08/04/2025
Cilmi baadhish ay samaysay jaamacada Harvard University ayaa lagu ogaaday in ganacsiyada cusub 50% ay ku burburaan labada sano ee ugu h**eeya, halka 95% ay ku xidhmaan inta aan la gaadhinba shan sano.
Qodobada ugu waaweyn ee cilmi baadhistan lagu ogaaday ee ganacsiyada burburkooda soo dadajiya waxa ka mid ah:
1- Qorshe la'aan; badanka ganacsiyadu malaha qorshe cad oo qeexaya meesha ay u socda ama halka ay doonayaan inay gaadhaan sanadkada soo socda.
2- Kharash badan; waxa ay ganacsiyada cusubi bilowgaba galaan kharash aad u badan, sida inay lacag badan ku bixiyaan qurxinta goobta ay ku ganacsanayaan iwm.
3- Suuq-geyn la'aan; ganacsiyada yaryar badanka malaha qorshe suuq-geyn oo ay dadka u gaadhsiiyaan karaan alaabtooda, taas oo keenaysa dhowr sano kadib in ganacsigaasi isbixin waayo kadibna uu xidhmo.
4) Maamul xumo; hantida ama lacagta soo gasha ganacsiga oo si xun loo maamulo, ama lagu bixiyo wax aan shirkada muhim u ahayn ayaa iyaduna qayb ka ah wax yaabaha soo dadajiya burburka ganacsiga.
5 - Goobta ganacsiga; ganacsiga oo laga furo goob aan ku habooneen ama ayna joogin dadkii ilbsan lahaa alaabtooda ayaa iyaduna ka mid ah.
6- Mulkilaha; qodobkan waa mid la yaab leh waxa ay ku leedahay cilmi baadhistan qofka iska leh ganacsiga ay qayb weyn ka ah in ganacsigu burburo, sababta oo ah qoftaas ayaa isku dayaaya inuu isagu qabto shaqada ganacsiga oo dhan sida inuu isagu noqdo maamule, suuggeeyey, ilbiye, xisaabiye iwm, taas oo keenaysa in shagooyinka qaar dayacman.
Muuqo-Marketing