Mohamed Abdulle

Call Directions Contact the business

Mohamed Abdulle Safar dheer oo samir iyo Dulqaad lagu kabay

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO SAXIIXAY SHARCIGA MIISAANIYADDA SANADKA 2023-KAMuqdisho, Diseembar 31, 2022; Madaxweynaha Jam...
31/12/2022

MADAXWEYNE XASAN SHEEKH OO SAXIIXAY SHARCIGA MIISAANIYADDA SANADKA 2023-KA

Muqdisho, Diseembar 31, 2022; Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa saxiixay Sharciga Miisaaniyadda Dowladda ee sanadka 2023 oo Todobaadkii tagay ay ansixiyeen Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Madaxweynaha oo xusay kororka miisaaniyadda ayaa ku bogaadiyey Xukuumadda, gaar ahaan Wasaaradda Maaliyadda iyo khubarada dhaqaalaha Soomaaliyeed diyaarinta iyo jaangoynta miisaaniyad waafaqsan hiigsiga qaran ee horumarka, dib u dhiska ciidamada iyo xoreynta dalka.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa ku boggaadiyey Mudaneyaasha Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya sida xilkasnimada leh ee ay u guteen waajibaadka dastuuriga ah ee kaga aaddanaa miisaaniyadda cusub ee dalka oo la kordhiyey.

DHAMMAAD

Wixii faahfaahin ah, fadlan kala xiriir;
Abdikadir Ali Dige,
Xafiiska Warfaafinta & Xiriirka Warbaahinta,
Madaxtooyada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya
E-mail: [email protected]
Flicker: https://www.flickr.com/photos/vilasomalia/
Twitter:

31/12/2022

Guddoomiyaha Golaha shacabka ayaa ku baaqay in xiisadda magaalada Laascaanood lagu xaliyo wadahadal.

๐—๐—ถ๐—บ๐—ฐ๐—ฒ ๐˜„๐—ฎ๐—ป๐—ฎ๐—ฎ๐—ด๐˜€๐—ฎ๐—ป๐Ÿ™
29/12/2022

๐—๐—ถ๐—บ๐—ฐ๐—ฒ ๐˜„๐—ฎ๐—ป๐—ฎ๐—ฎ๐—ด๐˜€๐—ฎ๐—ป๐Ÿ™

28/12/2022

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ku soo dhaweeyey garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, Madaxweynaha dalka aan walaalaha nahay ee Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle iyo wafdi uu hoggaaminayo oo maanta soo gaaray dalka.

27/12/2022

Qaar ka mid ah Bulshada Shabeellada dhexe iyo aragtidooda firxadka Horjoogayaasha Khawaarijta.

26/12/2022

Madaxweynaha JFS mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa guddoomiyay kulankii 4-aad ee Golaha Wada-tashiga Qaranka oo looga hadlayo xoreynta dalka, federaaleynta garsoorka iyo asteynta awoodaha heer Federaal iyo heer Dowlad-goboleed.

Shueib M. Ali

23/12/2022

Farkeeti" Gurigeega ayay weerar aan kala joogsi laheyn kusoo qaadeyn dowladana si aan sax aheyn ayay kaga hadashay.

23/12/2022

Askariga ugu dambeeya ciidanka jira Eritrea oo imaanaya inta aysan dhamaan Janaayo, dagaalka lagu soo afjarayo Khawaarijta oo ku fiday gobol hor leh, Shabaab-kii ugu badnaa oo isisoo dhiibay iyo qodobo kale | Baalkeena todobaadkaan.
Liibaan Lugcad

Address

Mogadisho

Telephone

+252613082121

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Mohamed Abdulle posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to Mohamed Abdulle:

Shortcuts

Share