxdeen waraaqihii beddelkooda oo lagu qoray Boorama iyo Saylac.

Shanta askari afar ayey Cirro inku ha

Taliye is-casil .26 March 1969 doorashadii ka dhacday Jamhuuriyadii Soomoaliya, oo ahayd doorasho musuq iyo b**b ku sifa...
18/06/2022

Taliye is-casil .

26 March 1969 doorashadii ka dhacday Jamhuuriyadii Soomoaliya, oo ahayd doorasho musuq iyo b**b ku sifaysan, taas oo ay hoggaanka u hayeen Abdirashid Ali Sharmaarke iyo Ina Cigaal, ayaa Waxa dhacday in b**bkaas iyo musuqaas ay ka dhashaan muddaharaado iyo muranno siyaadeed.

Kadibna Ciidamada Booliska iyo Millatarigu waxa ay gacan bir ah u adeegsadeen shacabkii mudaharaadayay, iyaga oo adeegsanaya xabbad nool iyo qori caaradii .
ceebtaasi kolkii ay dhacday waxa is-casilay brigadier-General Mohamed Abshir Muse oo ahaa Taliyihii Booliska ee jamhuuriyadii Soomaaliyeed. Markii damiirkiisu u adkaysan waayay, falalkii foosha xumaa ee ay ciidamadu gaysteen.

Imika bannaanbaxii Somaliland ka dhacay 9 june, ciidamada police-ku wax ay gaysteen tacadiyo aad u qaab darran oo bani aadantinimda ka baxsan. Waxa ay Suuqa ku dhex garaaceen biri ma gaydo tiro badan. waxa ay si cad oo badheedh ah u toogteen xildhibaannadii qaranka ee xasaanada lahaa.

Si arxan darro ah ayay dhaawacyo waaweyn ugu gaysteen madax, caruur, haween iyo shacab si nabad ah bannaanbax u samaynayey, iyaga oo xabbad nool la dhacay. Waxa ay xidh-xidheen madaxdii mucaaradka ee abid ugu badnayd. waxa ay isku day dil kula kaceen Murashaxa iyo gduuomiyaha Xisbiga Waddani.

Waxaa soo dhan waxa gaystay Ciidamada Booliska Soomaaliland ee u taliyaha u yahay Generel Maxamed Aden Saqadhi Dabagale wax tallaabo ahna k**a uu qaadin fadeexadda ciidankiisu gaysteen.

Taliyuhu haddii uu in yar uun damiir, dadnimo iyo diirnax leeyahay, maanta ha iscasilo, sidaas baa u sharaf badan. Waxa uu noqon doona nin ceebtaas waligii ku suntanaada ama nin ka dhiidhiya oo cadeeya in aanu ceebta la qabin ciidankiisa.

Abdifatah Guunje .

Address

1999
Hargeisa

Telephone

+252634365936

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Fiyoore Official posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to Fiyoore Official:

Share