02/02/2026
Is xasuusin: Caawa waa 15-ka Shacbaan. Waa habeen aad iyo aad u qiimo badan. Sida laga wariyay Rasuulka (ﷺ) waxa uu yiri habeenkan laga bilaabo qorrax dhaca ilaa waagu ka baryo, Alle waxa uu addoomadiisa wayddiinayaa, "Ma jirtaa cid dambi dhaaf i wayddiisanaysa oo aan u dambi dhaafo? Ma jiraa mid iga doonaya risiq oo aan irsaaqo? Ma jiraa qof dhibban oo aan dhibka ka dulqaado?" Sidaa darteed, caawa dikriga badi, oo Alle si gaar ah u wayddiiso dambi dhaaf, in uu dhibka kaa dulqaado oo uu Irsaaqad waasac ah kusiiyo, Xasuusnowna in aad cafiso qof kasta. Alle ha ina ka yeelo kuwii loo dambi dhaafo caawa.
~ Saaxiibbadaa lasii wadaag. ↩️