18/03/2025
Wax ka yar saac oo diyaaradaha iyo taangiyada Israa’iil ay duqeymo ka wadaan marinka Qasa , dhimashada ayaa gaartay 100 qof , halka dhaawaca uu ka badan yahay 200, tiradan oo daqiiqad walba kordhaysa , sabab la xiriirta duqeymaha culus ee ka socda marinka Qasa.
Ururka Xamaas, wuxuu soo saaray warsaxaafadeed ay ku sheegeen inuu Netanyahu burburiyay heshiiska xabbad-joojinta Qasa, xilligaana ay wajahayaan maxaabiista Israa’iil ee ay gacanta ku hayaan xaalad hubaanti la’aan ah, iyagoo dhexdhexaadiyayaasha ugu baaqay inay si dhaqso ah xaaladan usoo farageliyaan.
Warbaahinta Axios iyo telefishinka Israa’iil ee Channel 12, waxay xaqiijiyeen inay Israa’iil wargelisay Mareykanka ka hor duullaanka ay ku qaaday Qasa, tan oo ka dhigan inuu Trump siiyay Israa’iil oggolaanshaha inay dib u billaabaan duullaanka Qasa, halka diyaaradaha Mareykanka ay duqeymo xiriir ah ka wadaan saacadihii u dambeeyay dalka Yemen! Diyaaradaha wax basaasa ee Mareykanka ayaa iyagu dhankooda goobo kale duwan oo hawada Iran ah ku jira, sida laga soo xigtay warbaahinta Iran.
Pagekan like iyo shre dheh