Neima online market

Neima online market Welcome . fadlan like garee page-kan

13/10/2022
Cadarro |  High quality |  eau de perfume | Perfumes aad u carfoon oo urtoodu ku cajabin doonto. Kala xidhiidh: 06346472...
11/10/2022

Cadarro | High quality | eau de perfume |

Perfumes aad u carfoon oo urtoodu ku cajabin doonto.

Kala xidhiidh: 0634647273

Great offer!! ka faaidayso toobabki hablaha oo designs quruxbadan leh iyo qiimo dhimis balaadhan   60% off  ka dalbo tel...
09/09/2019

Great offer!! ka faaidayso
toobabki hablaha oo designs quruxbadan leh iyo qiimo dhimis balaadhan 60% off ka dalbo tellkan: 0633651115

03/05/2018

Fighting drought with trees

28/07/2017

=====™ CAFIIFNIMADA ™======

AKHRISO QISADAN CAJIIBKA AH SIINA SHARE GAREE .....

Wuxu ahaa wiil carab ah oo faqiir ah oo Ku nool wadanka mareykanka, maalin maalmaha kamid ah aya uu koray wiish si uu ugaadho dabaqa sare ee midkamida fooqyada cirkagalay (skyscrapers) isaga iyo koox kale.. Kadib wuxu galay dabaq aan cidi joogin, dadkii oo dhamina bexeen ilaa hal gabar oo ad uqurux badan oo iyadu kuhadhay dabaqa, waxay sidatay labis qurxoon , markii at aragtay inay lakalyowday wiil dhalinyaro ah waxay dareentay cabsi, laakiin waxay ogaatey inaanu wiilku iyada ujeedinba!! Inta kadib waxay eegtay dhinaciisa waanu kasii jeedsaday, gabdhii waxay aad ULA yaabtay dhaqanka ay Ku aragtey wiilkan.

™ markii uu wiilki danahiisi dhamaystay waa uu baxay si uu hoos u aado, gabdhiina waa ay kadaba baxday waana ay istaajisay waxana dhexmartey sheeko sidan udhaceysay..

Gabadh: miyaanan qurux badneyn ?
Wiil: ma ogi , ani kuma fiirsaninba!
Gabadh : maxaad ii fiirin weyday!!?
Wiil: illaahay banka magan galey , Allah ayan ka cabsanaya ciqaabtiisa.
Gabadh: halkuu jooga allaha ad kacabsaneysi qadarka inta le'eg ? Diintaadu mamid kuu diidaysaa inad i eegto Eegmo kaliyabaa?
Wiil: has
Gabadh: ma aqbaleysa guurkeyga
Wiil: Muslim ayan ahay, waa maxay diintadu adiga?
Gabadh: ma ihi muslimad
Wiil: kuma guursan karo
Gabadh: diintada hadii an qaato ma iguursaneysa ?
Wiil : haa ayuu yidhi
Halkaas ayay Ku ashahaadatey gabadhii waxanu Allah swt wiilkan sabab uga dhigay qaadashadedi islaamka , inta kadib waxay Ku wareejisay hantideedi oo dhan, wiilki faqiirka aha wuxu saacado kooban isku badalay nin maalqabeen ah ... Subhana lah..subhanalah ..

(ويرزقه من حيث لا يحتسب )

Muhsin jabar
Translated by Mubarak abdi saleban

"Wadada badbaadada"Waxan Ku dhex-noolnahay zaman koobsaday ftnooyin badan iyo isbadalo halis ah, taasoo ina ruxaysa sida...
09/07/2017

"Wadada badbaadada"
Waxan Ku dhex-noolnahay zaman koobsaday ftnooyin badan iyo isbadalo halis ah, taasoo ina ruxaysa sida dabayshu uruxdo caleemaha, cidhiidhina galinaysa dadka xaqa Ku taagan.
Nabigu scw wuxu ka warramay dhicitaanka fitnada iyo halisteeda .
(بادرو بالأعمال فتنا كقطع الليل المظلم يصبح الرجل فيها مؤمنا ويمسي كافرا ، ويمسي مؤمنا ويصبح كافرا يبيع دينه بعرض من الدنيا....)
Xadiisku wuxu ina tusinayaa fitnada iyo siday usii badanayso marba marka kadambeysa , sidas darteed qofka muslimka ahi waxa uu u baahanyahay inu ku sugnaado diinta iyo daacada Allah swt kuna dadaalo ilaalinta diinta alle swt inta karaankiisa ah, nabigu scw wuxu Ku ducaysan jiray "ilaaha qalbiyada sugoow (ilaaliyoow) qalbigeyga kusug diintaada" hadii khayrul-khlaqi sidan ku ducaystay inagana maxaa inala gudboon!?

Asbaabta ugu waaweyn ee lagu xaqiijiyo ku sugnaanshaha diinta waa inu qofku ku adkaado kitaabka iyo sunada rasuulka scw maxaa yeelay waa asalkii iyo aasaaskii khayrka, qofka xejistana waa guulaystay waanu liibaanay.

Ugu dambeyn , muslimiinta waxa waajib ku ah inay aqbalaan quraanka iyo sunada rasuulka inay akhriyaan , xifdiyaan, bartaan kuna dhaqmaan . buriyaana caadooyinka iyo dhaqamada khilaafsan qur'aanka iyo xadiiska iyo inay ka dhigtaan dastuur iyo garsoor at ku kala baxaan ......***

Share .." Fadlan LA wadaag ashabtaada"

05/07/2017

"Maxaan uga hadalnaa calamadaha qiyaamaha"

Arinkasta oo bina aadamku baadho kana sheekeeyo waxa laga maarmaan ah inuu midho ka goosto shaygaa baadhistiisa iyo ka shaqayntiisa, hadaba in wax labaadha maka mid tahay calaamadaha qiyaamaha ? Mise keliyaata waa macluumaad qofku ururiyo si uu uga korodhsado waayo-aragnimo isagoon xaqiiqada raadaynaynin.

Jawaabta ayaa waxay tahay inay quraanka iyo sunadaba kusoo aroortay calaamadaha qiyaamaha, sidaa darteed waxa jira faa'idooyin badan oo ibna aadamku ka helaayo noloshiisa waxana kamid ah :-
1. Inu xaqiijiyo rumaynta wax maqan (qayb) waana rukni kamida arkaanta iimaanka ah ee lixda ah
(الذين يؤمنون بالغيب ويقيمون الصلاة)
Inla rumeeyo waxa maqan macneheedu waxa weye inla rumeeyo wax kastoo Allah swt ku sheegay kitaabkiisa ama rasuulku scw ka waramay , naqliguna saxay inta aan ka warhayno, aan garanayno inu yahay xaq iyo run

2. Inla garto calaamadaha qiyaamaha waxa kamid ah in NAFTA lagu dhiiri galiyo daacada illaahay iyo inloo diyaar garoobo maalinka qiyaame . qof walbana waxa LA gudboon inu baraarujiyo walalkiisa moogan Laguna dhiiri geliya inay Allah swt USO noqdaan iyo inaanay aduunyada isku illaawin taasina waa wadadii uu qaaday xabiibkeenii muxamed scw.

3. Inay kamid tahay cadayn axkaam sharciyah iyo masaa'il fiqiya

شكرا لكم ..

الحمد لله ....
W/Q : m. Abdiaziz

05/02/2017

☆صلو على محمد ..

عليه أفضل الصلاة والتسليم. .....

25/01/2017

الرجل يريد إمرأة كامله..


والمرأة تريد رجلا كاملا..

☆ولا يعلمون أن الله خلقهم ليكملا بعضهما البعض. ........

18/09/2016

.....QISO CAJIIB Ah....
qisadan waxay kadhacday dhulka carabta tuulo kutaala, waxay ahaayeen afar nin oo waalo ah iyo inan agoomo ah kadaib maalin maalmaha kamida ayay inamadii afarta ahaa ay dooneen inay ubaxaan safar kadiban waxay xaqiiqsadeen in inanatoodu aanay raaci karin iyaga kadib waxay raadiyeen qof aamina oo ay kaga tagaan inantooda kadib dadkii tuulada daganaa ayaa utilmaamay nin sheekh ah oo caabid ah Oo aamin ah kadib afartii wiil waxay utageen ninkii caabidka ahaa waxaanay ka codsadeen in inantooda uu isii xofdiyo inta ay kasoo noqonayaan.ninkii sheekha ahaa wuu kayeelay arintii inamadii ..

afartii inan waxay ubaxeen safarkoodii .inantiina ninkii ayay lajoogtaa cuntada usamaysa markay samaysana meel yar bay uga soo dhiibi jirtay isna isagoo foorara ayuu qaadan joray,cuntada lama hadli jirin. waxban ma waydiin jirin waxay sidii ahaataba maalin ayaa ninkii inantii oo cunto usoo dhiibaysa uu wajigeeda indhaha kudhuftay ..shaydaana meeaha k**a maqna e wuxu kuyidhi gabadha sida auquruxda badanle ayanad arag ..waxyaabo noocaas ah.. kadibna wuxu wadaba ninkii sinuu kudhacay gabadhii miskiinada ahayd buu kasinaystay isaga laftarkiisa shaydaanbaa duufsadaye. kadibna ninkii wuxuu kawarwaray waxa uu ugu jawaabi doono gabadha walaaleheed wali shaydaankii wuu joogaaye hadana wuxu kula taliyay inuu gabadha dilo kadibna uus xabaalo si sharaftiisu anay udhiman fikir dheer uu galy kadib waa uu dilay gabadhii waanu aasay ..

gabadhii walaaleheed safarkii ayay kasoo noqdeen waxanay waydiiyeen walaaashood hase yeeshe ninikii waxa uu usheegay inamadi in walashod dhimatay ..kadibna xabaashi buu dul geeyay oo ku dhawaad 15 cisho aasnayd habeebimadii maalintaa ayaa wiil waliba oo afartii kamida ha riyo ku arkay in walashood ladilay sidaa darteed way soo faqeen xabaashii kadib waxay ogaadeen in walaashood ladilay sidaa darteed ninkii ayay maxk**ad saareen kadib ninkii waxa lagu xukumay dil kadibna markii maradii madoobayd qoorta loo sudhay ayuuu shaydaankii u yimid oo ku yidhi anigaa ku badbaadinaya oo madhimanysid hadad ii sujuudo kadib ninkii wuu yara adaygay markaasa lagu so dhaweeyay seeftii kadib buu u sajuuday shaydaankii. wanacuudu bilaahi.

والذين لايدعون مع الله الاها آخر ولا يقتلون النفس التي حرم الله الا باالحق ولا يزنون........

la wadaag asxaptaada oo share garee...

Address

Hargeisa

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Neima online market posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Share