14/06/2021
ππ‘πππ€πππ ππ¦π«ππ§ πππππ‘πππ.
Aabaheed wuxu ahaa waytar/ kabaryeeri. Wuxuu ka shaqayan jirray makhayadd la ga cunteeyo oo ku taal isgooyska xaafadda tujaarta ee Baxnaano. Waa nin farxadd badan Eebena dul-qaad darajo u siiyay.
Shanta caruura ee u korsado waxa u weheliya ooridiisa Shaqlan Shuurro oo iyaduna ah gaari la ga ga sheekaysto xaafadaha dariskeeda. Shaqlan waa xaas leh dulqaad iyo debecsanaan, faceedda ku nool xafadda ay ku sheekaystaan.
Aabe Cumar subaxa horre ayuu kadinka gurigiisa ka huleela, si u qutal yoomka ugu soo dhiciyo shantiisa hablood iyo hooyaddood Shaqlan. Kabaryeerinimada waxa u dheer waa nin xarrago badan oo macaamisha mehadda u ka ceesho/ shaqeeyo ay majeertaan.
Amran waa curadda reerka, waxay wax ka barataa dugsiga sarre ee Aw-Sugaale High School. Xariifnimadeeda waxa u dheer waa gabadh qurux badan. Dhabankeedu waa dabiici, afkeedana waxa ka soo jeedda seked ilko cad-cad ah oo markay qoslayso ama hadlayso indhahaagu qabanayaan.
Ardaydda ay meel wax ku wadda bartaan oo dhan ayaa sida shimir malabta ku dul wareega. Balse waa fariid la dareen ah sida adag ee Aabaheed u soo koriyay oo jacayl iyo guur waa kala dhaqaaqeen, waxa ay guntiga u xidhatay in ay waxbarashadeeda sii wadato si ay reerkooda u gu rarto nolol ka gedisan tan ay ku jirran iminka.
Waxay iska-daala dhacdo Amran waa injineer dhamaysatay culumta dhismaha. Shaqo ayay heshay oo waa nashqadeeyso ka hawl gasha kambaniga dhismayaasha ee Anderson Cons..
Hamigeedu waa in ay dhisato dhisme hotel ka kooban hurdo iyo cunto oo ay ku xaradho magaca Kabaryeeri Hotel xirfadii aabehedi la duugay sadex gu ka hor.
F:G waa mala awaal sheekaddu.
W/Q Muse Saed
Ceerigaabo, Somaliland.