06/12/2023
100 sano oo caawa ka dib ah, kuna beegan December 2123, dhamaanteen waxaan ka hooseeyn doonnaa dhulka.
Waxaanna la mid noqon doonnaa dadkii h**ey
u geeriyoodey.
Xilligaas dad kale ayaa guryaheenna ku noolaan doona, lana wareegi doona tacabkeenna & hantideenna.!
Dadkaaasu nama xusuusan doonaan, sabtoo ah wakhti h**e oo aad u fog ayay aheeyd nolosheenu.
Akhristoow, dib isugu laabo ee aqoon intee la'eg ayaad u leedahay Aabbahaa awoowgiis ?.
100 sano oo caawa ka sii dambeeysa, waxaan noqon doonnaa uun taariikh gudubtey & raad tirmey.
Magacyadeenna iyo wixii aan aheeynba waa la illoobi doonaa.
Khiyaaligii inoo muuqdey ee ahaa in aan nolosha meel weeyn ka gaari doonno ayaa beenoobaya.
Annagoo joogna Barsakh ayaan yaqiinsan doonnaa wakhtigii aan dayacney.
Balse, caawa waxaan heeysannaa fursado badan oo aan ka faa'iideeysan karno.
Rabbi sw, ayaa yiri:
[ وَمَا خَلَقۡتُ ٱلۡجِنَّ وَٱلۡإِنسَ إِلَّا لِیَعۡبُدُونِ.]
. صدق الله العظيم.
[Uma aanan abuurin Jinniga & Insiga, wax aan cibaadadeeyda aheeyn.]
Aayadda 56 ee suuradda Daariyaat..