Garaad Online

Garaad Online Contact information, map and directions, contact form, opening hours, services, ratings, photos, videos and announcements from Garaad Online, Business Center, Hargeisa.

Maxaad ku qiimeysaa horumarka ganacsigaaga? Bob Collymore oo ahaa maamulihii guud ee shirkadda ugu faa'idada badan isgaa...
21/07/2019

Maxaad ku qiimeysaa horumarka ganacsigaaga?

Bob Collymore oo ahaa maamulihii guud ee shirkadda ugu faa'idada badan isgaadhsiinta Afrika ee Safaricom, ayaa la waydiiyey horumarka ay shirkaddu gaadho waxa ay ku qiimeeyaan. Bob waxa uu sheegay in ganacsiyo badan ay ku cabbiraan halbeegga horumarkooda faa'idada ay sameeyaan iyo inta xarumood ee ay ka furaan goobaha aanu h**e u gaadhin ganacsigoodu. Balse iyagu (Safaricom) in ay waddo taa ka duwan maraan. Maamule Bob Collymore waxa uu xusay in ay halbeeg ama cabbirka horumarka ay sameeyeen sannad, laba sanno ama shan sanno iyo waxii ka badan ba ay ku eegaan hal'abuurnimada ay kaga duwan yihiin suuqa ee ay la yimaadaan.

(The Difference) farqiga u dhexeeya Safaricom iyo Shirkaddaha isgaadsiinta ee ay suuqa ku tartamayaan ayey eegaan. Taasi waxa ay ku hoggaamisay Safaricom in ay noqoto shirkadda ugu horumarsan, uguna faa'idada badan geeska Afrika. Safaricom markasta waxa ay yool ka dhigteen curinta wax suuqa ku cusub, macaamiishuna u baahan tahay ama u baahan doonaan. Markasta hal'abuurnimada ayey kaga duwannaadeen dhiggooda, taas ayaa u dammaanadqaaday in ay ka horumaraan tartamayaashooda.

Dhaqammada weli suuqeena ganacsiga ka maqan ayey ka mid tahay in shirkaddu wadnaheeda ka dhigato curin iyo hal'abuurnimo oo aanay soo kordhintu yeelan meel ay ku dhammaato. Meherad ganacsi oo suuqa ku yaalla ayaad ugu imanaysaa toban sanno iyada oo sidii ah oo aan waxba laga beddelin. Waa sababta soo dedejisa in ay kacaan ganacsiyadeennu.

Maxaad ka beddeshay sannadkii ugu danbeeyey meheradaada?

Xigasho 👉HAN Entrepreneurship

  YAR OO CAJIIB AHHibo Ammar Gabadh  la yiraahdo ayaa waxey tiri: Markii Aabaheey uu Hooyadey doonay, wuxuu Xifdiyey Suu...
07/07/2018

YAR OO CAJIIB AH

Hibo Ammar Gabadh la yiraahdo ayaa waxey tiri: Markii Aabaheey uu Hooyadey doonay, wuxuu Xifdiyey Suurat Al Cimraan, iyada ayuuna Meher ahaan uga dhigay.

Markii aniga Ninkeyga isoo doonay, Aabahay wuxuu ku yiri haddii aad Gabadheyga rabto waa in aad Hal Suurat aad Xifdisaa Meher ahaan. Guurka ma dhacaayo ilaa aan Meherkeyga helo, waxaa la i weydiiyey bey tiri in aan Suurat qabsado, waxaa doortay Suuratu Nuur.. Waxaan u doortay Suurada Sharciyada ay ka hadleyso Suurada iyo tan kaloo ah in ay Suurada adag tahay oo Xifdiskeedu dhib badan yahay.

Arooskii baan dhamaanteen ku wada Mashquulnay, Alaab gadowgii iyo Guri habeyskiisii, laakiinse Ninkeyga Kitaabka Quraanka Gacantiisa k**a maqnaan jirin oo Kitaabka ayuu ku Foorayay si uu u Xifdiyo Suuratu Nuur.

Maalmo ka hor intaanan Arooska la gaarin, ayaa Ninkeyga Aabahey u yimid si uu ugu Aqriyo Quraanka, oo Suuratu Nuur uu Xifdinaayey uga baxo, Aabahey wuxuu ku yiri Ninkeyga haddii aad Aayad Qaladid, ogoow Suurafoo dhan ayaa soo Bilaabeysaa.

Ninkeyga wuxuu bilaabay in Suuratu Nuur aqriyo, asagoo ku Aqrinaayo Cod dagan, oo aad u Qurux badan, taas oo aan weligey Hilmaami doonin, Hooyadey iyo Aniga waa is Fiirinaa oo isku Dhoola cadeynaa, anagoo Sugeyno in uu Ninkeyga Aayad Qaldo si uu usoo bilaabo Suuradda oo Codkiisa Macaan ugu Raaxeysano, asagana Ajarkiisa ugu bato, maadama uu Aqrinaayo Quraanka kareemka, lakinse ilaah ha Barakeeyee, Suuratu Nuur aad buu u Xifdiyey oo Hal Aayad muusan Qaldin.
Markuu dhameeyey Suuratu Nuur, ayaa Aabahey Hab siiyey oo u Hambalyeeyey oo uu ku dhahay, Maanta Gabadheyda ayaan kuu Guurinayaa, maadama aad ka soo baxday oo fulisay Meherkeedi oo ahaa in aad Suuratu Nuur xifdiso.

Ninkeyga Lacag ima uusan siinin Meher ahaan, Dahab fara badana oo Kumanaan Kun u dhigmana iima gedin, wuxuu Meher iga dhigay hadalka ilaahey SW.

Hiba Ammar waxey Hadalkeeda ku soo gabagabeysay, Taloow Suuradee, Gabadheyda dooran doontaa Meher ahaan Mustaqbalka?.

asxaabtada share dheh

saar page kan 👉

  AH!Gabadh ayaa Habeen waxey ku soo Daahday Guri ay Daganeyd Gabar kale oo ay Saaxiibo yihiin, halkaasoo ay habeen kast...
04/07/2018

AH!

Gabadh ayaa Habeen waxey ku soo Daahday Guri ay Daganeyd Gabar kale oo ay Saaxiibo yihiin, halkaasoo ay habeen kasta wax ku baran jireen, markey waxbarashadoodii ay soo dhameysteen, ka dib ayey Gabadhii soo Baxday intii ay Wadada mareysay ayey Cabsi Dareentay, maadaama ay Wadada Cidlo aheyd, waxayna talo saaratay Allaah, wax yar kadib waxay Aragtay Nin Geed horteeda ah ku Gambanaaya, way Naxday waxay Allah ka Barisay inuu Badbaadiyo, Qur'aankana afkeeda ayey ku Qabatay, si uu ilaah uga Badbaadiyo cadowga Horteeda taagan, ayadoo Qur;aanka afkeeda ku heysataa ayey si Tartiib ah Ninkii u ag martay, Gurigeedii ayeyna si Nabad ah ku tagtay.

Subixii ayey waxay Maqashay in Waddadii ay soo martay Geedkii Ninku ku jiray Agtiisa lagu Dilay Gabar, Xiliga uu Dilka dhacay waa qadar 10daqiiqo kadib, markii ay meesha martay, Waxay Dareentay in Ninka Dilka Geystay uu yahay kii ay soo ag mareysay, si ay Police-ka ugu Sheegto Ninka Tilmaantiisa ayey aaday Saldhiga, ka dib Taliyihii Saldhiga joogay ayaa u sheegay iney Hayaan Dhowr Nin oo Habeenkaas la soo qabtay, loogana Shakisan yahay Dilka Gabadha inay Geysteen, sidaa darteed wuxuu Gabadhii ka Dalbaday inay Ragaas Wajiyadooda Eegto oo ay Sheegto haddii uu ku jiro Ninka ay Habeenkii Aragtay.

Gabadhii ayaa si Geesinimo leh u soo hor Istaagtay Ragii Eedeysanayaasha ahaa, waxayna ka Aqoonsatay Ninkii, wayna Sheegtay, Ninkii ayaa isna Dambigii Qirtay.

Gabadhii ayaa Taliyaha ka Codsatay in Ninka loo Weydiiyo Sababta uu iyada u soo Weerari waayay. Markii la Weydiiyay Ninkii ayaa ku jawaabay:- Kaligeed meysan aheyn, waxaa Dhinacyada ka socday Laba Nin oo Dhaadheer oo Xoog badan. (Subxaanallaah, Malaha waa Malaa'iktii Rabbi, ileen Qur'aanka ayey Afkeeda ku heysay markey soo mareysay).

(ilaahoow Quraanka Wehel nooga yeel. Aamiin).

Amaba Mention Kudheh Qofka Aad Rabto inuu Kula Akhristo Mahadsanid

25/06/2018

Waa codkii
ilahay Godka ha U nuure
Maxamed Xaaji Ibrahim Cigaal

01/06/2018

Art

17/03/2018

Markuu calafku kaa hiiliyo
Waa iska sidan oo kale
Mustaqbal ifaya insha allah Najma

Wax soo saarka Dalkeena ayaa Macaan
02/10/2017

Wax soo saarka Dalkeena ayaa Macaan

"SIDEE LOO NOQDAA ADRAY WANAAGSAN?Inaad guulaysato iyo inaad guul daraysataa waa wax ku xidhan inaad marka h**e hadaf iy...
03/08/2017

"SIDEE LOO NOQDAA ADRAY WANAAGSAN?

Inaad guulaysato iyo inaad guul daraysataa waa wax ku xidhan inaad marka h**e hadaf iyo doonis leedahay. Hadafka iyo hiigsigana waxaa lagu gaadhaa dadaalka iyo tamarta aad naftaada galiso hadba inta uu leeg yahay.

Geel-jirahaa waxay yidhaahdaan “ninba tacabkii Togaay kaa maal” oo la macno ah hadba sida aad u foofiso geelaaga ayuu caanihiisu noqdaa. Sidoo kale maahmaahbaa waxay tidhaahdaa “dadaalaa xaaji Cabaas wuu gaadhaa wuuna dhaafaa”. Xaqiiqadu waxay tahay inaanad noqonahay arday wanaagsan oo guulaysta adigoon naftaada in badan hawlin, in badan wax akhriyin, in badan soo jeedin, oon marar badan qoraal iyo akhris ku foorarin iyadoo saaxiibadaa iska dheelayaan naftaaduna u baahan tahay wehelkooda.

Qorshee waxa aad qabanayso isla markaana kala hormee jadwalkaaga waxbarasho.
Ardaygu waa inuu bartaa qorshaynta, iyo kala-mudnaanta hawlaha uu odorosayo. Qorshayntu waxay ka bilaaban taa inaad is-weydiiso “waa maxay hadafkaagu?”. Tusaale ahaan waxaad tahay arday imika Jaamacada bilaabaya. Maxaa hadaf kuu noqon kara? Waxaad odhan kartaa “sanadkan aan bilaabayo waxaan rabaa inaanan 5-ta maado een dhiganayo midna ka hoosayn 90%”. Hurdo badan, cayaar, iyo dheeldheelba kala tagte mar haddii hadafkaagu noqdo inaad figtaa gaadho. Waxaad markaa u baahan tahay inaad ka fikirto hawlaha aad qabanayso si aad u gaadho darajadaas aadka u saraysa.

Hawlaha lagaaga baahan yahay waxaa ka mida wax-akhris, qoraal, hawl-wadareed aad ardayda kale la wadaagto, baadhis ilaha kale ee aqooneed,iwm. Marka hawlaha aad qabanaysaa kuu caddaadaan waxaad u baahan tahay inaad kala hormayso, mudnaantana siiso kuwa waxbadan ku soo kordhinaya hadafkaaga.

Marka aad doorato hawlaha aad is leedahay haddaad qabato waad ku liibaanaysaa, is waydii waxaad u baahan ee khayraad ah sida buugta, internet-ka, lacag, qalab, saaxiibadaada aad isku galaaska tihiin, macalinkaaga, iyo cid kasta oo wax ku tari karta.

“Qorshaha wanaagsan ayuunbay nolosha wanaagsani ka bilaabantaa”.

2. Akhri, faham oo dadaal dheeraada bixi duruustaada

Xaqiiqadu waxay tahay in aqoontu ka dhalato, ku kobocdo, ku korto, kuna adkaato akhriska wax ku oolka ah ee fahamku weheliyo. Markaad tahay arday dadaalaya, mustaqbalkiisana dan ka leh, waxaa kugu waajiba inaad wakhti badan u hurto inaad akhrido duruusta laguu soo dhigay, ka shaqayso laylisyada, baadho culuumta la xidhiidha aqoontaada, iyo aqoonta guudba. Sidee baa hadaba ugu haboon oo wax loo akhriyaa? Jawaabtu ma fududa waxaanay u baahan tahay in maqaal ama maqaalo lagu lafa g**o.

Laakiin aan ku siiyo hanaan aad loogu bogay oo ka mida hababka wax loo akhriyo. Waa hanaanka afka qalaad loo yaqaan “SQ3R = survey, question, read, recite, review”. Hanaankan haddii aad raacdo waxaad arkaysaa in waxaad akhriyaysaa aanay kuwada dhaafayn ee aad wax kala hadhayso. Eeg talaabooyinka oo si kooban loo sharxay:

Eegmo korxaadisa (survey). Si korxaadis ah baad u indho indhaynaysaa cinwaanada, qoraalada jaantusyada iyo maababka, hordhaca, gabagabada iyo haddii uu cutubku leeyahay soo koobid.
Su’aal (question). Cinwaanka, iyo cinwaan hoosaadyadaba waxaad u rogaysaa su’aalo. Sidoo kale akhri su’aalaha cutubka, deedna naftaada waydii su’aalahan: “muxuu macalinku cutubkan iga waydiin karaa?, maxaan h**e uga aqaanay cutubkan? IWM”.
Akhri (read). Hadduunbaad bilaabaysaa akhriskii dhabta ahaa. Inta aad akhrinayso, aad u dhugo in aad su’aalahaagii jawaab u heshay, dib u akhri macnaha iyo qoraalada ku hoosyaal sawirada, jaantusyada, IWM. Waxaad il-gaara ku eegtaa meelaha xariiqda la hoosdhigay, farta la yar seexiyay (italic), amaba la muujiyay (bold). Meelaha aan kuu cadayn ama mad madaw kaa galana xawaaraha akhriska hoos u dhig kuna noqnoqo haddii aad mar kaliya ku fahmi waydo.
Dib u dhihid (recite). Su’aalo hadal ahaana iska waydii wixii aad imika akhriday, ama soo koob adiga oo isticmaalaya ereyo adigu aad leedahay. Calaamadi meelaha muhiimka ah, afkaarta aad la dhacdayna isku day inaad ereyadaada dib ugu cabirto. Inaad dib u odhan ama u xasuusan karto wixii aad akhriday waxaa kaa saacidaya haddii aad isticmaasho dareemayaal dhowra sida: araga, dhihida, maqalka IWM.
Dib u eegis ama naqtiin (review). Wixii aad akhriday ee aad dib-u-dhihida ku samaysa baad hadana su’aalo iska waydiinaysaa si aad xoog ugu sii fahamto. Caadiyan talaabadan ugu dambaysaa waa mid joogto ah oo lagaa rabo inaad samayso marar kala duwan si aad u weelayso, u fahamto una jilciso wixii aad akhriday.
Waan akhriyay halna ka garan maayo maaha laba is qabta. Haddii hanaankani uu kaa caawin waayo akhris wax-ku-oola, waxaad baadhaa hanaanada kale ee wax loo akhriyo ee la tijaabiyay. Hadda haw malayn in aad maalin qudha ku helaysid midhaha dariiqan iyo mid kale toona. Waxay u baahan yihiin samir, ku celcelin, iyo jilcin.

3. Fasalka u soo xaadir si joogta ah

Soo xaadirka joogtada ahi waxay ardayga siisaa fursada ah inaan waxna seegin. Macalinka wanaagsan iyo ka aan wanaagsanaynba wuu ka faa’iidaystaa. Kaliya waxaa kugu filan fikrad galaaska dhexdiisa macalin ka sheegay oon buuga ku qornayn, haddii ay imtixaan ku timaado, waxaa la arkaa in kuwii joogay ay u fududaato halka ay ku adkaanayso kuwii habsaamay. Sideedabana waa caado wanaagsan in aad galaaska soo xaadirtaa, waxaanay kaa saacidaysaa in shaqadaada iyo waajibaadkaagaba aad u gudato si habsami, iyo xilkasnimo iyo masuuliyad leh.

4. Ka shaqee laylis-yada, shaqo-gurida, iyo wixii kale ee laguu diro isla markaana gudbi wakhtigii laguu qabtay ka hor.

Waxbarashadu maaha inta macalinku jeediyo uun. Qaybta ugu muhiim sani waa inta aad adigu qabato. Taasna waxaa kaw ka ah inaad si macno leh uga shaqayso laylis yada iyo hawl-aqooneedka laguu soo diro. Waxaan hoosta ka xariiqayaa in aad h**e u dirto layliska, ama hawlaha laguu diro si aad u hesho aragtida macalinka ama cidda kuu dirtay. Haddiiba aad wax seegto waxaa la arkaa in fursad laguu siiyo aad ku hagaajiso adiga oon ka dib dhicin wakhtigii laysla qaatay.

5. Adaabta, asluubta iyo nidaamka fiican ku dhaqan.

Aqoon bilaa adaab iyo bilaa asluub ahi waxay kaa dhigaysaa dameer malab la saaray oo kale. Aqoontu waa inay kuu kordhisaa akhlaaq, haybad, iyo hanaan-nololeed wacan. Waa inaad ka dheeraataa liidnimada, xumaanta, iyo dhegxumada si aad u noqoto qof la hirsado oo dadku jeclaystaan in ubadkoodu adiga oo kale noqdaan.

Aqoon iyo akhlaaq wanaagsan oo is weheshaday waxay kaa dhigaan qof dhamays ah. Soomaalidu waxay tidhaahdaa“cilmigu qofna wuxuu ka dhigaa nin, qofna ninamyaw”. Taas oo macnaheedu yahay haddiiba aanad ahayn nin raganimadiisu aad u xoogan tahay waxay ku soo gaadhsiisaa raga, haddii aad markii h**eba nin ahaydna, waxay kaa dhigtaa nimanyaw.

6. Wakhtigaaga maamul.

Wakhtigu waa hantida ugu qaalisan ee ilaahay aadamiga ku manaystay. Nin sheekha baa yidhi “wakhtigu waa nolosha”. Noloshu waa daqiiqado, saacado ama maalmo laysu geeyay oo noqday bilo, sanado ama qarniba.

Cimriga aadamuhu wuu xadidan yahay, markaa inta yar ee aad nooshahay waxaa lagaa rabaa inaad camirto, maal-galiso, kuna isticmaasho wax ku anfacaya aduun iyo aakhiroba. Sideebaa wakhtiga loo maamulaa? Jawaabtani ma fududa lagumana soo koobi karo cinwaan-hoosaadkan, ee bal aan si koobkooban kuugu sheego talaabooyinka uun:

Samayso hadafyo aad rabto inaad gaadho, una hormee sida ay u kala mudan yihiin.Si aad wakhtigaaga u maamusho waa inaad ka bilawdaa horta maxaan doonayaa inaan gaadho, sideen u gaadhayaa, maxaan qabanayaa si aan u gaadho iyo su’aalo la mida. Inta aad taxdo dhamaan hawlaha aad gabanayso, u kala hormari sida ay u kala mudan yihiin.
Faaqid oo qiimee sida aad wakhtiga u isticmaasho imika.Iswaydii sida aad wakhtiga u isticmaasho imika iyo waxa aad qabato saacada maalintii iyo habeenkii. Tani waxay kaa caawinaysaa inaad ogaato halka wakhtigaagu ka dayacmo iyo waxa kaa dayaca wakhtigaba. Waxaanay kuu sahlaysaa inaad qorshe wanaagsan u samayso isticmaalka wakhtigaaga.
Qorshee wakhtigaaga, samayso jadwal, isla markaana maamul wakhtigaaga si wax ku oola. Hawlaha aad qabanayso markaad taxdo, waxaad u baahan tahay inaad waafajiso wakhtiga aad mid walba qabanayso adiga oo iska-hor-iyo-daba keenahayn. Jadwal fudud iska samayso oo xidhiidhinaya hawsha iyo wakhtiga. Kaasi wuxuu kaa caawin doonaa inaad sahal u aragto, una fuliso hadba hawsha kuu taala. Ta ugu muhim sani waa “inaad naftaada ku ilaaliso kuna kantaroosho jadwalkaas”. Hadaba, jadwal kasta ma waxtarbuu leeyahay? Maya. Jadwalku waa inuu noqdaa mid ku caawinaya, oo isu dheeli tiraya noloshaada. Haddii aad hawl ka buuxiso uun wakhtigaaga waxaa xaqiiqo ah in aad daalayso. Sidaa daraadeed hubi in jadwalkaaga ay ku jiraan wakhti raaxo iyo wakhti madhan oo aad ugu talo gasho hawlaha soo darsa.
Mar walba dib-u-eegis ku samee, qiimee,isla markaana h**e-umari hanaanka aad u maamusho wakhtiga. Marwalba dib qiimee, sida aad wakhtiga u maamusho. Hababka aan shaqaynayn badal, kuwa lagu reeyayna xooji, kuwo cusub oo waxtar lehna soo kordhi.
Waxaa muhiima inaad iska ilaaliso waxyaabaha wakhtiga lumiya ama dayaca oo uugu wayn yahay “dib-u-dhigistu”. Arin walba waxaa fiican inaad qabato wakhtigeeda. Haddii aad dib u dhigto, wuxuu kordhiyaa uun culayska ku saarmaya beri. Carabtaa ku maahmaahda “hawl maanta aad qaban karto dib ha ugu dhigin berito”.

Waxyaalaha dhalinta wakhtiga ka lumiya imika waxaa ugu badan dhowr shay: daawashada kubada iyo filimada/musalsalada, fadhiisiga maqaaxiyaha, sheekada tilifoonka, iyo la jooga saaxiibada. Waxaasoo dhan waxaa aabo u ah “han yaraan iyo hadaf la’aan”.

Waxaa muhiima inaad maalintaada la noolaato oo aanad isku mashquulin wixii tagay. Waa inaanaf khaldin maanta wixii shalay kaa qaloocday, berina waa inaad ku talogashaa inaad qabato wax ka fiican wixii maanta.

Gabagabo

Ugu dambayntii, ardayga wanaagsani waa ka qorshaysta noloshiisa, hadaf samaysta, han iyo hiigsi leh, duruustiisa ku dadaala, wax badan akhriya, aan ka seexan waajibaadka loo soo diro, fasalka soo xaadira markasta, isla markaana wakhtigiisa ka faa'daysta

 Naqshadda cusub ee Nokia3310 oo daba socota 3310 2000 ayaa lasoo bandhigay taasoo ah laba kaadh Dual Sim, 2MP Camera iy...
27/02/2017


Naqshadda cusub ee Nokia3310 oo daba socota 3310 2000 ayaa lasoo bandhigay taasoo ah laba kaadh Dual Sim, 2MP Camera iyo Battery Hal bil ku haynaya.
.17 ayaa suuqyada soo geli doona Lixda bilood ee u dambeeya 2017 qiime ah ÂŁ49 oo ku dhow $52.

Tha father is back.

01/10/2016

Sanad Cusub 1438H.

Sanadaha Islaamka waxaa ay leeyihiin Taariikh soo jireen ah oo mudan in lagu faano, loogana sheekeeyo yar iyo weyn.

Shaki kuma jiro in ummad kastaa ay leedahay taariikh ay ku faanto oo muhiim u ah noloshooda xadaaradeed iyo horumarineed.

Hadaba haddaan nahay Muslimiinta adduunka waxaan leenahay taariikh aad u qiima badan oo ay mudan tahay in laga hadlo waana taariikhda Hijraga .

Taariikhda hijriga ah waxaa laga bilaabay Hijradii nabiga( NNKH )uu ka hijrooday magaalada Makka una hijooraday magaalada Madiina.

Sanad waliba Hoodiyo waxa uu hadimo leeyahay waa laga helaayoo Hadhow lagu xasuustaa.

Alle Sanadkan Samaantiisa ha ina siiyo, Sifahiisa qaloocana ha ina garab mariyo.

W/Q: Maxamed Ciise Cabdilahi (Ibnu Shiine).

23/06/2016

Waayihii Nolosha Caruurnimo.
Waxaan kasoo jeedaa qoys ladan, aabahay waa ganacsade laga yaqaan tuulada aan ku noolnay, farxad iyo nolol wanaagsan anigoo dhex mushaaxaya ayaa maalin waxaa iskhilaafay hooyaday iyo aabahay, khilaafkaasi wuxu sababay in aabahay guriga ka caydhiyo hooyaday, ka dibna ay ku noqonto reerkoodii ama abtiyaashay. Laga bilaabo maalintaas aniga iyo aabahay saacad walba waxaan ka wada hadli jirnay sababta hooyaday uga maqantay guriga, aabahay wuxuu u arkay inaan ahay cadawgiisa koowaad, waxaanu iga eryey gurigii taasoo igu dhalisay inaan ku biiro caruurta darbi jiifka ah.
Maalinba waxay eryeysaa maalin, subax kasta waa wax cusub oo aanan h**e u aqoon, waxaan bartay inaan dadka boobo, dhaco, xado, waxaanay iigaysay inaan ardaydii, macalimiintii, jaarkii, iyo gurigii layga soo eryeyba aan xado, waxaan ka xadi jiray macalimiinta iyo ardayda buugta, aniga oo ka dhiganaaya waxaan quuto intaan suuqa geeyana iibinaaya ka dibna ku bedelanaaya mukhaadaraad sida sigaar, xashiishad iyo waxyar oo aan cuno, si kasta oo dhaqankaygu u xun yahay laakiin macalimiintii dugsigu imay eryin ee waxbarashadaydu waa halkeedii oo saacadna k**a habsaamo.
Laba jeer waxaan ka bedbaaday dil toogasho ah oo aabahay doonaayey inuu igu khaarijiyo, afar jeer oo kalena aniga laftayda ayaa isku dayey inaan naftayda dilo laakiin midna ma suurto galin, waxaan ku noolaado dariiqa iyo wadooyinka oo noloshaydu maalinba maalin isasii bedeshaba waxaan gaadhay fasalkii ugu danbeeyey ee aan kaga bixi lahaa dugsiga dhexe uguna gudbi lahaa ka sare, waxaa la gaadhay wakhtigii imtixaanada guud ee dalka oo dhan laga qaado waan ka qayb qaatay laakiin imtixaankii maan guuleysan sidaa awgeedna waan ku guuldaraystay.
Noloshaydu waxay gashay mugdi kale waxaan booqosho ugu tagay dadkii aanu qaraabada ahayn qaar ka mid ah, markii lay arkay inaan soo socdo ayaa jaarka iyo dadkii ehelka ii ahaaba alaabtii guriga hortiisa, dhexdiisa taalay iyo waxkasta oo dayacanba layska hagaajiyey, waayo waxaa lay yaqaan inaan ahay tuug weyn oo aan waxba reebayn ee waxkasta qaadanaaya, Maalintaas waxaan la kulmay aabahay anigoo gaajo boga iyo beerku isku kay dhegeen oo xitaa hadalkku dirqi igaga soo baxaayo, aabahay wuxuu jeebkayga kasoo saaray 100Birr oo aanan ogayn goor aan ku ritay waayo hadaan ogay lacagtaasi waxaan siisan lahaa wax aan cuno, xaafadan iyo dadkan I neceb ee aan booqday toona maan kasoo ag wareegeen.
Jaarkuna si fiican ayey isha iigu hayaan waxaanay in badan ka dheregsan yihiin warkayga, waxaa lay siiyey waxyar oo aan cuno ka dibna waan iskaga soo noqday, mudo ka dib waxaan booqday gurigay ku noolayd hooyaday, aad bay iila yaabtay hooyaday waxayna igu tidhi”Hooyo waxaad tahay qof maskax wanaagsan, faham fiican oo fariid ah” waxaan waydiiyey Hadii aan ahay qof fariid ah maxay dadkan aan ehelka la ahay oo dhan ii neceb yihiin?.
Hooyo way dareensantay waxaan doonaayo inay iiga jawaabto kadibna waxay iigu jawaabtay “Hooyo waxaad doonaysaa sow maaha dadku waxay kugu naceen, waa fariidnimadaada oo waxaad ku dhibtay maskaxdaada wanaagsan iyo fariidnimadaada, taasoo iyaguna aanay heli Karin waanay kaa baqayaan”.
Erayadaas waxay bedeleen dhamaan noloshaydii oo dhan aniga oo bilaabay inaan dhamaan joojiyo wixii qaladka ahaa ee aan samayn jiray oo dhan, waxaan bilaabay lacag kasta oo aan helo inaan siisto buug, cunto iyo dhar, waxaan dib u bilaabay iskuulkii aan ka saaqiday ee aan imtixaankiisii dhacay, macalimiintii dib ayey iigu ogolaadeen inaan galo, ka dibna waxaan ka mid noqday ardaydii ugu sareysay dugsiga hoose dhexe ee dalka oo dhan. Waxaanan helay waxbarasho deeq ah oo dugsi sare ah, taas oo isii farxad galisay, waxaan bedelay dhamaan dadkii aan darbiga wada jiifsan jirnay oo dhan, waxaan samaystay asxaab cusub iyo dad waxbarashada jecel oo igu dhiirigaliya waxa wanaagsan.
Dariiqaas cusub ee aan raacay wuxuu igaadhsiiyey inaan nolosha guulo ka gaadho, jaamacado badan aan wax ka barto qaarna aan macalin ka noqdo, waxaan aasaasay urur aan ugu magac daray “Family Care Association” oo aan imika madax ka ahay dalka oo dhana ka hawl gala, shaqadan waxaan u doortay waxaan dareemayaa dhibaatada qoysaska ka dhex dhacda iyo caruurta ku dhex lunta, ku waxbarasho beesha, ku halawda mawjadaha hirdamaya ee nolosha culeyskeedu wataan.

W/Q Maxamed Ciise Cabdilaahi (Ibnu Shiine).

Meeye ( walaaleheen) itoobiya ? Aaaway , maxay abaarta ku dhufatay dalkeena , inoogu gurmanwaayeen, maadama madaxdeenu u...
06/04/2016

Meeye ( walaaleheen) itoobiya ?

Aaaway , maxay abaarta ku dhufatay dalkeena , inoogu gurmanwaayeen, maadama madaxdeenu ugu yeedho ( walaaleheen) ?

Aaad baan ugu mahadcelinayaa walaalahayaga dhabta ah ee na soo gaadhsiiyey halka malyan ee doolar si ay inoola dareemaan dhibta jirta , ugana qaybqaataan khfiifinta dhibtaasi .

Aaway codkii dheeraa ee ka shaqaynjiray nacaybka umada soomaaliyeed ?
aaway codkii itoobiya u kiraysanaa ee hadh iyo habeen xumaanta abuurijiray , itoobiya jacaylna beerijiray?

maxay si fiican uga hadliwaayeen malyanka doolar iyo wanaaga ku xeeran .

hadii maanta itoobiya labo boqol oo kun oo doolar oo kaliya abaaraha kaga qaybqaadanlahayd , k**aynaan fadhiisaneen kuwii itoobiya durbaanka u tumijiray , k**aynaan seexaneen amaanta badan ee warbaahinta lamarinayo , iyo barnaamijyada gaarka ah ee laga baahinlahaa warbaahinta kala duwan!!

Kuwii h**e u odhanjiray itoobiya waa (walaalaheen ) waxay ahaayeen beenaalayaal , hadday mar dambe yidhaahdaana waa beenaalayaal.

Cabdimaalik Sh. Muse

Address

Hargeisa

Telephone

+252634583886

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Garaad Online posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Share