04/02/2023
Waa an idin wada salaamay, Soomaaliyeey, meelkasta oo ad dunidan kaga kala sugantihinn, maanta oo Isniin ah, bisha januaray 30 tahay. Muddo isma aynnaaan maqal. Waa an idinka mashquulaay. Kollay waxa uun aaan ku mashquulasnaa wax khayr ku jiro. Maanta oo ay shaqadu iska tahay fogaan arag, waxa uun wax-ku-ool ah ayaan ku eeddanaa oo iga kiin xayiray. Dalal dhawr ah ayan isku maray intii aan idinka maqnnaa. Aniga mar walba madaxayga ayaad ku jirtaan. Adduunyada maraka aad waddan kale tagto ee aad warbaahintooda akhrisato, amma dhegeysato, amma dalka marmarto, ee ad aragto shaqada, dhismaha iyo hore-u-marka ka socda ee aad garabdhigto kuweennaa oo dagaal, abaar iyo ooda- lulul, belaayo, jab iyo hoog, keliya iyo “annaga” ka sheekeynayaa, sow su’aalo isweyddiin meysid “ toloow maxa naga si ah? Intee ay sidan ku sii socon kartaa? iyo wax la mid ah???. Khayr ayaan Alle SWT ka baryennaa iyo nabad.
Aan idiin soo gudbbiye maanso gaaban: CALAF, waa waanso, isugu jirta cannaan, walaac iyo wax-is-weyddiin. Wixii khalad ah, amma deylqaaf ah, fadlan ii cudur daara. Waana an idinka raalli gelinayaa. Maalintiinno ha idiin samaato in Shaa Allah.
Dr. Abdirahman Beileh
Heestii Calaf
30/01/2023
Hadday cimiladu dayowdey
Cirkaad ka filaysey roobka
Inuu curto naawileysey
Haddii laga waayey caad
Amma u kugu keenay ciiro
Cawriir kugu soo fajaasay
Weelkaad culeyneysey waayo
Haddaad cidlo kaga dhaqaaqday
Caawiyo berri waayahooda
Cidhiidhi haddaad dareentay
Culayskuna sii adkaaday
Cidladu wehel kuu ahaatay
Calaacal ku seexanayso
Caddaataye ina ragoow
Maxaa lagu ciilbaxaa?
Xaggee loo ciirsadaa?
Colaad demiweydey iyo
Maxaa cadow nagu gadaaman
Maxa cadho nagu gadhoodhsan
Cod iyo jaan laysla waayey
Ciyaartu qabsoomiddiiddey
Siyaasado wada cakiran
Cawaaqib xumooyin muuqda
Maxaan ciilkaambigayga
Caloosha ka diiddanahay
Dadkoo kala wada carraabay
Ku jiiftay calool fayoobi
Maxaa cabsi waxan ka qabo
Haddii ciyaw meel ka yeedho
Malaha casharbuu wadaaye
Is idhi ku cibaaro qaado
Tallaabo cagtaad rogtaaba
Maxaad filataa cajaa’ib
Cunaha wax ku taaganyiin
Waxaba isku wada celceli
Cid kale waxba hayska saarin
Adigu cududdaada eerso
Wixii camalkaa ku yeelay
Misana caqlligaaga fiirso
Intaa isku soo celceli
Haddana isku wada celceli
Camaala daqiiq dhamaan
Haddii dhulka caabuq jiro
Ilaahbaa caadiloo
Cabsina isagaa u mudan
Cambbaarta adaa sameeya (Soomaaliyooow!!!)
Ogow calaf waa halkiisee
Colbaa wadhaf lagu dayaaye
Nin ceebi hadhaysayoo
Carggaagtamay kuuma hiilin
Mid cawday wax kuuma tarin
Fuloow camalkaa ku sheegye
Kan caymaday baa u liita