Ahmed Osman Kooraan

Ahmed Osman Kooraan xoghayaha isgaadhsiinta iyo technology yada xisbiga waddani

Dalku wuxuu leeyahay hogaamiye keliyoWaana mahdiga qarankaHa lala shaqeeyo.Nabadgelyadana ha la ilaaliyoNebigana ha lagu...
23/07/2026

Dalku wuxuu leeyahay hogaamiye keliyo
Waana mahdiga qaranka
Ha lala shaqeeyo.
Nabadgelyadana ha la ilaaliyo
Nebigana ha lagu saliyo(NNk)

Inantu waxay tidhi wixii siyaad bare idinku sameeyey ee aad duurka ka gasheen.Ayaad nagu samayseen oo ka dagaalamayeMa d...
20/07/2026

Inantu waxay tidhi wixii siyaad bare idinku sameeyey ee aad duurka ka gasheen.
Ayaad nagu samayseen oo ka dagaalamaye
Ma dayrkii makaan gubay.
Garnaqsi weeye

Go,aan qaadashadu waa raganimada laguu sheego.Aduunyada ragbaa ka taliya horana uga talin jirayMuhiimadu waa in aad door...
14/06/2026

Go,aan qaadashadu waa raganimada laguu sheego.
Aduunyada ragbaa ka taliya horana uga talin jiray
Muhiimadu waa in aad doorkaaga qaadato.
Shacabka somaliland waxay doonayaan in ay noqdaan dal aduunyada laga qiimeeyo.
Manihin qaar sugaaya in diyaaradaha turkiga ay dawlada xamar u adeegsato in ay dhulkayaga ku duqayso.

23/04/2026

Dhulku taako taako
Qoraxduna dalaalnimo
Allah ha ku nabadyeelo.

19/04/2026

Kelmad aan ka jeediyey xafladii aanu xilka kale wareegnay guddidii h**e ee tamarta

16/04/2026

Dhaliyarada Badan ee xilalka loo magacaabay
Waxaan jecelahay in ay ka fogaadan musuq maasuqa iyo qabyaalada.
Oo ay ku shaqeeyaan qaranimo iyo Daacadnimo.

Sheeko: Bisad iyo Jiir – Cashar SiyaasadeedBeri ayaa la yidhi bisad iyo jiir ayaa wada xajay. Jiirkii ayaa bisaddii shar...
14/04/2026

Sheeko: Bisad iyo Jiir – Cashar Siyaasadeed

Beri ayaa la yidhi bisad iyo jiir ayaa wada xajay. Jiirkii ayaa bisaddii sharuubaheeda maray, mana ay cunin, taas oo ku abuurtay kalsooni uu ku aaminsanaado in bisaddu isbeddeshay oo toobad keentay.

Markii xajkii laga yimid ayuu jiirkii u tegay habar-jiir, wuxuuna ku yidhi: “Waxaan ka imid xajkii, waxaanan ku soo arkay bisaddii oo toobad keentay oo aan jiirkii cunayn.” Habar-jiirtii iyo kuwii kale ayaa ku yidhi: “Ma hubtaa? Malaha bisaddu toobad keeni maysee.” Jiirkii ayaa ku jawaabay: “Waar anagaa sharuubaheeda marnay, cidnana ma cunayso.” Markaas ayay ku yidhaahdeen: “Si laguu aamino, kaxayso koox jiir ah oo kula soo xaqiijisa waxa aad sheegayso.”

Jiirkii oo ay la socdaan koox jiir ah oo xaqiiqo-raadin ah ayaa isla baxay, waxayna u tageen bisaddii. Bisaddii oo xajkii ka timid oo la moodayay inay isbeddeshay, markay aragtay jiirtii ayay si kedis ah ugu dhexdhacday, qaar bay qabatay qaarna way kala yaaceen. Jiirkii xaajiga ahaa iyo kuwo yar ayaa dirqi kaga badbaaday.

Markii uu jiirkii ku noqday shirkii laga soo diray ayaa lagu yidhi: “Bal waran?” Wuxuu ku yidhi: “Nimanyahow, bisaddii xajkii lagama aqbalin.”

Fariinta:
Siyaasiga xajka ballanta ku gala ee haddana ka baxa waa sida bisaddaas—hadal wanaagsan wuu sheegaa, balse ficilkiisu waa ka duwan yahay.

HAMABALYO HAMBALYO.Waxaan Hambalyo u dirayaa dhamaan umada islaamka ah gaar ahaan shacabka somaliland.Waxaan leeyahay al...
19/03/2026

HAMABALYO HAMBALYO.
Waxaan Hambalyo u dirayaa dhamaan umada islaamka ah gaar ahaan shacabka somaliland.
Waxaan leeyahay allah haynagu gaadhsiiyo
Ciidan ciideeda Nabadqab iyo Barwaaqo.

Cadaab lama tusoow ina ciroow wuu na ciiltirayeMa cataabo geesigu markay talo cuslataayeCawayskii habeenimo dagaal caana...
15/02/2026

Cadaab lama tusoow ina ciroow wuu na ciiltiraye
Ma cataabo geesigu markay talo cuslataaye
Cawayskii habeenimo dagaal caanaha u ridaye
Intuu dawladii h**e casilay caynka noo qabaye.
Cisigaa waxaa is leh dhamaan xisbiga caamkiiye.
Cawo dhalad inaan nahay kitaab k**a cabsoodeene.
Cimrigood ha raage guddida ceeb Malaga sheegay

Address

Muj Hilaac Street
Hargeisa

Telephone

+252634186822

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Ahmed Osman Kooraan posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to Ahmed Osman Kooraan:

Shortcuts

Share

Category