Codka-Qalbiga

Codka-Qalbiga Contact information, map and directions, contact form, opening hours, services, ratings, photos, videos and announcements from Codka-Qalbiga, Security guard service, Hargeisa.

15/07/2026

waliga ha ilaawin qofki kuso garage qabtay marka ubaahnayd garabka...✍️

‎Waligaa ha ilaawin qofkii ku garab istaagay xilli qof walba kaa cudur daartay.

‎Noloshu mar walba isku mid ma aha; waxaa jira maalmo farxad iyo guul leh, sidoo kalena waxaa jira maalmo adag oo ay dhibaatooyin iyo caqabado badan qabsadan qofka.

‎ Marka aad xaalad wanaagsan ku jirto, dad badan ayaa kuu soo dhowaada, kula qosla, kugu la dabaaldega guulahaaga, isla markaana muujiya saaxiibtinimo iyo jacayl.

‎Hase yeeshee marka ay dhibaato timaaddo, qaar badan way kaa fogaadaan, qaarna waxay keenaan cudur daar iyo marmarsiinyo ay ku qariyaan inaanay ku garab istaagin.

‎qaarna waxayba iska dhigan kuwa ku garab istaagaya lakinsax ahaan ku garab istaagayn.

‎ Xilligaas adag waxaa muuqda qofka sida saxda ah kuu , garab istaaga oo aan kaa tegin, ku dhiirrigeliya, ku taageera, isla markaana kula qaybsata culayska iyo murugada.

‎ Qofkaas waa qofka aad aktiisa ku tahay qaali ah oo aan lbeddelayn wax kasta oo adduunka ka dhaca.

‎ Sidaa darteed, mar kasta xusuuso wanaagi uu ku galay qaddarinti iyo garab istaaggii uu ku muujiyey una muuji mahadnaq iyo ixtiraam.

‎Daacadnimada dhabta ahi ma muuqato maalmaha fudud ee waxay soo baxdaa marka duruufaha adag ay imaadan.

‎ Dadka noocaas ah waa kuwa mudan in qalbiga lagu hayo, xiriirkoodana la ilaaliyo.

‎Haddii maalin aad guul gaarto ama aad ka gudubto dhibaatadii ku haysatay, ha illoobin kuwii kula soo dhibtooday ee kuu sabray.

‎Wanaagga la xusuustaa waa astaanta qofka wanaagsan, qofkii ku garab istaagayna wuxuu mudan yahay jacayl, tixgelin iyo abaal-gud joogto ah.

14/07/2026

‎Nabsigiyo ayaankoow, xaggee baad ku nooshahay?😂😅

‎Waad i illawday… sidii qof aan waligiis jirin. Anigu se kuma aanan jeclaan si sahlan, mana aanan kuu arkin qof mar uun la illaawi karo. Waxaad ahayd qofkii ugu horreeyay ee qalbigaygu si dhab ah u aqbalo, waxaanan kuu furay meel aan cid kale h**e u gaadhin.

‎Laakiin waxaad iga tagtay dhaawac aanan weli aqoon sida loo bogsiiyo. Waxaan is waydiiyay marar badan: maxaan qaldamay? Mise jacaylkayga ayaa kaa badnaa? Jawaabse ma helin.

‎Anigu waxaan kuu arkayay qof aan mustaqbal la rabo, adiguna waxaad ii aragtay qof si fudud looga tagi karo. Taasi waa xanuunka ugu weyn.

‎Maanta waxaan la noolahay xusuustaada, balse sidoo kale waxaan barta

14/07/2026

Afar Bay udhigantaaa🥹❤️👸🏻

‎Markii aan kuu jeclaaday, ma aanan jeclaan uun wajigaaga quruxda badan, ama hadalkaaga macaan waxaan jeclaaday ruuxaada, dabeecaddaada, qalbigaaga. Waxaan jeclaaday sida aad u fahanto jacaylka qalbiyadeena , sida aad isiinayso kalgacal daacad ah. Waxaad i tustay in jacaylka runta ahi uusan ku koobnayn hadal, balse uu yahay ficil sabir leh, dulqaad leh, iyo rajo dhammaystiran.

‎Jacaylkeennu wuxuu ka gudbay heerka sheeko qurxoon oo kalgacal ah wuxuu gaaray heer uu noqday guur iyo calaf. Wuxuu noqday ballan nololeed mid aan maanta oo keliya la joogin, balse berri iyo berrito kalena lala jaanqaado. Waxaan kuu arkaa lammaane aan ku dhisto nolosheyda, aan la yeesho qoys, aan la helo ubad, iyo aan la wadaago waqti kasta oo noloshayda ah.

‎Guurka aan ka fekerayo, ma ahan xaflad kaliya ama aroos lagu farxo ee waa in aan noqdo garabkaaga marka aad daciif tahay farxaddaada marka aad guuleyso, iyo laabta aad ku nasato marka aduunyadu kugu adkaato. Calafka Ilaahay iigu deeqay, waa mid aan qadarinayo waana adiga❤️🥹

Address

Hargeisa
NONE

Telephone

+252634230743

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Codka-Qalbiga posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Shortcuts

Share