21/08/2026
Dhallinyaro, mararka qaar dagaalka ugu weyn ee aynu la kulannaa ma aha mid dibadda ah, ee waa mid maskaxdeenna ka socda.
Gudaha qof walba waxaa ka jira codad kala duwan: cabsi, rajo, raaxo, shaki iyo himilo. Waxa muhiimka ahi waa codka aynu dooranno inaan dhagaysanno.
Fikrad aad muddo dheer rumaysato waxay ugu dambayn kuu ekaan kartaa xaqiiqo. Sidaas darteed, ha u oggolaan cabsi ama fikir xun inuu qeexo qofka aad tahay iyo qofka aad noqonayso.
Xorriyadda dhabta ahi waa inaad adigu maamusho fikirkaaga, halkii fikirkaagu ku maamuli lahaa.
Naftaada baro, fikirkaaga xakamee, rajadana ha lumin.
Jimco wanaagsan dhammaantiin