Hayga ciyaaraha iyo mucaashaqinta

Hayga ciyaaraha iyo mucaashaqinta Contact information, map and directions, contact form, opening hours, services, ratings, photos, videos and announcements from Hayga ciyaaraha iyo mucaashaqinta, Business service, Hargeisa.

Wararkii igu danbeyay suuqa kale iibsiga maanto arbacaaManchester City ayaa ku adkaysanaysa in Harry Kane uu yahay bar-t...
18/08/2021

Wararkii igu danbeyay suuqa kale iibsiga maanto arbacaa

Manchester City ayaa ku adkaysanaysa in Harry Kane uu yahay bar-tilmaameedkeeda koowaad ee suuqan walow ay Juventus usoo bandhigtay saxeexa Cristiano Ronaldo. (Mirror)

Kane ayaa u sheegay guddoomiyaha Tottenham ee Daniel Levy inuu ku wacad furay heshiis lagu balamay oo ahaa inuu 125 Milyan pound ugu biiro Man City. (Telegraph

Kane ayaa la sheegayaa inuu ka cadhaysan yahay Levy balse ilo ku dhaw ciyaaryahanka ayaa xusaya inuu waxkasta oo awoodiisa ah siin doono Tottenham. (Mail)

Kaddib markii uu seegay kulankii furitaanka horyaalka ee Tottenham la ciyaartay Man City, Kane ayaa kasoo muuqan doona ciyaarta European Confrence League ee ay kooxdiisu la ciyaari doono Pacos de Ferreira.(Guardian)

Wolves ayaa wadahadalo kula jirta kooxda Olympiacos oo ay ka doonayso daafaca ree Portugal ee Ruben Semedo kaas oo h**e loogu xukumay shan sano oo xabsi ah iyo inuusan siddeed sano tagi karin dalka Spain kaddib markii uu qirtay dambiyo ay kamid yihiin dhac, weerar iyo af-duubasho. (Sun)

Arsenal ayaa dib ula bilawday wadahadalada kooxda Sheffield United oo qiimaha 35-ka Milyan ee pound ahaa ee Aaron Ramsdale kusoo koobay 24 Milyan oo pound. (Athletic, subscription required)

Tababaraha kooxda Sheffield United ee Slavisa Jokanovic ayaa sheegay in Ramsdale uusan doonayn inuu ku biiro Arsenal.(Mirror)

Liverpool rajadeedii ahayd saxeexa Ismaila Sarr ayaa kor u kacday kaddib markii uu 23 sano jirkaasi u sheegay Watford inuu doonayo bixitaan. (Express)

Newcastle United ayaa Chelsea wax ka weydiisay haddiiba ay amaah kula saxeexan karto daafaca Welsh-ka ah ee Ethan Ampadu,. (Northern Echo)

Arsenal, Tottenham, Crystal Palace, Aston Villa iyo West Ham ayaa dhammaantood isku dayay saxeexa Tammy Abraham kahor intii uusan Chelsea uga wareegin AS Roma shalay. (90min)

Paris St-Germain ayaan meesha ka saarin inay xilli dambe xagaagan u dhaqaaqi karto saxeexa Paul Pogba oo Man United ka tirsan iyo Eduardo Camavinga oo Ren

Address

Hargeisa

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Hayga ciyaaraha iyo mucaashaqinta posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Share