Abwaan Ileeye Hadalo

Abwaan Ileeye Hadalo fadlan kusoo biir Page ka Tayo Cosmatics

21/03/2025

Rabadaan mubaarak

15/12/2024

Subax wacan

02/12/2024
27/11/2024

Kalkii naxligaa dhamaaday
Gugii naruurada da'aaya
Neecow dhabatoo nasaaqday
Naqiyo waa rays udgoone
Nayaayiro khayrle weeyo
Wataa naflihi kuraystay

Nuxuusiyo waayo taban
Nitaaqiyo weer dadcuna
Nusqaaniyo haybad li'i
Nasrigi eebbaa diroo
Shacbigi niyaddii jabtaa
Nabdiga caafimaad kahelay

Nin iyo waa habeenkiiye
Nasiibaa noo hirgalay

Nalkaa noobaxee ifaaya
Nusqaanta allaw kahay
Nashuushkiyo xuma wadaa
Namaamka sirtii fashili
Nafluhu waa wada daciife
Nugaylka rabow kabaano

Nidaamka allaw adkee
Kaqabo nacab Kii udaran
Nasii citiraaf rabow
Ha naxo cadawgaan ognee
Nabaadiyo eebow nasii
Nimcada jawigii addiis

Nin iyo waa habeenkiiye
Nasiibaa noo hirgalay

11/11/2024

Midaad qaab abuurkiyo
Uqushuucday midabkaad
Caqligiisa qoonsano
Midaan qurux lahaynbaa
Qalbigiisu luulyee

Xigmad weeye qaro weyn
Qaab kanu ilaahay
Aadmiga u qaybshee
Ha qawadin dhankaagee
Isku qanacsanaw abid

Midkastaba qorbaa Jira
Ku qotoma naftiisee
Aniguna qofkaan ahay
Igu qaado inanyahay

Mana jiro qof wada wacan
Iyo quus mid joogee
Qofba waa qofnimadii
Wixii qiimo geliyee
Uu qayrki dheeryahay

Yey qiyaasta kuusidin
Wixi dhaayo qabatini
Hana qubin wanaagyada
Qof intuu mar kuu galay
Dibna aad is qabateen.

Midkastaba qorbaa Jira
Ku qotoma naftiisee
Aniguna qofkaan ahay
Igu qaado inanyahay

Gaadhi gaadhi faraxumeeyey weeyaan hhhhh
01/06/2023

Gaadhi gaadhi faraxumeeyey weeyaan hhhhh

The nature is the best
01/06/2023

The nature is the best

The nature is the one
01/06/2023

The nature is the one

Address

Hargeisa

Telephone

+252634062248

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Abwaan Ileeye Hadalo posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to Abwaan Ileeye Hadalo:

Share