Musharaf Tahlil

Musharaf Tahlil Am Economic man. I earn money to help poor people and I create this page to help poor people and all innocent

22/03/2020

President of a new state

06/05/2019

Ramadan Mubarak All Muslims around the world.

12/10/2017

Dhibaatada ugu weyn Jaceylka dhalinyarada
Si fiican u aqri fadlan

Gabar fiican ayaa la kulmaysa wiil xun,
Wiil fiican ayaa la kulmaya Gabar xun,
Way is Jeclaanayaan
Ka dibna;
Kuwi fiicnaa ayaa la khiyaamayaa,
Markaa
Wiilashi fiicnaa waxay ku fakarayaan oo oranayaan gabdhaha oo dhan waa xun yihiin! 😃
Sidoo kale;
Gabdhihi fiicnaa waxay ku fakarayaan oo oranayaan ragga oo dhan wax la aamino ma leh! 😄

Ogsoonow:
Goortii gabar fiican iyo wiil wanaagsan kulmaan,
Waxay ka fogaadaan in ay is jeclaadaan!
Waxayna is yiraahdaan waxaan nahay walaalo, saaxiibo ama asxaab!

Haddaba, goorti kuwi fiicnaa is diidaan in iyaga xiriir dhex maro oo is yiraahdaan Walaaltinimo aan ku wadano, ka dibna ay raadsadaan in ay la sheekeystaan kuwa xun, hadhow lagama joogi karo oohinta & cabashadooda iyo in ay yiraahdaan wax la aamino ma leh ama waayadaan jaceyl fiican ma jiro 😁 lagamana dhaadhicin karo, war is dejiya idinkaa belaayo lugihiina ku doontee 😍

La Wadaag Asxaabtaada ama ku metion-garee

16 Qodob Amma Sababood Oo Loo Diley Qadafi Madaxwaynihii Libya, Loona Baaba'shay Libya. 1- Majirin Wax Biil Koronto Ah O...
09/10/2017

16 Qodob Amma Sababood Oo Loo Diley Qadafi Madaxwaynihii Libya, Loona Baaba'shay Libya.

1- Majirin Wax Biil Koronto Ah Oo Laga Qaadi Jiray Muwaadin Kasta Oo Libyan ah. Dhammaan Wadanka Korontadiisu Waxay Ahayd Bilaash.

2-Majirin Wax Saaritaan Lacageed Ah Dhanka Bankiyada, 0%.

3- Qadafi Wuxuu Hirgeliyey Amma Saxiixay Sharci Dhigaya In Uusan Qof Familygiisa Ahi Helin Guri Ilaa Uu Muwaadin Kastaaba Helo Guri. Qadafi Aabihii Wuxuu Dhintey Isagoo Aan Lahayn Wax Guri Ah.

4- Laba Kasta Oo Is Guursadaa Waxaa Lasiin Jiray Lacag Gaadhaysa 60,000 Diinaar Oo U Dhiganta (50,000$).

5- Waxbarashada Iyo Adeega Caafimaadka Ee Muwaadin kasta Oo Libyan Ah Waxay Ahayd Bilaash. 25% Ayaa Waxbarasho Tegi Jiray Qadaafi Kahor Dabadiina 83%.

6- Muwaadinkii Doona Inuu Shaqaysto Isagoon Lahayn Aqoon Waxaa Laga Caawin Jiray Waxbeerashada Iyo Xoolo Dhaqashada, Waxaana Lasiin Jiray Guri Beeri Kudhex Taal.

7- Haddii Qof Libyan Ahi Kabaxo Jaamacad Balse Uusan Helin Shaqo Waxaa Dawladu Siin Jirtay Lacag Udhiganta Aqoontiisa.Inta Uu Shaqo Kahelayona Lacagtaas Ayu Qaadan jiray.

8- Qof Libyan Ahi Haddii Uu Gato Gaari Kala bar lacagta Waxaa Kabixin Jirtay Dawlada.

9- Shidaalka Litre Kasta Waxa Uu Ahaa Qiime Garaya 0.14$. Wax Aan gaarin 0.5cent.

10- Majirin Libya Wax Dibada Uga Imaan Jiray,Sidas Oo Ay Tahayna Waxaa Gudaha Wadanka Kaso Xeroon Jiray Lacag Gadhaysa 150 billion.

11- Qofka Aan Gelin Jaamacad Ee Waxbarashada Iyo Shaqada Aan Haysan Waxaa Dawladu Ku Kaabi Jirtay Lacag Dhan 2,300$ Bil Kasta.

12- Dakhliga Saliida Wadanka Waxaa Toos Logu So Shubi Jiray Bankiga Dawlada Waxaana Dib Loogu Celin Jiray Shacabka Libya.

13- Hooyo Kasta Oo Dhasha Cunug Waxay Qaadan Jirtay 5,000$.

14- 40 Xabo Ee Rootiga Ahi Waxaa Lasiin Jiray Qiimo Dhan 0.15 . Wax kayar 0.5cent.

15- 25% Bulshada Libya Waxay Dhamaysteen Jaamacadaha.

16- Qadafi Wuxuu Sameeyey Qorshe Horumarineed Uu Ubaxshay "The great man" Oo ah " Ninkii Sareeyey Ama Qiimaha Badnaa" Oo Uu Ula Jeeday Waari Mayside War Hakaa Hadho.

Ugu Danbayntii Haddii Hogaamiyaha Sidaas Uwanaagsan Ee Ummadiisa Sidaas Ugu Shaqaynaya Lagu Tilmaamayo Amma U Yahay Keligii Taliye, Dimuquraadiyada Waxa Reer Galbeedku Ula Bexeen Ee Ay Kusheegaan Jahanama Ha Isla Galaan".

Walaal, Haddiibaa aAad Intaan So gaartay Share U Sii Dheh Asxaabtaada Si Ay Uga Faidestaan Qoraalkaaan # #

Xikmado Dahabi ah 1. Macquul ma aha in aad mudo badan u careysnaato qof aad si dhab ah u jeceshahay. Xanaaqa haduu dhaaf...
06/10/2017

Xikmado Dahabi ah

1. Macquul ma aha in aad mudo badan u careysnaato qof aad si dhab ah u jeceshahay. Xanaaqa haduu dhaafo in ka badan saddex maalin wuxuu tilmaamayaa in aadan Jeclayn

2. Goortii qof maskaxdiisu daciif tahay, xaalad kasta waxay ku noqotaa dhibaato. Goortii qof maskaxdiisu isu dheelitiran tahay, xaalad kasta waxay ku noqotaa loolan. Laakiin, goortii qofka maskaxdiisu xoogan tahay, xaalad kasta waxay u noqotaa fursad

3. Adiga ayaa ka mas'uul ah farxadaada iyo noloshaada. Haddii aad ka sugto dad kale in ay farxad kuu keenaan waxaad had iyo jeer ahaanaysaa qof murugaysan

4. Goortii Ubax aad beertay soo bixi waayo, intaad soo saarto geedka Ubaxa ah ma tuurtid balse waxaad u hagaajisaa dhulka iyo ciida aad ku beertay ama waxaad ka buufisaa hadii cayayaan cunay. Noloshu waa sidaa oo kale, dhib kasta kuma xallin kartid in aad cid bedesho ama ka tagto ee waa in aad aasaaska ama waxa dhibta keenaya wax ka qabato

5. Dadka ugu Xooga badan ma aha kuwa xoogooda ku soo bandhiga dadka hortooda laakiin waa kuwa ku Guuleysta dagaalo naga qarsoon oo aynaan waxba ka ogayn

6. Saburku waa Furaha Guusha. Deg-dega iyo fudaydka waa furaha Fashilka. Guushu ma aha wax iska yimaada ama wado gaaban loo maro. Waxay rabtaa shaqo adag, dadaal joogta ah iyo dulqaad badan

7. Goortii aad ku jirto waqti adag oo ciriiri ah, Garowso in dhibaatada aan laguugu soo dirin in ay ku baabi'iso ee laguugu soo diray in aad fakirto, in aad Alle u noqoto, In waxa aad ku jirto ka baxdo, in ay ku xoojiso, In ay dambi dhaaf kuu noqoto iyo in ay sare u qaado iimaankaaga

8. Ha ku ciyaarin Qalbiga Dumarka, maxaad u marin habaabinaysaa gabar wanaagsan haddii aad ogtahay in aadan jeclayn ama u jeclaan karin sida ay u qalanto in loo jeclaado

Share – la wadaag Asxaabtaada

Daqiiqad kasta garaaca Wadnahaagu sameeyo waa 72 jeer, halki garaac kasta oo kuwaas ka mid ah wuxuu ku sameeyaa Oggolaan...
06/10/2017

Daqiiqad kasta garaaca Wadnahaagu sameeyo waa 72 jeer, halki garaac kasta oo kuwaas ka mid ah wuxuu ku sameeyaa Oggolaanshaha iyo Idanka Allihi Abuuray. Subxaan Allaah. Hadii uu joojiyo garaaca wadnaha waa xaalad aad khatar u ah ama dhimasho.

Xusuusnow, wax la is xasuusiyo waxa ugu wanaagsan xuska Alle. Haddaba, Xus oo ku Xamdi-naq nimcooyinka Alle

Dheh: Alxamdulilaah

Share - sii faafi

Address

Mogadisho

Opening Hours

Monday 09:00 - 17:00
Tuesday 09:00 - 17:00
Wednesday 09:00 - 17:00
Thursday 09:00 - 17:00
Friday 09:00 - 17:00
18:00 - 19:00
Saturday 09:00 - 17:00
Sunday 09:00 - 17:00

Website

Alerts

Be the first to know and let us send you an email when Musharaf Tahlil posts news and promotions. Your email address will not be used for any other purpose, and you can unsubscribe at any time.

Contact The Business

Send a message to Musharaf Tahlil:

Share