10/10/2022
-----------Employability Skills Training-----
Xarunta tababarabarada ee Creative Training and Consultancy waxa ay soo afmeertay tababarka xirfadaha shaqo raadinta (Employability Skills) mudo 2 cisho ah socday kaas oo loo qabtay 20 ardayd oo ka mida ardayda dhamaysay jaamacada magaalada Ceerigaabo ee gobalka sanaag.
Tababarka ayaa ujeediisu ahayd kor u qaadista Xirfadaha Shaqsiyeed (Interpersonal Skills) iyo sidoo kale CV diyaarinta , u diyaar garwoga warasiga shaqada ,Xirfadaha Wada Xidhiidhka (Communication Skills),Xalinta Dhibaatada (Problem-Solving)
Xaruntu waxay u taagan tahay sidoo dhalinyaradda loogu qalabayn lahaa xirafadaha muhiimka ee suuqa shaqada.