Smart Interior Decoration and Workshop

Smart Interior Decoration and Workshop Shirkadda Qurxinta guryaha iyo Xafiisyadda ee Smart Interior decoration and workshop

Ganacsadda ma la socota in Nidaamyada aan idiin haynaa uu ka mid yahay, Accounting Information system dhameystiran kas o...
05/09/2020

Ganacsadda ma la socota in Nidaamyada aan idiin haynaa uu ka mid yahay,
Accounting Information system dhameystiran kas oo kaa caawin doona in aad si fudud u la sockartid dhamaan dhaqdhaqaaq ganacsiga, una controli kartid.

cycle
cycle:
*sale order processing
*sale Return Procedures
*Cash receipt procedures

cycle
*Purchase procedures
* payroll procedures
* Cash disbursements system


dhisidda dhameystiran, kaas oo ku suurta galinaya in aad si fudud
u kantorlikartid ganacsigaga, una yarankarid fraud ka dhex dhaca ganacisga

Soo Dhawoow Marlabad Ganacsadde!

Hagge consultant Team waxuu marwalba u taaganyahy haggeynta iyo Hagajinta ganacisgaga.

Fadlan lana so xidhiidh si aanu kugu dhisno Nidaamyadan.

Hagge Consultant and Training Center

Ma doonaysa inuu ganacsigaagu guulaysto? Nidaam u yeel
Ma doonaysa inuu wax soo saarka ganacsigaagu kobco? Nidaam u yeel
Ma doonaysaa inaad nasato oo mashquulkan badan ka baxdo isagoo ganacsigaagu horumar samaynayo? Nidaam u yeel

Nidaamyada ganacsigu waxay kaa caawinayaan inay kuu fududeeyaan hawsha ganacsi sidoo kalena waxay kor u qaadaan wax soo saarka iyo tixraac ganacsi.

Nidaam nooceeya ayaad hada u baahantahay?

Nidaamyada aanu idiin hayno waxaa kamida:-
(ERP)
information system
Resource management system
information system
Relationship management

Ka Fa'idaysi Wanagasan

Hagge Consultant and Training Center

24/08/2020
Ma dooneysa in aad si fudud u xisaabiso dhamaan dhaqdhaqaaqa ganacsigaga, Ma dooneysa in dhamaan xisaabadkagu Nidaamsana...
23/08/2020

Ma dooneysa in aad si fudud u xisaabiso dhamaan dhaqdhaqaaqa ganacsigaga,
Ma dooneysa in dhamaan xisaabadkagu Nidaamsanado,
Ma dooneysa in aad Xaliso dhaman Mushkiladihii ka Haysan jirey xisaabsadkga
sida: , , , .

Haddba Waxa aanu idin diyaariney Computerized Accounting Software's Kuwas oo kaa caawin doona in aad si fudud u xisaabiso dhamaan dhaqdhaqaaqa ganacsiga.

Hagge Team Marwalba waxa uu diyaar u yahay in uu kaa caawiyo Sameynta dhamaan software dan.
Waxad aad Nala soo xidhiidhi karta page iyo Number 0636088631.
La sii Waddag Asxabtadda.

Hagge Consultant and Training Center



# Quickbook # Point of sale # Enterprise resource planning (ERP)
information system
# Human Resource management system
# Marketing information system
Relationship management

Buuga” todoba caado oo ay leeyihiin dadka wax tarka leh”  Si aan kuula wadaagno buugan oo pdf ah fadlan Pagekeena   soo ...
22/08/2020

Buuga” todoba caado oo ay leeyihiin dadka wax tarka leh”
Si aan kuula wadaagno buugan oo pdf ah fadlan
Pagekeena soo saara si aad uula socotaan buugagata dambe.
📲whatsapp 252636088631

Buugga: "Toddobada Caado ee ay Leeyihiin Dadka Waxtarka leh." Fikrad & Buug NOTE: Caadada 1aad (2:17)Be Proactive. Noqo qof wax sababa oo isagu horseeda waxa...

Ka ganacsiga suuqa sarifka lacagaha qalaad (forex) 💵  Buugan oo kaa caawin doona in aad si fudud  u fahanto suuqa forex ...
22/08/2020

Ka ganacsiga suuqa sarifka lacagaha qalaad (forex) 💵
Buugan oo kaa caawin doona in aad si fudud u fahanto suuqa forex , kuna siin doona strategy wanaagsan oo aad maalin kasta lacag kaga samayn karto ayaanu kuu haynaa isaga oo pdf ah

Hadaba si aan kuugu soo dirno buugan
Pagekeen soo saar garee si uu asxaabtada u gaadho .
📲Whatsappkana fariin noogu dhaaf si aan kuugu soo dirno buuga 252636088631

❤️

la Wadaag Asxabtadda









Talooyin Muhiim U Ah Qofka Shaqo-doonka AhSi aad u heshid shaqada aad ku hamminaysid waxaan halkaan idin kugu soo gudbin...
21/08/2020

Talooyin Muhiim U Ah Qofka Shaqo-doonka Ah

Si aad u heshid shaqada aad ku hamminaysid waxaan halkaan idin kugu soo gudbinaynaa talaabooyinka ay tahay in aad u isticmaashid isu diyaarintaada qaabilaadda.shaqo doon

Marka ay dhacdo in lagula soo xidhiidho si aad u tagtid shirkaddi u baahnayd shaqaalaha, marka koowaad noqo qof isku kalsoon, ku kalsoonaw in aad tahay qofka kaliya eek u habboon booska ay shirkaddu u baahantahay in loo buuxiyo.

1. In aad wax badan ka baratid shirkadda aad doonaysid in aad ka shaqo gashid: waxaa habboon in aad wax badan oo la xidhiidha shaqada shirkadda iyo dhamaan macluumaadka la xiriira shirkadda.
2. In aad wax badan ka ogaatid booska aad doonaysid in aad shaqaale uga noqotid shirkadda: marka aad qaabishid mas’uulka shirkadda waa inaad sheeko dheer la yeelataa waxyaabaha lagama maarmaanka u ah shaqada aad qaban doontid haddii lagu aqbalo, isla markaana haku dheeraan in aad kartidaada sharraxaad dheer ka bixisid ama aad in badan ku celcelisid waayoo taas waxa ay u muuqan kartaa nin is faaninaya oo iska dhigaya wax uusan ahayn shaki ayaana laga yaabaa in lagaa qaado.
3. In aad jawaabo u diyaarsatid su’aalaha lagu waydiin karayo: booska aad doonaysid in aad ka shaqaysid haddii uu la xiriiro tiknaloojiyad waxaa habboon in aad in badan internet-ka gashid oo aad ka ogaatid su’aalaha caanka ah ee inta badan ay shirkaduhu waydiiyaan shaqo-doonka, isla markaana waa in aad raadisid qaabilaad ay horay u samysay shirkaddaan ama shirkadaha la nooca ah si aad u ogaatid su’aalahaas iyo jawaabaha ay qaadan karaan.
4. In aad dib u akhrisid CV-ga ama taariikh nololeedkaada: waxaa aad u wanaagsan marka aad tahay shaqo-doon in aad dib u eegtid taariikh nololeedkaada si ay kuugu fududaadaan su’aalaha lagu waydiin doono. Ka ilaali CV-gaaga khaladaadkaan Riix Halkaan
5.Diyaarso su’aalo si aad u waydiisid mas’uulka ku qaabilaya: markay dhamaato qaabilaaddu waxaa jaanis laguu siin doonaa in aad wixi aad su’aalo qabtid waydiisid mas’uulka. Marka waxaa habboon in aad su’aalo soo diyaarsatid gaar ahaan su’aalo ku saabsan shirkadda sida: waa maxay qorshaha istiraajiyadeed ee u yaalla shirkadda?

Waa maxay sababta ugu waynee looga shaqayn karo shirkaddaan? Su’aalahaan waxa ay caddaynayaan sida aad u danaynaysid shaqada shirkaddaan.

6.Noqo qof diyaarsan dhanka labiska: libiska aad xidhanayso maalinta qaabilaadda waxa uu qayb wayn ka qaadanayaa ku guulaysigaaga shaqada aad ka doonaysid shirkad.

Hadii ay qormadani ku anfacday la wadaag asxaabtadna soona garee qofka aad isleedahay aad ayay u anfacaysaa

and intuba waa dhankiina

“Ka Kaca Hurdada”akhri qormadan kooban kadibna asxaabtaada la wadaag.Ka kaca hurdada oo u damqada dalkan iyo dadkan idii...
21/08/2020

“Ka Kaca Hurdada”
akhri qormadan kooban kadibna asxaabtaada la wadaag.
Ka kaca hurdada oo u damqada dalkan iyo dadkan idiin baahan, waa idinka salaankii lagu dhisi lahaa wadankan. mustaqbalka ummadeed maanta waxaa lagu lammaaneeyaa tirada iyo tayada dhalinyaradeedda. Ummaddii aan dhalinyaro aqoon leh u kicina meel ugama bannaana ad­duunka mana eedayn doonaan naftooda mooyee cid kale.ka kaca hurda

Waa in aynu abuurnaa caqli cusub iyo murti cusub oo la talaabsanaya wakhtiga cusub, inta taa la abuurayaanna waa in la helaa niyad wanaag iyo kartidda aynu kaga midho dhalin karno dadaalkeena horumarineed. Waa in aynnu baadhnaa dhibaatooyinka ina haysta iyo helitaanka xalkoodda oo waara, tilmaamnaaa meelaha isbadalka looga baahan yahay. Waa in aynu mar walba ka shaqaynaa wax-abuur iyo horu-socod, diidnaana wixii khaladda kana tagnaa caadooyinka ina ragaadiyay ee ka midka yihiin Qabyaaladda iyo Qaraabo-kiilka iyo Eexda iyo Fadhi-ku-dirirnimadda wakhtigeenu inagaga lumay, waa in aynu raadinaa nidaam xal inoo ah oon laga talaabi karin oo dhaama kan aynu maanta haysano. Nidaamkaasi oo noqda mid ku salaysan caddaalad, himilooyinkiisuna yihiin cidhibtirka wax kasta oo xaaraan ah.

Waa in aynu isu diyaarinaa hogaamiyaashi bari ee ummadan dhiirri-galin lahaa, dhaqaajin lahaa, niyaddooda bili lahaa, dadkeenana ka dhigi lahaa ummad meel fog higsanaysa, waa in lafaheena aynu u hurnaa oo u hibaynaa wadankeena iyo diinteena suuban si aynu aduun iyo aakhiroba u liibaano. Ummadahan horu-maray dhalinyaradoodii ayaa u hagar baxay, u hilaadiyay guri barwaaqo iyo horrumar, waxay ku liibaaneen hanka dhalinyaroodii, wadankoodiina sare u qaaday.

Taariikhdii h**e waxa badalay waa dhalin-yaro, maantana kuwa badali karaa waa dhalin-yaro, muhiimaddu waxay tahay waa in aynu dareenaa in ay musuuliyaddi inaga saaran tahay diinteenna, nolosheena, dalkeena iyo dadkeena. Waa in aynnu dareenaa in aynu dadkeena wax-tarno, ku dhiirano in aynu wax kororsano oo wax barano, waa in aynu fahano in uuna wakhtigu inaga dayacmin. Waa in aynu fahanaa in inagoo kale ahayeen kuwii dunidan badalay ee dhinaca kale u rogay, tusaalena u soo qaadan karno Jiilkii Saxaabada.

Qarnigaasi murugiyo
Mahadhiyo layaab iyo
Mashaquu la dheelmaday
Yeelkee la soo mood
Welina meeshu waa tii
Nooloow maxaa dan ah? ­– Xasan Ganay

Waa in aynnu is xusuusinaa waayihii shalay, is- waydiinaana beri iyo waxa xiga, haddii dhibaatooyinkii shalay ina hor yaalay maantana ina hor yaalaan waa mushaakil wayn, raadinta xalkeedana loo baahan yahay.

Waa in haddii aynu dhalin-yar nahnay tusaale inoo noqon kuwan maanta hogaanka isku sheega ah ee ina hogaamiya, waa in aynnu siyaasiyiinta ina hogaamiya badalnaa kuna badalnaa hogaamiyayaal wax bartay oo aqoon leh, dhaqan leh, akhlaaq leh, ina hogaamin kara, dadka wax u qabanaya, hogaamiyaal dhinaca wanaagsan wax ka arkaya, cabsida ilaahay ka muuqato, cadaaliyiina ah.

Mushaakilaadka wadankeena haysta hadday tahay dhaqaale-xumo, shaqo la’aan, cadaalad-daro, maamul-xumo. hogaan-xumo, maaha in aynu eersano hogaanka wadanka ee waa in aynu eersanaa lafaheena sababta oo ah inagay inaga soo dhex baxeen, inaga dooranay. Markaa haddii aad doonaysid in aad dhibaatooyinkaa ka dul qaadid ummadaada ama hogaankoodu wanaagsanaado, waa in aad adigu is-badashaa oo isku diyaarisaa kuwii badali lahaa in aad noqotid ee lagu rayn lahaa.

Waa in aynu noqonaa dhalin-yaro garanaysa waxay u nool yihiin, waa in aynu noqonaa dhalin-yaro hadaf leh oo doonaysa in ay xaqiijiyaan hadafkooda, noqotana dhalin-yaro wakhtigooda ka fa’iidaysanaya, waa in aynu rumaysnaanaa in aynu dunidan badali karno. Haddii aynu rabno in aynu ummad abuurno, dawlad wax ku oola dhisno, dad muslima oo awood leh inaga soo baxaan, waa in aynu tusmada ka qaadana dad kuwii ugu khayrka badnaa ee dunidan soo mara ( JIILKII SAXAABADA ).

Address

Hargiesa
Hargeisa

Opening Hours

Monday 08:00 - 20:00
Tuesday 08:00 - 20:00
Wednesday 08:00 - 20:00
Thursday 08:00 - 18:00
Saturday 08:00 - 19:00
Sunday 08:00 - 19:30

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Smart Interior Decoration and Workshop posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Share