UKAB tribal awareness organization

UKAB tribal awareness organization dugsi male qabyaalad waxay dumiso mooyaane

15/04/2024

Dabuubtiisa gabay waan ka tagay dihashadiisiiye
Dubaaqayga waataan ka jaray waa fog dabadeede.

Shin kastood daleed uga baxdoo nabar is-diidsiiso
Dibnahaagu shaygay bartaa waad ku dayataaye.

Haddii gole dabbaaldeg iyo farax loo dalbado maalin
Oo loo duddeeyoo khalqigu daawasho u joogo
Uu mid aan daryeelini xakame daamanka u geliyo

Uu duulin orodkuu lahaa dalacsi siin waayo
Uu cidhibta darran doorriyuu duubo madaxiisa

Debcin maayo oo wuxuu ka baqan inuu ka duulaaye.

Haddaad adigu daacuun ku tahay dooddan iyo baacin
Gacmaha waa ka daayaa ninkii fuulmo daashade.

Jeeroon direyska u gashoon dibeda soo taago
Daleen aniga iigama tagee waa dig siin jiraye.

Waxaan gabayga deelka iyo laftiyo diirka uga qaaday
Dadka waxaan ogaysiinayaa dowgu suu yahaye.

Soomaaliday dayaya wanaag idinka doorsoonye.
Docda bari, dorooriga baddiyo Seylac deriskeeda
Dusha koonfureed iyo ilaa wabiga daaciisa

Degmadeena oo iil haddaan dayey abwaankeeda
Nimaan duubiyadu naafo noqon deelka laga waaye.

Dul iyo hoosba waan ugu dhigay waa dix-dhagaxeede
Anuunbaa damqanayee dhaguhu uma daloolaane.

Dadkaan la hadlayaa baan lahayn dux iyo iimaane

Bal inay dalfoof tahay caqliga dooni laga saaray

Wixii h**e usoo daashaday bay degashanaysaaye

Doc hadday u wada jeedsatooy dhowrto danaheeda
Ooy duul walaala ah tahay ooy duunka ka heshiiso.

Dadka k**a yaraateene ways dabar jaraysaaye

Dubba madaxa ways kala dhacdaa daaโ€™in abidkiise

Goortay is wada dooxatay baa daad u soo geliye.

Ubadkiinii waad daadiseen waana dubateene

Dubaaxdiisii waad wada cunteen duhur dharaareede

Dariiq toosan Soomaaliyey waa lagaa deyeye

Darajada Ilaahay ninkii doonayaa hela e
Nin ka duday distoorkiyo waxyiga diinti ka carrowye

Dugsi malaha qabyaaladi waxay dumiso mooyaane

Hadaynaan xumaanta iyo dilkiyo daynin kala qaadka

Dibaddaan ka joognaa sharciga daacadda Ilaahe

Danbarkeedu waa Jahannama iyo dogobkii
naareede

Dugsi ma leh qabyaaladi waxay dumiso mooyaane

Dir dir la isu laayiyo intaan weerar daba joogno
Ooy dumarku weerkii sitaan danabadii waayey

Uu sida dureemada u yaal meydku dibaddiinna

Wallee doogsan maysaan haddaad dunida joogtaane

Dugsi male qabyaaladi waxay dumiso mooyaane

AUN abwaan Cabdilaahi suldaan timo cade

Gorfayn-tii buuga: mashruuca la dagaalanka nuurka
27/11/2020

Gorfayn-tii buuga: mashruuca la dagaalanka nuurka

Kulanka caawa Buuga: mashruucii la dagaalanka nuurka
27/11/2020

Kulanka caawa

Buuga: mashruucii la dagaalanka nuurka

๐™ผ๐šŠ๐šŒ๐š•๐šž๐šž๐š–๐šŠ๐šŠ๐š ๐š”๐šž ๐šœ๐šŠ๐šŠ๐š‹๐šœ๐šŠ๐š— ๐š–๐šŠ๐šœ๐š”๐šŠ๐šก๐š๐šŠ ๐šŠ๐šŠ๐š๐šŠ๐š–๐šŠ๐š‘๐šŠ ๐šŠ๐š–๐šŠ ๐š๐šŠ๐š-๐š”๐šŠ Miisaanka jidhka waxay ka noqonaysaa 2.5 perceHadii dhinac kale laga ...
27/11/2020

๐™ผ๐šŠ๐šŒ๐š•๐šž๐šž๐š–๐šŠ๐šŠ๐š ๐š”๐šž ๐šœ๐šŠ๐šŠ๐š‹๐šœ๐šŠ๐š— ๐š–๐šŠ๐šœ๐š”๐šŠ๐šก๐š๐šŠ ๐šŠ๐šŠ๐š๐šŠ๐š–๐šŠ๐š‘๐šŠ ๐šŠ๐š–๐šŠ ๐š๐šŠ๐š-๐š”๐šŠ

Miisaanka jidhka waxay ka noqonaysaa 2.5 perce
Hadii dhinac kale laga egona miisaankeedu waaa 1330 g waa ta raga e
Ta dumarku waxy ka yar tahau ta raga 40 g
Oxgen ta ay isticmaasho waa 1/4 dhamaan oxgen ta soi gasha jidh ka
Waxay leedahay balaayiin unugyo ah
22 dcm2 waxay qaadi kartaa 20 million oo voliam oo book waxa ku qoran oo dhexdhexaad ah
Mack rosisan ayaa yidhi kana mid ah mucalimiinta jaamacada calafornia muddo dheerna daraasaynayay
Hadii second kasta maskaxda bashar ka lagu shubi lahaa 1o macluumo o kala duwan mudo 60 sanno ah
Ma buuxinayaan %1 maskaxda qof ka
Taas o ka dhigan in aan dadku 10% mooyaane aanay isticmaalin maskaxdooda
Hadii waxa dunida yaala tv mobil telegraph inta la yareeyo caqliga bashar ka lo ekaysiiyo dhamaantood waxa iskaga badan oo k awood badan maskaxda bashar ka
Hadiiba la isdhihi laha ha la sameeyo compuer maskaxda u dhaw waxay noqon lahayd in la sameeyo guri ka kooban 10 dabaq bedka uu ku fafhiyaan uu yahay 770 oo mitir2 tolow intee bay qaadan lahayd in la sameeyo brogram kiisa hadaba ??

๐š€๐šŠ๐š•๐š’๐š—๐š”๐š’๐š’/๐•ค๐•–๐•– ๐•ž๐• ๐•ฃ๐•– ๐•๐•š๐•“๐•ฃ๐•’๐•ฃ๐•ช

๐’๐ข ๐š๐š๐ ๐ฎ ๐š๐ค๐ก๐ซ๐ข๐ฌ๐š๐ญ๐จ ๐ข๐ฌ๐š๐ ๐š ๐จ ๐๐ก๐š๐ฆ๐š๐ฒ๐ฌ,๐ญ๐ข๐ซ๐š๐ง ๐ ๐š๐ฅ ๐Ÿ†ƒ๐Ÿ…ด๐Ÿ…ป๐Ÿ…ด๐Ÿ…ถ๐Ÿ†๐Ÿ…ฐ๐Ÿ…ผ-๐ค๐š๐ฒ๐š๐ ๐š ๐š๐๐จ๐จ ๐ค๐š ๐ญ๐ข๐ฑ,๐ซ๐š๐š๐œ๐š๐ฒ๐š
๐‹๐ข๐ง๐ค-๐ ๐š๐ง https://t.me/seemorelibrary

Joseph makky o ah qoraa ingiriis ah ayaa yidhi magaalooyinka ugu waawayn yurub Sida London iyo Paris ma aysan lahayn gac...
29/10/2020

Joseph makky o ah qoraa ingiriis ah ayaa yidhi magaalooyinka ugu waawayn yurub Sida London iyo Paris ma aysan lahayn gacamo ama dhuumo leexiya biyaha wassakhda ah xilliga roob ka taasina waxa ay sababi jirtay In ay biyuhu iyyaga o sidooda u socda o wassakh ah ay galaan Godad ay kuna jiran muddo dheer oo ay sameeyan ur qadhmuun iyo jermis taasina waxay sii socotay oo ay saas ahayd ilaa laga so gaadhayay kacdoonkii faransiiska oo socday laga bilaabo sannadi 1789-1799 sido kale qarnigi 10aad ee miilaadiga kuna began qarinigii 2aad ee hijriga magalada qurduba waxay lahayd baalayaal ama laydhadh ka laga taago laamiga hareerihiisa sido kale waxay lahayd gacanno ama dhuumo leexiya biyaha wassakhda ah iyada o aysan paris lahayn qarinigii 17aad ee miilaadiga hunkah oo ah gabadh mustashriqad reer Germany ๐Ÿ‡ฉ๐Ÿ‡ช ah ayaa iyadune tidhi magaalada qaringii 10aad ee miilaadiga waxay lahayd 50 dhakhtar oo dadka lagu daweeyo iyada oo ay wakhtigaas dadka gaaloda ahna kaniisadu u diidi jirtay In ay bartaan cilmiga dibbiga ama dhakhtar nimada Sido kale waxay tiri boqorrada reer yurub wakhtigas badankoodu ma aanay awoodin In ay qoraan magacyadooda halka qof ka maraya waddada ee ku nool magalada qurduba uu qoraal iyo AKhris ba yaqaanay

Sawirka xagga hoose kaaga muuqda wa jeelkii oo weerar shacab lagu qaaday sanadi 1799 14 julay

W/Q: Telegram: see more library

UKAB tribal Awareness Organization waa dhalinyaro isku xilqaamtay inay la dagaalamaan aafadan faaftay ee qabyaaladawaxaa...
10/10/2020

UKAB tribal Awareness Organization

waa dhalinyaro isku xilqaamtay inay la dagaalamaan aafadan faaftay ee qabyaalada
waxaanay ka soo kal jeedaan dhaaman deegaamada s/land oo dhan min daraf ilaa daraf kaliya waxa isku keenay waa fikir iyo mabda ay ka gami waayeen oo ah dhibaatada bulshadoodu dhex dabaalanayso.

Majirto cid abaabushay, iyo cid garab ka siinaysaatoon kaligood ayaa caqabadaa intaa leeg ubadheedhaya si ay wadan kooda u badbaadsadaan.

Wll waad la shaqayn kartaa hadii aad tahy qof fikir kan iyo mabdanba leh oo aad tahy qof ka gubanaya halkay maanta marayso qabyaaladu dhamaan dhulka ay soomaalidu dagato meel kasta oo aad joogtana waad nagala qayb qadan kartaa hawshan oo dhinaca Alle na aad kaga helayso ajar iyo xasaanaad dheeraada.

HA DHACO QABIILKU
HASAREEYO QALINKU

share iyo like ku caawi page wll shukran

Waa xalay iyo habeen qiimo badan lahayd oo ay isku arkeen dhalinta horumarinta bulshada dhinacayada kala duwan sida akhr...
08/10/2020

Waa xalay iyo habeen qiimo badan lahayd oo ay isku arkeen dhalinta horumarinta bulshada dhinacayada kala duwan sida akhriska iyo qoraalka iyo hurmarinta aadamaha ee
Nuur human development center
Iyo
UKAB tribal Awareness Organization
Oo ah dhalin u kacday sidii ay bulshada soomaliyeed uga wacyi galin lahayd aafada baas ee qabyaalada oo faro baas ku haysa bulshadeena

Waxay ahayd madal milgo iyo maamuus badan wanan uga mahad celinayanaa sida qiimaha leh ee ay noo soo dhaweeyeen walaalaha NUUR
Waa aynu istaageeri doonaa insha Allah waayo fikirkeenu waxa uu ku biyoshubanayaa hal meel

Ururka  wax uu ka shaqayn doonaa wacyi galinta aafada qabyaalada iyo sidii aynu uga bixi lahayn Fadalan hadii aad diyaar...
06/08/2020

Ururka wax uu ka shaqayn doonaa wacyi galinta aafada qabyaalada iyo sidii aynu uga bixi lahayn

Fadalan hadii aad diyaar u tahy badbaadinta masiika umadeen nagu soo biir waxaanu kuunahay diyaar waa hadii ay kaa goantahy
Meel kasata joog waad ka qayb qaadan kartaa
Hadii aad tahy diyaar fadalan nagala soo xidhiidh qaybta fariimaha (messageka)

Mahadsanidii
Fadalan share garee page like saar

Imisa ayanu nin reer hebalnimo u daba caraynya oo uu inaga dhiganyay biriish uu u sii maro bililiqada iyo qaadashad xool...
06/08/2020

Imisa ayanu nin reer hebalnimo u daba caraynya oo uu inaga dhiganyay biriish uu u sii maro bililiqada iyo qaadashad xoolaha umada
Waynu fahanay oo aynu ku bararugnay waxaasi yanay mar danbe inaga suur toobin (mar inadage Allah ha d**o mar labaad se inadage inagaa is dagnay)
Abkuu doono ha sheegtee kii wax inoo qabanya ee baahiyaheena ka jawaabaya aynu dooranaynaa darajo kuma helayno nin reerkayagaa oo aad is xigtaan ayaa xil haya.
Ka digtoonoow oo is ka ilaali qabyaalada waxa la galayaa wakhtigii ay soo if bixi jir tay ee doorashada
Sii share garee fadalan like saar page ka

Address

Hargeisa
252

Telephone

+252633272074

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when UKAB tribal awareness organization posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to UKAB tribal awareness organization:

Share